Gorfeyn: Buugga “Culuumta Maansada”
Suugaantu waa meel lagu cabiro tagtada iyo timaadada nolosha, Sugaanta
soomalidu waxay in badan ku jirtay kaydna u ahaa quluubta suugaanyahanka
soomaliyeed ee ku kala sugan inta soomali dagto, halkaas ayaa lagu hayn jiray,
la isku waydaarsan jiray ilaa lakala dhaxlo qarniba qarniga ka danbeeyaa, waxay
u ahayd dadka soomaliyeed aalad xog is waydaarsi, xikmad kala barasho, xaalad
abuurid, xalin colaadeed iyo xulasho xuural-cayn dumar. Suugaantu waxay dhaxal
ma guuran u ahayd una tahay Afka iyo ilaalintiisa.
Somalidu waxa in badan la odhan jiray waa bulsho aan lahayn kayd
taariikheed oo qoran iyo kayd suugaaneed
oo qoran, lakiin waxay leeyihiin kayd maskaxeed oo qiimo badan.
Buugga uu magaciisu yahay “Culuumta
Maansada” ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi” Waxa uu ka mid
yahay buuggagta ugu qiimaha badan ee laga qoray suugaan soomaliyeed, waa buug
soo kordhinayo waxyaabaha badan oo suugaantu leedahay, waxa uu si weyn uga
duwan yahay buugaagtii laga qoray mawduuca Maansada ee hore loo daabacay,
waxaanan aragtidayda -oo isla buuggan
hore loogu daabacay- ku aaddan buuggan ku salaynayaa dhawr qodob oo kala
ah.
Kulminta
Mawduucyada Kala Geddisan ee Maansada: Buugaagtii hore looga qori jiray mawduuca maansadu, waxa ay
ahaayeen qaar inta badan xoogga saara si waafi hana u lafagura mawduuc ka mid
ah mawduucyada maansada, sida: ujeedada maansada loo tiriyo, miisaanka maansada
IWM, laakiin buuggan Culuumta Maansadu waxa uu si qotodheer ugu gondodaadagay
inta ugu badan ee mawduuc maanso ee buug qudha lagu kulmiyo, isaga oo buuggani
cilmi waafi ah ka qoray Qeexidda iyo Shardiyada Maansada, Maansada iyo Doorka
ay kaga jirto Taariikhda, Hanaqaadkii Maansada, Miisaanka Maansada, Maansada
iyo Adeegsiga dareenada, Humaagaynta ama af-maldaha maansada, iyo badaha
maansada.
Sidaas daraadeed buuggani waxa uu noqonayaa mid lagu tilmaamo
karo “ Iftiimiyihii cilmiga Maansada, aqoonsidhii iyo u-abtiriyaha
Maansada”, waana buug hage u noqon doona dad badan oo ka mid ah
dadka doonaysa in ay bartaan, ama ay wax ka qoraan Culuumta
Maansada.
Badaha Maansada iyo Magac-bixintooda: Qoraha Buuggu waxa uu buuggan ku kulmiyay badihii maansada ee
ugu faraha badnaa, ee inta aan arkay abidkeed lagu kulmiyo buug-maanseed, isaga
oo qoruhu meel isugu keenay 29 badood oo ka mid ah badaha maansada, inta aan
ogahay buugga ugu badan ee hore u qoray badaha maansadu, waxa uu
qoray 15 ka mid ah badaha maansada, waxaanad arkaysaa in badaha-maanseed ee uu
buuggani xusay ay ugu dhawaan ku labanlaabmayaan badaha maansada ee ay qoreen
buugaagtii hore loo qoray.
Qoruhuna waxa uu inbadan isku taxalujiyay, ku dadaalay, wakhti
baddana ku bixiyay sidii uu ablabalayn ugu samayn lahaa badaha maansada, isaga
oo maanso walba ku arooriyay badda ay ku sargo’an tahay, halkaasna waxa aad ka
arkaysaa in uu buuggani noqon doono “Ilayskii Badaha Maansada Soomaaliyeed”.
Waxa uu sidoo kale qoruhu u magac-bixiyay dhamaan badaha
maansada ee uu qoray, isaga oo badihii aan magaca lahayn u bixiyay magaca
maanso ka mid ah maansooyinkii ay baddaasi caanka ku ahayd, taasina waxa ay
kaalin laxaad leh ka qaadan doontaa in si hawlyar loo kala hormeeyo badaha
maansada, maanso walbana lagu daro badda ay ku abtirsanayso.
Allifida Halbeegyada Maansada: Waxyaabaha ugu muhiimsan Cilmiyada cusub ee lagu daahfuray
qoraalka buuggan, waxa koow ka ah “ Curinta
Hal-beegyada Maansada”, Qoraha buugguna waxa uu bad kasta oo ka mid ah
badaha Maansada ku arooriyay, hormoodna uu uga dhigay, tuduc noqon doona
hal-beeg ka mid ah hal-beegyada lagu cabbiro badaha Maansada.
Tuducyada hal-beegga u ah badaha maansada waxa hore u jiray
tuducyada lagu cabbiro badaha Gabayga, Buraanburka, Heellada, Waraabka, iyo
dhawr tuduc oo ah hal-beegyo-maanseed uu curiyay Abwaanka caanka ah ee Maxamed
Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHN).
dhamaan tuducyada kale ee lagu cabbirayo badaha Maansada ee
buuggan ku xusanina waa qaar ka soo maaxday maskaxda iyo maanka qoraha buuggan,
oo garaadka in badan ka shaqaysiiyay, soona saaray tuducyadaas hal-beegga u
noqon doona badaha kala geddisan ee maansada.
Allifitaanka tuducyada hal-beegga u ah maansada waxa sahlay
awooda hal-abuurnimo ama abwaanimo ee uu leeyahay qoraha buuggani, waa Siciid
Maxamuud Gahayr, oo marka laga yimaado hibadiisa qoraanimo ah abwaan curiya
maansooyin kala geddisan, kuna guulaystay kaalmaha koowaad iyo labaad ee tartan
suugaaneedyo dhawr ah oo ka dhacay Hargeysa iyo Pakistan, taas aawadeedna waxa
uu qoraha buuggani istaahilaa culuumta maansada ku soo kordhiyay
allifida qaar badan oo ka mid noqon doona halbeegyada maansada.
Raadinta Asalka Erayada: Buuggan waxa ku xusan
asalka ay ka soo jeedaan erayo-suugaaneedyo farabadan oo ay ka mid yihiin
Gabay, Maanso, Buraanbur, Baarcadde iyo qaar kaleba, taas oo si bayaan ah daaha
uga qaadaysa meelaha ay ka soo jeedaan, lagana soo minguuriyay erayo-suugaaneed
farabadan.
Guud ahaanna waxa uu buuggani fure hordhac ah u noqon doonaa
sidii si cilmiyaysan oo ay aqooni ku dheehan tahay loogu qori lahaa suugaanta
badweynta ah ee ay qaniga ku tahay ummada Soomaaliyeed, qoraha buugguna waxa uu
mudan yahay in lagu hambalyeeyo dedaalka wax ku oolka ah ee uu muujiyay intii
uu ku gudojiray qoraalka Buuggan “Culuumta Maansada”, dedaalkaas oo ay aniga ka
horba ka maragfureen dhalinyaro aqoonyahano ah, Abwaano, iyo Qoraayo
caan ah oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Maxamed Xaashi
Dhamac “Gaarriye”(AHN), Maxamed Xirsi Guuleed, Jamaal Cali Xuseen,
Axmed Aw Geeddi, Muxumed Cali “Masmas” iyo Cabdishakuur Xaaji Maxamuud Muuse
“Heersare”.
Allah Mahad Leh
Abdiqani Mohamed Ege
Xubin
ka tirsan Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhista (ERA)
Education
And Research Academy (ERA)
Comments
Post a Comment