Turkey: Siraha Qarsoon.!
“ kullan sir ah oo
dhex maray Madaxweynihii Turkiga Kamel At-turk iyo Danjihii Ingriiska u fadhiyay
Istanbul wakhtigaas Sir Precy”
Summada Qofnimo ee
aad leedahay waxay ku xidhan tahay cidda aad tahay, cidda aad u hayb sheegato,
waa ta aakhrika ku dhaxalsiisa in aad si dhab ah u jeclaato waddankaaga kuguna
beerta waddaniyada dhab ah.
yaraantaadii ilaa maanta oo tintu ku cadaatay kuna
soo dhex jirtay xaaladda ah jeclaansho waddaniyadeed way adagtay in aad si sahal
ah uga guurto kuna badlato waxa ka qiimo liita, haddaba sidee qof uga
tanaasulaa qiimihii wadankiisa uguna hibeeyaa cid aan ehel u ahayn, qisadani
waa mid ka waramaysay qiimo umaddeeda oo qof kale loo hibaynayo.
Bogga taariikheed
waxa kaa yaabiya ma waydid, marka aad mid aragtaba tii hore ayay ku
ilawsiinaysaa sida ay u kala cajiib san tahay darteed, waana sidaa ilaa
giraanta taariikhdu ka istaagayso. Waxa qalinku isdultaagi doonaa mid ka mid ah
taariikhda diblamaasiyada kuwa ugu cajabta badan, looguna qarinta badnaa. sida ay sheegayaan qaar ka mid ah
diblamaasiyiinta ingriiska ee wakhtigani. Taas waxa aad ka dareemi kartaa in
la shaaciyay wakhtigii ay soo dhawaatay
geerida shaqsigii hayay sirtan.
Qoraalkan Sirta waxa markii ugu horaysay lagu daabacay jariirrada Sunday Times ee ka soo baxda London, taariikhdu markay ahayd 11 Febraayo 1968, boggeeda
8aad. waxa soo bandhigay kuna daabacay Martin
Gilbert oo ah taariikhyahan ingriis ah qoray buug badan oo taariikh ah sida
Taariikhda iyo xasuuqii yuhuuda ( Holocaust Jewish
history), waxa kaloo caan ku yahay in uu ahaa taariikh qorihii rasmiga ahaa
ee raysal wasaarihii hore ee ingriiska Sir Winston
Churchill ( 26 October 1951 – 7 April 1955). Gilbert waa taariikhyahnada la tilmaamo ee
ingriiska qarnigii ina dhaafay iyo kan cusuba.
Si kastba ha ahaatee taariikhdu markay ahayd bishii November 1938 ayaa geeridii ku soo
xaadirtay Mustafe Kamal At-turk oo
ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee ay yeelato Jamhuuriyada casriga ah ee Turkigu,
29 octoobar 1923 ka dib markii xoog
lagga tuuray khilaafadii Islaamiga ahayd ee Cabaasiyiinta
khiyaamadii caanka ahayd ee ay yurub iyo yuhuudu gaar ahaan qoyska Rothschild oo ay u maleegeen turkiga kana dhan ahaan
duminta Maamulka Islaamiga ah ee turkiga. (
Rothschild Family; waa qoys German Yuhuud ah haystayna dhaqaale badan oo
saamayn balaadhan ku yeeshay siyaasada yurub, qarnigii 19th aad oo
ahayd wakhtigii ay ugu hantida iyo xooggaba badnaayeen ayaa soo galay siyaasada
Turkiga si Islaamka meesha looga saaro)
Kamel At-turk waxuu dalka Turkiga xukumayay 15
sano, waxuu ahaa hogaamiye Milatari ah oo dadkiisa dhadhansiiyay ciqaabo
badan oo noloshooda xusuus ku reebay ilaa uu gaadhsiiyay inuu badalo luuqadoodii
soona galiyo xuruufo laatiin ah, waxa kaluu diiday luuqada carbiga in dalka
laga isticmaalo isla markaana in salaadda lagu tukado. Dadweynaha turkigu waxay
kala kulmeen xukun xanuujiya oo dhanka maamulka ah, ciidamadii waddanka loogu
talo galay in ay difaacaan ayuu ugu adeegay dano shisheeyo oo yurub leedahay ha
ugu horeeyo ingriiskuye. Xukunka At-turk qaybta ugu foosha xumi waa tana uu
tilmaamayo Martin Gilbert oo ku
saabasan dardaarankiisii markii uu dhimanayay, bal in yar eeg cida uu la rabay
inay wadanka Madaxweyne ka noqto isaga dabadii…!!!.
![]() |
1st President of Turkey ( 29 October 1923 – 10 November 1938) |
Maalimihii ugu danbeeyay nolosha kamel
at-turk, November 1938, isagoo oo yaala furaashkii geerida kuna jiqlaysan
laba barkimo oo dhabarka laga galiyay, harreerihiisana ay fadhiyaan laba
dhakhtar iyo laba kal-kaaliso oo daaweyntiisa u diyaar ahaa, ayuu At-turk
dalbaday in loogu yeedho safiirkii Ingriiska u fadhiyay Magaalada Istanbuul Sir Percy Loraine, si uu ugala hadlo
arimo aad u xasaasi ah. Sir Percy waa
danjire khabiir ah oo in badan ka soo shaqeeyay Bariga Dhex, Istanbul, Tehran, Roma, Beijing, Paris, iyo Madrid. waa danjire si weyn u kasbaday
qalbiga At-turk isaga oo Isfahan fiican ka gaadhay xidhiidhka dalkiisu la lahaa
Istanbul. Marka laga yimaado danjiranimadiisa waxa uu si gaar ah ula talin jiray
Madaxweyne At-turk oo talooyin badan oo uu siiyay ku meel maray, ilaa markii
danbe uu isaga shakiyay ( marka la eego
sida taladiisa loo qaadanayo) in uu yahay xubin ka mid ah Golihiisa
Wasiirada.
Sir Percy ayaa u soo galay
At-turk oo Qasriga Madaxtinimada ee Istanbul Jiifa oo xaaladiisuna culus tahay,
At-turki markii uu arkay Danjire Percy ayuu si cadho leh ula hadlay labadiisii
dhakhtar iyo labadii kal-kaaliso oo u sheegay in qolka si dag dag ah loogu
baneeyo haduu u baahdo caawimo caafimaadna in uu jalaska ugu yeedhi doono. Danjire Percy iyo Madaxweyne At-turk
sheekadii Cajiibka ahayd ee dhex martay maalintaas waxay qarsoonayad 30 sano. waxa sirtaas banaanka soo dhigay Piers Dixon oo xusuus qor ka sameeyay nolashii
aabihii Sir Pierson, Qoraalkaas oo
danjire Sir Percy Loraine uu ugu qoray Telegram xoghayhiisii arimaha
dibada Lord Halifax (21 February
1938 – 22 December 1940) wixii dhex maray isaga (Danjire Percy) iyo
Madaxweynaha sakaraadku hayo. Sirtaa
dhex martay maalintaas waxay u dhacday sidan isaga oo ka sheekaynaya Danjiruhu
.
“…. Markii qolka naloo firaaqeeyay aniga iyo Madaxweynaha ayuu gacata iqabtay
ina fadhiisiyay sariirtiisa agteeda, waxuu iila hadlay si dagan oo taxadir ku
dheehan tahay, waxuu ii sheegay inuu isagu ii yeedhay, suuragalna aanay ka
ahayn in uu kaga tago xaalad ama meel aan u qalmin, waxuu iga dalbaday in aan si
wacan oo dagan uga jawaabo waxa uu iga dalbado…”
tallow maxuu ka dalban? Ma boqorkaagii iigu yeedhbaa? Ma dalka ka
cararbaa markaan dhinto?
Maxay daraan tahay waydiintani?
Aniga oo sugaya wali hadlakiisa ayaan eegay xaaladiisa caafimaad waxa
aan hoos iskula faqay in uu kani yahay kulankaygii ugu danbeeyay, anaga oo wada
qaadanay kulmo xiiso badnaa sannooyin badan.
Kulamadaasi badan ee naga dhexeeya waxa aan ku kasbaday in uu talooyin
badan iga qaato waana ta aan isu arki gaadhay markii danbe in aan ahay sidii
xubin wasiiradiisa ka mid ah.
“wali waxa uu ku jiraa xaalad aamusnaan ah oo hadalka ayaa ku dirqi ah,
ka dib ayuu amaanay doorkii aan ku lahaa nolashiisa iyo sanadahii aan la soo
shaqeeyay ka danjir ahaan, ka dib amaantaas badan ayuu iisoo bandhigay waxa in
badan iga yaabiyay..!!! waa in aan nodqo Madaxweynaha isga ka danbeeya oo badala
xukunkiisa...”
Xusuusnoow Akhriste danjire Sir Percy waa nin Ingriis ah oo aan meelna
u soo marin xukunka wadanka Turkiga lakiin At-turk waxa uu ka baqay in uu waayo
cid Turkish ah oo isaga waddadiisii sii wada oo dalka ku xukunta waxa uu ku soo
xukumayay 15 sanadood ka hor, sidaas
ayuu ula jeclaaday in uu u dardaarmo ninka ay isku fikirka yihiin waloow ay
kala dhalasho yihiin.
Danjire Percy oo sii wada hadalkiisa ayaa yidhi “… Markii uu ii soo
bandhigay in aan isaga badalo ayaan mudo yar aamusnaa, waxa aan dabadeed ugu
jawaabay in aan ahaa mudooyin badan diblamaasi aan shaqadiisu dhaafin arimo
diblamaasiyadeed, arinta xukunkana aanan ku fiicnayn, iyada oon ogahay in ay si
weyn u kala duwan yihiin shaqadda diblamaasiyadu iyo shaqadda Madaxweynimada Jamhuuriyada
Turkigu, sidaas daraadeed aniga oo qadarinaya go’aankaaga waxa aan jeclahay in aanan qaban Karin booskaa
Madaxweynanimo.”
Markii aan dhamaystay hadalkaygii ayaan arkay in wajigii Madaxweynuhu
is badalay oo dareen muujiyay, dhididd aad u badana qooyay, Barkimadii uu ku
jiqlaysanaana uu dib ugu dhacay, waxa uu dabadeed wacay kal-kaalisooyinkiisii.
Markii ay u yimaadeen yara dagayna ayuu isku dayay in uu hadlo lakiin
waa uu awoodi waayay, aad buu uga niyad jabay go’aankaygaas waxa uu jeclaa in
aan yeelo soo jeedintiisa lakiin waxuu ii tilmaamay in uu fahmay sababta aan u
qaatay go’aankaas. Waxa markii danbe
booskaygii aan diiday loo magacaabay Ismet
Inonu oo ahaa sarkaal sare oo Milatari ah.
Ugu danbayntii Kulankayga, Madaxweyne At-turk gacantay ayuu kor u
qaaday iigana mahadnaqay wadashaqayntii dheerayd iyo xidhiidhkii is fahan ee
aan ka dhex riday Dawladiisa iyo wadankayga (Anglo-Turkish friendship), waxuu iga dalbaday inuu aad ug rajo
weyn yahay in aan fariin oglaansho ah ka gaadhsiiyo boqorkayga go’aanadan uu
ila soo qaaday. Sidaas ayuu ku dhamaaday kulankii Maalintaas na dhex maray.
Maalmo ka dib waa uu geeriyooda
Maalin Khamiis ah oo ay saacadu ahayd sagaalkii iyo shan daqiiqo
taariikhduna ahayd 10 November 1938
ayuu ka xijaabatay dunida ka dib markii uu burburiyay turkiga iyo Islaamkaba,
waxa la sheegaa in uu ku dardaarmay in aan lagu tukan salaada Jinaasada. Sababta geeridiisa waxa lagu sheegaa oo kale in
ay ka dhalatay khamrigii badnaa ee uu cabi jiray oo sababay in ay caloosha iyo
beerku biyo ka galaan, geeridana aad baa loogu dhibay oo cabaadkiisa ayaa laga
yaabi jiray, waxa uu ahaa miisaankiisu markii uu dhintay 48 kiloo gram oo kaliya.
Ma ah oo kaliya At-turk kuwa gacmahooda ugu adeegaya quwado shisheeye ee
waxay jiray ciidan dhan oo aaminsanaa diin la’aanta, waana kuwo jira ilaa maanta
awoodi halkay dhigtaba. Damicii Kemal ee ahaa in turkiga waligii aanuu ka soo
kaban jabkaa waxa uu sii shaqeeyay Muddooyin badan, waxa dib looga soo kabtay
markii laga adkaaday xukunkii askarta ee dib uu gacanta shacabka ugu soo noqday
xukunkii.
Ugu danbayntii, waxa aan xusuustaa maalintii koowaad ee aan maqlo
magaca Mustafe Kamel At-turk waxa aan ku jiray dugisiga hoose/dhexe, Maalintaas
maclinkii noo dhigayay casharka waxa uu noogu sheegay in la yidhaa Aabaha
wadanka turkiga ( Father of Turkish
People) waxa aan u qaatay Maalintaas lagna yaabaa in qaar badani aanu isku
fikir ahayn nin halyay ah oo dalkiisa guulo u soo hooyay wakhtigii dagaalkii
koowaad ee dunida Lakiin maalintii aan si dhab ah u bartay shaqsiga uu yahay
waxaan in badan xusuustay ardayda yar yaree soomaliyeed ee taariikhda sida khaldan
loo fahman siinayo, waa Murugo sideeda u taala in qof waxaanu ahayn lagu
sheego. Kuwii uu ugu jeclaa wakhtigii uu noolaa ayaa maanta sidaas uga
sheekaynaya. Jariirradan Sunday Times
ninka ku qoray Sirtan waxa uu ku doodayaa sida ay ragga reer Ingriis ay
maalintaas u diideen inay wadanka Turkiga Madax ka noqdaan. Waa hami dib u
galay oo uu ka xun yahay sida Danjire Percy uu u diiday in uu maalintaas
xukunka qabto.
Wakhtiyadan danbe waxa soo kordhaya xidhiidhka uu Turkigu la leeyahay dadka
soomaliyeed iyada oo dhawr goor isgu yeedhay dhinacyada kala duwan ee siyaasada
soomalida si bal wax uun loo heli karo, taas badalkeeda waxa laga yaaba in
dadka soomaliyeed dib u daraaseeyaan taariikhada Turkiga tii hore iyo tan
danbe, sidaas daraadeed ha la yaabin hadii aad maqasho ama aragto nin weyn oo
siyaasi ama qof caadi ah oo amaanay At-turk waxa ka maqan in uu in yar is dul
taago cida uu ka waramayo. Kamel iyo kuwa kalaba barashadoodu waxay kaa
caawinaysaa in aad timaadadda ku binayso siduu ku danbeeyeey warkoodu.
31/01/2014.
Abdiqani Mohamed
Ege
Comments
Post a Comment