Biyaha Afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada
Amuuraha aduunyada ayaa iska badane, bari ayaa nin iyo
afadiisii mahadho dhex martay, duqa reerku waxuu ahaa waayeel kaalintii raganimo, Odaynimo iyo masuulnimo si
wacan u qaatay kana soo baxay xilkii uu 20 Gu’ ka hore ku gudoomay geedka hadhka weyn ee
gabdhaha beesha lagu kala gudoomo.
Xaaji Casar waa dhaqan yaqaan in badan laga yaqaan
deegaanka beeshu dagto, waxa loogu xusuustaa Gartii uu laba Gu’ ka hor ku xaliyay
khilaaf soo kala dhex galay lab raasoo ood-wadaaga ah, waa waayeel sayn cadaa
ah oon dabadii hadal la furin, Malaha taas waxa xan hoose lagu yidhaa laguna
majeertaa talada iyo garashada dheer ee afadiisa caqliga badan ku siiyo guriga.
Xaaji Casar & dahabo cadar maalintii loo mashxaraday ilaa maanta oo tintu
cadaatay khilaaf sooma kala dhex galin iyagoo taas in badan ku mahadiya Eebe.
Reer Casar waa qoys maal aduun leh,
guunyo xoolaadna bixinteeda aan lagu xaman, Dahabo cadarna gacan furnaanta
odaygeeda waa mid ku dhiirisa mar walba, hadaba amuuraha aduunyada ayaan meel kaliya
loogu soo hagaagine Iyadoo lagu jiro xili jiilaal ah xoolihiina badankooda loo
kala keexyay halkii naq lagu ogaa, reerkiina ay isgu soo hadheen casar iyo
xaajiyadiisii xagaagii hore xajka ka soo
noqatay ayaa mar kaliya ay soo baxday lama filaan faalo badan ku reebtay maanka
xaaji casar.
Hinaase rag maaha, dayac xooladna maaha, dumar
saluugoodna maaha, haddaa muxuu xaajiga qoonsaday? Waydiin kali ku noqtay maanka xaajiga ayay
ahayd waayahan ? waa dayro u muuqtay baryahanba xaajiga, waxuu saluugsanaa caanaha
laga liso xoolaha habeenkii xerad soo gala, tiro badnaantooda iyo tayo
yaraantooda ayaa isu qaban la’an, dabcan waa jiilaal oo xaajiga xisaabtu kama
qaldamin ee dayro kale ayuu meesha uga muuqdata, Soomalidaa tidhaa “ Kor waayeel waa wada indho” tuhun baa u galay sida caanaha laga yeelo
habeenkii, talo waxuu ku gooyay in uu arinka baadhis ku bilaabo. Guddi baan u
dirayaa ayaa ka dhacday...!!
Gashaantimihii reerka u xooga ahaa aroor xoolaad ayay
ku maqan yihiin goortan odayga tuhunku saaqay, yeelkeeda xaajigu xaajada kuma
dagdagin eedna dusha kama saarin islaantiisan ay waayo badan soo wada mareen, Fikir
iyo falanqayn ka dib waxay xaajo fadhiisatay in xaajigu badheedho oo si cad ugu
sheego saluuga caanaha habeenkii ay soo listo iyadoo ay barigii hore ka badnaan
jireen sidan, wuxuu u bandhigay su’aalo jawaabtoodu adagtahay, waxuu yidhi “ naa dahabo caanahan xoolaheena
maxaa ka si ah, sidan may ahaan jirine, xoolaheenana biyo iyo baad kama
maqnee? Igu wale in wax jiraan xoolahan
qurxudaa leh caano lagama waayine...!! mise adigaa xerada ku dhex caba caanaha?
ma xoolahaad gaagixisaa? Sidee waxa u jiraan?
Waa su’aalo ay adgatahay in sodohi maanta ka jawaabto hadii
odayga reerku soo qadimo oo biilkan
markaba madhanaya waxa iska waydiiyo? Malaha qaar baa warqadaba dalban lahaa
hadii intaas la yidhaa, ama bakhayl gacantii go’day ah ku sheegi lahaa. bal u
fiirso sida aanay u dagdagin xikmadana leh ee ay odaygeeda uga qancisay. dahabo cadar waa marwo gaari ah oon gurigeeda
dumarka ka faaruqin.
Dahabo oo
odaygeeda qancinaysa ayaa ku tidhi ‘’ xaaji dee wakhtiga aynu ku jirnaana waa
jiilaal oo xoolaheenii kala badhba caano lagma dhiijiyo oo sidaas ayay u caano
yareeyeen ee bal shaydaanka iska naar, hadii aan cabona lamaan dhuunteen hortaada
ayaan ku cabi lahaa ileen adigaan kuu cabaa uune’’ waa weedho lagu
qanci karo si guud marka loo eego lakiin xaaji casar uma qudhqudhsamin oo waxuu
u baahday waxuu ku hubiyo in sidaasi jirto iyo in kale, waxa uu ku yidhi ‘’ naa
hooy i dhagayso anigu sidaas ma filayee waxaad yeelaysaa marka aad habeenkii
caanaha soo lisayso waa in aad biyo sii cantuugto oo aanad liqin biyahaas
hadhowna marka aad dhamayso hawsha waa in aad hortayda ku tuftaa si aan u
hubiyo in aanad caano cabin iyo in kale’’ cajiib..!! cajiib..!! malaha
hadii biilka sida loo isctimaalay ama inta aduun ku soo gasha lagu waydiiyo waad
xanaaqi lahayd dacwadana reerkiinii u gayn lahayd ood odhan lahayd wuxuu igu yidhi darteed xaalna ka
qaada xilna yaanuu idinku yeelanine na xeer marina dhaha.
Dahabo cadar iyadoon shidaysan ayay si fudud u
aqbashay soo jeedinta xaajigeeda iyada oo biyo cantuugtay markii xooluhu xerada
soo galeen. Maalintaas ayuu ka tuhun
baxay xaaji casar waxna ku waayay xaajiyadiisii. sheekadaaas qiimaha badan ee
sooyaalka soomalida soo taxnayda waxa ka hadhay weedho lugu tilmaansado
timaadada nolosha waayo xaajigu isagoo sababayna waxa ku kalifayna inuu sidaas
ku yidhaa afadiisa waxuu yidhi ’ Biyaha
afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada’’ oo uga jeeday hadda ayaan xaqiiqsaday
in aanad meel kala waxba marin tahayna daacad qoyskeeda daryeesha. maalintaas ayaa u danbaysay tuhun dhex
mara qoska reer casar.
Akhriste Bal is waydii
sidee loo qancin karaa Ummad dhan hadii ay cid tuhunto hadii qof kaliya intaas iyo in ka badan u
baahan yahay, dunida aynu maanta ku noolnahay waxay leedahay siyaabo badan oo
qofka loogu qanciyo xaqiiqda iyo siday wax u jiraan.
Dhanka kale Dhacdo cajiib ahi waxay ahayd in Nabigu (NNKHA) uu habeen raacay mid ka mid ah
haweenkiisii suubanaa, dabadeed ay dariiqa kula kulmeen laba saxaabi oo markii
ay arkeen nabiga iyo qofka la socda ay jaanta hoosta ka xadeen ilaa Nabigu (Csm)
uu ku yidhi waar istaaga waa aniga iyo hebaalayo ‘e, markii ay asxaabtu ku
yidhaahdee Rasuulkii Ilaahayoow miyaad nooga baqatay in aanu kaa shakinay
markaas ayuu ku yidhi waxa aan ka baqay in shaydaan uu ku tuuro qaluubtuuna
waxa tuhun ah.
Waa xaqiiqo in qof xil loo dhiibay iswaydiin laga dabo
tuurayo siduu u gudanayo xilkaas lakiin masuulka ayay ku xidhan tahay in sidii
dahabo cadar uu dadka u cantuugo biyo si Biyaha
afkiisa ku jiraa ay uurka ummadu ugu samaato.
Nooli
kulanteen.
06/03/2014
Abdiqani Mohamed Ege
fmcige@gmail.com
Blog:
Comments
Post a Comment