Wasiirkii qurba jooga ahaa iyo ardaydii saadaasha wacnayd.
Waxa lagu jiray wakhti aad loo hadal hayay safar uu
madaxweynu muddo ugu maqnaa cariga Ingiriiska, waxa safarka Madexweynaha la socday koox wasiiro ah oo aad muhiim ugu
ah xukuumadiisa. Sidoo kale Intii madaxweynuhu dalka ka maqnaa waxa aad loo hadal
hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirada, saami fiicana ka siin doono qurba joogta.
Waa wakhti ay aad u kacsan tahay seefta mucaaradku oo fartii
ay dawladu qaadaba ay dhaliilo xanaf leh ay daba dhigayaan, haddaba markii uu madaxweynuhu dib uga soo laabtay safarkaas muddada qaatay waxuu u sheegay saxaafada sidii loogga bartay inuu guul
ugu soo dhamaaday oo ay qadiyadii soomaliland gaadhsiiyeen madaxdii Midawga
Yurub. Safarkaa Madaxweynaha Waxa la socday oo dalka u soo raacay qurba joog
aad u badan oo dano kale duwan u socday, qaar mashaariic iyo dhaqaalo raadis
ah, qaar mansab iyo wasiir raadis ah iyo qaar indho indhayn iyo dano kale u
yimid.
Mid ka mid ah qurbo joogtaa maalintaa dalka timi iyo koox
arday ah oo ka soo baxay jaamacad ay dhiganayeen ayaa ku kulmay dariiqa. Ninkan qurbo joogta ah oo muddo yar ku sugnaa
magaalada hargaysa waxa uu wataa gaadhi
nooca raaxada ah, waxa u daaran Hees aad u macaan oo halaasi ah laguna ladhay
muusiko si dagan loo tumayo.
Waligeed aduunyada.
waqtigaa qof
saacida.
midna waayaha
xidha
labadaasi waxaan
aheyn
horaa loogu waayoo
waa nin iyo waagii...
Waxa sidoo kale u
dalacan afarta daaqadoo oo si fiican loogu shaqlay xabagta madow een aan waxba laga
dhex arag, ninkan qurba jooga ah (oo aan inta danbe oo dhan ugu yeedhi doono
wasiir) waa nin cas oo joog ahaan ragga dhex ku jira, waa cod kar meel fog laga
maqli karo codkiisa, waa nin ay kalsooni badani ka muuqato, faalada iyo
falaqaynta siduu u yaqaan waad yaabaysaa, waa qurbaawi in badan dalka ka maqnaa
oo xiiso iyo xamaasad u haya la sheekaysiga dhalinta gaar ahaa ardayda. waxa uu u sharaxay sababta uu dalka u yimid iyo waxa ay ujeedadiisu tahay, sheekadiina
sidan ayay u dhacday:
Wasiirkii: waar
yaadheeh bal warma, ma arday baad tihiin? bal soo fuula gaadhiga.
Ardaydii: waanu
fiicanay, alle ayaa mahad leh. haa arday baanu nahay oo waliba sanadkii u
danbeeyay ayaanu jaamacada ku jirnaa.
Wasiirkii: aaah, sax…sax.. wax barta sidaasaa dadku ku horumaraa,
jiilkiinaa wax baranaya ayuun baa nasib dalkan ku leh. imika dalkaa aan ka imi
waxbarshada aad baa loo tixi galiyaaa, oo loo dhagaystaa, inaguna waynu gaadhi
Insha allah, lakiin hogaan xumo iyo dad xumo ayaa ina haysa oo ilaa aynu kuwaa badalno
waxba qaban kari mayno. imika aniga
& ragg kaleba Madaxweynaha ayaa noo yeedhay oo UK ayaan dagnayn, waxuu nagu
yidhi kaalay dalka ayaa idiin baahane.
Ardaydii: ma
madaxweynaha ayaa ingiriiska idiinka yeedhay si aad wasiiro u noqtaan? Mise
idinkaa dalka u soo shaqo tagay?
Wasiirkii: maya…
maya.. anaku dalka umaano soo shaqo tagin oo wax nagu filanba ma yaalaan,
laakiin dee dalka ayaa noo baahan oo aqoon yahan qurba joog ah ayaanu nahay,
waxaanu is leehanay bal ummaddan liidata ee nidaamkii dawladnimo & sidii
dunida loola macaamilayayba garan la'a bal in aad wax u qabtaan.
Ardaydii: dadkaas
qurbaha ka yimaada ee xilalka loo dhiibo waxa inta badan ku adkaata inay
fahmaan qaab siyaasadeedka bulshada, idinku sidee ayaad uga duwaanaan kartaan
kuwaas hore?
Wasiirkii: adeer
hore ayaan kuugu sheegay in aanaan soo shaqo tagin ee aanuu is leenahay horumar
gaadhsiiya bulshadan qudhunka ah ee qabyaalada dugsanaysa (decayed society), kuwaas
ayaan guryahagii uga nimi oo aanu horumarkooda ka talinaynaa.
Ardaydii: ma laga
yaabaa marka wasiiro laggaa dhigo in aad khilaaf iyo isqabsi noo hor seedo ka
dibna aad habeen madow ka dhooftid dalka ileen baasaabooro caalimi ah ayaad
sidataaye, anaguna aan khilaafkii danbarsano?
Wasiirkii: maya…maya…
adeer waxaasi nagama suuroobaan, haddiiba ay dhacdo Alle (swt) kama dhigee dalka
ayaan idinla joogaynaa oo aan khilaafka idinla dajinaynaa.
Ardaydii: imika
ma isku shaandhaynta cusub ee la filayo ayaad ku jirtaa?
Wasiirkii: haa
adeer, sidaas ayaan rajyanayaa.
Ardaydii: haye,
haye… halkaas noo joog adeer, dee waanu kuu sii hambalyaynaynaaye bal waanu ku
arki adigoo wasiir ah oo horumar noo hor kordhiyay.
Wasiirkii: waa si
fiicane soo duceeya in alle igu guuleeyo, wixii danbana waynu wada socon doonaa
insha allah.
Dhawr usbuuc ka dib habeenkaas ayuu Madaxweynuhu seefta la
dhex qaaday golihiisii wasiirada, waxa uu sameeyay isku shaandhayn balaadhan oo
isgu jirta Isku bedal, xil ka qaadis iyo Magacaabis. Ninkii qurba jooga ahaa ee
Wasiirka sugayay waxa uu nasiib u yeeshay inuu noqdo qofkii u danbeeyay ee
madaxweynuhu qalinkiisu qoro, waxa loo magacaabay jago wasiir oo ku cusub
xukuumadaas, waa wasaarad isku dhafnayd oo laba loo kala jabiyay. Wasaarada
qaybta laga reebay ayaa ah qaybtii muhiimka ahayd, isagana waxa loo dhiibay
qaybtii kale oo aan wax la qabto oo meel sii yaalay aanu jirin marka laga
taggo hadhaagii waxqabadkii dawladii kacaanka ahayd ee Somalia, kuwaasina waa
iskaraab birro u badan oo aan macno badan lahayn iyo guryo gaboobay oo meel
taagan.
Sidaas ayuu saaxda siyaasada ku soo galay wasiirku,
wakhtigaas uu ku soo biiray xukuumada waxa jiray mucaarad xoogan oo kabaha ka
kululeeyay dawlada. haddaba Wasiirka oo aftahan iyo hadal cadaan u dhashay ayaa
si adag u difaaci jiray xukuumada uu ka tirsan yahay oo caan ku ahayd in qofkii
mucaarad ah ee hadla uu u jawaabo mid reerkooda ah oo xukuumada ku jira. Wasiirku
markii uu muddo yar xilka hayay ayaa
khilaaf adagi soo kala dhex galay isga & madaxweyne ku xigeenkii dalka,
khilaafkaas oo reernimo iyo awoodo dano dhaqaale leh ku saabsanaa, in muddo aha
ayuu Khilaafku huursanaa ilaa markii
danbe uu gaadhay heer faro isku tag ah. Iyadoo khilaafku adag yahay ayaa lagu
war helay in uu wasiirkii si qarsoodi ah uga dhoofay hargaysa, gaadhayna cariga
ingiriiska halkaasoo waraysi xanaf badan leh uu siiyay BBC-da qaybteeda afka soomaliga. Waxa uu ku xusay waraysigiisa khilaafku halka
uu ku sal leeyahay isagoo eed culus dusha uga tuuray Madaxweyne ku xigeenkii
dalk.
Maalintaas wasiirku sida dagdag ah uga dhoofay hargaysa ayaa
dib ii xasuusisay su'aashii ardaydu waydiisay ee ahayd, waxqabad ha joogee ma
laga yaabaa inta aad khilaaf abuurto in aad habeen madow dhoofto? Dabcan sidaas
ayayna u dhacday, waxay ahayd saadal su’aal ah oo rumawday.
Muddo yar ka dib waxa heshiis la dhex dhigay wasiirkii iyo Madaxweyne ku xigeenkii, dalkana dib ayuu ugu soo laabtay lakiin muddo dheer wasiir ma uu sii noqon ee waa la badelay. waraysi lala yeeshay mudooyin danbe oo la waydiiyay waxa ku dhacay horumarkii uu mar kasta dadka u balan qaadi jiray waxa uu yidhi "waxaan ogaaday in aan waxba loo qaban karin dadkam waayo waa dad aan horumarka u bislanay, wixii aanu qaban lahayn dadka ayaanu ku laaluushi jiray". waxa uu ahaa wasiir aad u hadal cad oo aan weedha la gaban.
wasiirku waxa uu dib ugu laabtay qurbihii, saaxadii siyaasadan dib looguma arag.
F.G: Akhriste sheekadan nuxurkeedu waa mid dhab ah oo ka dhacday magaalada hargaysa wakhti hore.
W/Q: Abdiqani Mohamed Egeh
fmcige@gmail.com
Blog:
Comments
Post a Comment