Falanqaynta Qabyo-qoraalkii xubinimada Qaramada Midoobay loogu ogalaaday Soomalida (Former Italian Somaliland and British Somaliland). Q1aad



Nuqul qabyo-Qoraal ah oo ka kooban 25 bog oo ay si wada jir ah u diyaariyeen dalalka Talyaaniga, boqortooyada ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo waddanka Tuuniisiya {oo ahayd xubinta ugu matalaysay qabyo-qoraalkan qaarada afrika} ayaa si wada jira ugu gudbiyay Qabyo-qoraal 05/07/1960 Xubanaha golaha joogtada ah ee qaramada midoobay, qabyo-qoraalkan oo ay ujeedadiisu ahayd in xubinimada loo ogaalado waddanka cusub ee ku soo biiray khariirada qaarada afrika, waa Somalida middowdaye, oo ka kooban middowgii labadii waddan ee Italian Somaliland oo 10 sano qaramada midoobay ay dawlada Talyaaniga masuul uga dhigay inay barto habka dawladnimada iyo British Somaliland oo xornimada heshay 26 June 1960.

Gudbinta qabyo-qoraalkani waxa uu ka danbeeyay codsi (Telegram) ah oo ka yimid Madaxweynaha uu qabyo-qoraalku ku sheegay Mid aan wali rasmi noqon (provisional president) Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (AHN) ee dawlada Soomaaliya kuna taariikhaysan 01/07/1960 tixraaciisuna yahay S/4360.

Codsigani waxa lagu sheegay in ay dawlada cusub ee soomalidu ay diyaar u tahay dhawrista qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada Midoobay. Waxa kale oo sabab u ahaa gudbinta qabyo-qoraalkan codsiyada Talyaaniga (S/4362), Boqortooyada Ingriiska iyo waqooyiga Ireland (S/4364) iyo Dawlada Tuuniisiya (S/4366) kaas oo ay kaga dalbanayaan Qaramada Midoobay in loo ogaalado Dawlada Soomalida ee isku biirtay in ay xubin buuxda ka noqdaan qaramada Midoobay.

Haddaba Qoraalkan kooban waxa aynu idamka Alle {swt} dabadii aynu si gola ka fuul ah ugu eegi doonaa dhawr qodobo oo ku jira Qabyo-qoraalkan una baahan in dib u qiimayn iyo doodoba lagga sameeyo;

Ugu horayn Dalwada Talyaanigu waxay qabyo-qoraalka ku sheegtay in isku biirka soomalida uu sal u ahaa Sinaansho Dhamaystiran {Absolute Equality}, taasna ay dawlada Talyaaniga [siday sheegtay} ka dareen qabtay isla maalintii uu soo baxay su'aasha ah "Midnimo" taas oo ay dawlada talyaanigu u arkaysay in mar kasta ahayd waxa ay si xor ah labada shacab ( Soomaliland iyo Soomaliya) ay u wada qaateen si ay uga taliyaan si xor ah aayahooda Mustaqbal. sidan ayay ahaayeen eraydii Dawlda Talyaanigu:

"...For this reason Italy has always maintained that any merging of the two Territories would have to take place on a basis of absolute equality, after both Territories had reached independence, and by legal and peaceful means so as to exclude any possibility of regrettable developments in that part of Africa' ( P.3)

Haddaba sinaanshaas dhamayska tiran ma la ilaaliyay?

Codsiga ku biirista Qaramada Midoobay ee dawlada cusub ee soomaliya oo yimid isla maalintii xoriyada ay qaadatay Soomalidii Talyaanigu haystay iyo isla maalintii la sameeyay isku biirka labada dawladadood ee soomalida ee xornimada qaatay (Somaliland iyo Somalia). Codsigani waxa uu muujinayaa siday xamar u dhayalstay isku biirka labada dawladadood oo ahayd in si dhamaystiran loo dhiso awood qaybisga iyo dhismaha midowga labadda dawladood, laakiin taas badalkeena Xamar waxay goosteen kana horaysiiyeen midnimadii inay qaramada Midoobay xubinimo waydiistaan iyada oo aan la ansixin isku biirka labadda dawladood.

Waxa kale oo iyana xusid mudan faalada Qabyo-qoraalka ee ay bixisay Dawlada boqortooyada ingriiska iyo Waqooyiga Ireland oo ku tilmaamtay ogalaanshaha xubinimada Soomalida ee Qaramada Midoobay " Maalin Taariikhi ah" oo ku suntanaan doonta xaashiyaha waxqabadka ee qaramada Midoobay, waayo waa Markii ugu horaysa ee taariikhada Qaramada Midoobay ay laba dal oo xornimo si kala duwan u qaatay ay isku biiraan si xor ah ka dibna ay sameeyaan dawlad cusub sidaasna ay xubnimo si "wada jira ah" ku waydiistaan qaramada Midoobay, lakiin wadajirka ingiriisku sheegay ma jiraa? miyaanay ajandaha qabyo-qoraalka lagu sheegin in codsigu ka yimi madaxweynaha aan wali rasmiga noqon ee soomalida talyaanigu xukumayay? goorma ayaa codsi wada jir ah loo gudbiyay qaramada Midoobay haddii codsiguba ahaa isla maalinkii isku biirka iyo helista xoriyada ee Soomaliya 1 July 1960? Waa su'aalo maangal ah oo u baahan in cilmi baadhis qoto dheer in lagu sameeyo cida rasmiga ah ee codsatay xubnimada qaramada Midoobay iyo cida qabyo-qoraalka lagu xusay oo u muuqata laba aan is lahayn.

Qabyo-qoraalkan ay Gudbiyeen Talyaani, Ingriis iyo Tuunisya ayaa helay dhamaan cododdka xubnaha Golaha guud ee Qaramada midoobay 20/09/1960, sidaasna loogu ogalaaday xubinimadii qarmadda Midoobay. Somaliland oo 25 sano ka hore dib uga noqtay midowgaas wali may helin xaqeedaas aan horayso iyo danbaysba laga talo galin, haddaba su'aalaha iswaydiinta lehi waxay yihiin;

haddii codsiga ogalaansha xubinimada qaramada midoobay ay layahd dawladaas xamar, yaa leh kursiga qarmada midoobay ee Soomaliya ku fadhido? miyaan laggu doodi karin in ay Soomalidaas talyaanigu xukumi jiray ay kaligood leeyihiin kursigaas? halka somaliland ay gaar u dalban karto kursiga qarmada midoobay maadaama uu burburay midowgii soomalida ee 1 July 1960? Miyaan ahayn dood macquul ah oo dunida lagga iibin karo in kursigaas uu iyaga (Soomaliya) gaar u yahay? miyaan sidoo kale dunidu aqbali karin in si xor uga noqon karno midowgii soomalida maadaama ay aqbaleen in aynu markii hore si xor ah ugu biirnay midawgii?

dhamaan su'aalahaasi waa maangal ku qotama qawaaniinta aayo ka tashiga ee qaramada midoobay isla ogalaatay lakiin cidii iibin kari lahayd ayaa mudan in laga fakaro,

Waxa kale oo qabyo-qoraalka lagu tilmaamay in 6 april 1960 uu golaha xeer dajinta Soomaliland meel mariyay cod aqlabiyad ah in la sameeyo midnimida soomalida ( Somaliland iyo Somalia). go'aankaas waxa gaadhay golaha xeer-dajin oo dadka soomaliland soo doorteen lakiin go'aanka la soo noqoshada cida gaadhay iyo sharcimideeda bala barbardhig?

Markii loo soo gudbiyay Golaha amaanka waxa la gudo galay doodii qabyo-qoraalka, haddaba aan eego siday u dhacay doodii qabyo-qoraalku oo ay ka soo qayb galeen 4-ta xubnood (intii aan China loo ogalaan xubinta Joogtada ah) ee golaha amaanka ee joogtada ah iyo 7 xubnood oo aan joogto ahayn, waxay kala ahaayeen 4 ta Joogtada ahi, Maraykanka, Midowga Soofiyeeti, Faransiiska iyo boqortooyada Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland. 7 da aan joogta ahayn: Argentina, Ceylon(SriLanka), China(Taiwan) Ecuador, Italy, Tunisia iyo Poland.

Ugu horayn shirka xubnaha Golaha amaanku (Security Council) waxuu furmay 03:00 pm oo ahayd maalin Salaasa ah 05/07/1960, Tani waxay ka dhigaysaa 111 sacaadood ka dib markii xornimadii 1 July 1960 iyo isku biirkii labada dawladood lagu dhawaaqay.!

Madaxweyahana Shirka oo ahaa Jose A. Correa kana soo jeeda Ecuador ayaa ku war-galiyay xubnaha shirka ujeedada kulanka iyo codsiga iyo qaybo-qoraalka sadexda dawladood. Mr. Jose ( oo loogagga turjumayay luuqada Isbaanishka) waxuu hoosta ka xariiqay in Codsi rasmi ahi soo gaadhay Golaha guud ee qaramda midoobay kaas oo ka yimid Madaxweynaha aan wali rasmiga noqon ee dawlada cusub ee soomalida Ujeedadiisuna tahay xubinimada qaramada midoobay, Codsigan Telegram ( Codsi Talafoon ah) oo ku taariikhaysan 1 July 1960, isla maalinkii xoriyada, Summada codsigaasi waxuu ahaa S/4360.

Waxa ugu horayn hadal aad u dheer jeediyay dawlada Talyaaniga oo ka sheekaysay xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya soomaliya iyo talyaaniga, waxay sheegeen in xidhiidhkaasi uu jiray ilaa qarnigii 14aad kaas oo ka soo bilaabmay safarkii caanka ahaa ee Genoese Vivaldi uu ku tagay meesha maanta loo yaqaano Muqdisho, intaas ka dib ay xeebaha soomalida ay tageen badmareeno badan oo talyaani ahi. Khudbad qoraaleedka talyaaniga oo aad u dheeraa taabnayayna meelo badan ayaan ku soo qaadan doonaa maqaalkeena xiga insha allah.

waxa kale iyna aan soo qaadan doonaa Khudbad qoraaleedka dawlada ingiriiska ay ka jeedisay madashaas, taas oo waxbadan kaga hadashay oo ay ku jiraa, xuduudaha soomaliland, tirada dadka soomaliland ee 1960 iyo guud ahaan heshiishyo uu la galay qabaa"ilka soomaliland.... La soco.

Tixraac:

Waxaad uga noqtaa Website rasmiga ah ee Qaramada Midoobay www.un.org adiga oo si gaar u raadinaya summadahan iyo fadhiyadan.

- Fadhigii Golaha Amaanka ee 871 ee dhacay 5/07/1960
- Qabyo-qoraalka summadiisu tahay S/4363 laguna aqblay kulanka S_PV.871-EN
- codsiga dawlada soomaliya 1 July 1960 S/4360
- Codsiga Talyaaniga S/4362 Ingiriiska S/4364 & Tuunisiya S/4366

Og: Sawirku waa xarunta qarmada Midoobay markii codka loo qaadayay Qabyo-qoraalkan 20/09/1960.

W/Q: Abdiqani Mohamed Egeh
Email: fmcige@gmail.com
Facebook: Abdiqani Egeh
00252634427711

Comments

Popular posts from this blog

DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Heshiiska Wareejinta Dekada Berbera -> Falanqayn Madax-banaan {Qaybtii 3aad}