Heshiiska wareejinta Dekada Berbera -> Falanqayn Madax-banaan (Qaybtii 4aad)

Qoramadeenii hore waxaynu ku soo qaadanay heshiiska ‘Concession’ ka ah waxa uu yahay, waxaynu faaqidnay qaabka loo galay heshiiskan iyo habka loo marayo wareejinta dekada berbera, cid lagu wareejinayo dekada, waxaynu soo xusnay in dekada berbera lagu wareejinayo kambani ay labadda dhinac wada leeyihiin kaas oo saami qaybsigiisa lagu heshiisay. halkan ka eeg qormooyinkii hore [ Qaybtii 1 & 2aad ] [ Qaybtii 3aad ] Waxa kale oo aynu soo xusnay in heshiiskan ‘Concession”ka ahi ka kooban yahay 37 qodob kaas oo aynu sadex qodob soo qaadnay, oo kala ahaa 1) dhinacyada heshiiska (Parties) 2) Mashruuca(project) ama shaqada lagu heshiisay in la qabto waxa ay tahay iyo 3) wakhtiga bilaabida hawsha (commencement date), haddii alle idmo qormadeenan halkaas ayaynu ka sii qaadi doonaa. 4) Ku kali ahaanshaha Mashruuca (Exclusivity) -> Qodobkani waxa uu tilmaamayaa in aan cid kale la siin Karin mashruuc dakadeed oo la mid ah kana lagu heshiiyay inta ay dekada beriberi gaashay 75% isticmaa...