Qoraalkeenii hore waxaynu ku soo eegnay heshiiska Isfahan [Memorandum of understanding] ee dhexmaray Dawladda Somaliland iyo Dawladda Imaaradka Carabta. [ Halkan Riix ] Heshiiskaasi nuxurkiisu waxa uu ahaa iskaashi dhinacyo badan ah [areas of Cooperation] oo labada Dawladdood ah kana kooban 8 meelood oo ay baahi weyn u qabto Somaliland in lagala shaqeeyo, meelahaasi waxa ka mid ahaa beeraha, Shaqaalaynta, Tamarta, kaydinta shiidaalka, horumarinta warshadaha, Dekadaha, wadooyinka iyo dalxiiska. Meelahaas ayaa lagu heshiiyay in laga wada shaqeeyo, waxa kaloo heshiisku xusay in Dp-world oo ah shirkad weyn oo fadhigeedu yahay Magaalada Dubai, ay noqto fuliyaha koowaad ee heshiiskan si ay tusaale soo jiidasho leh ugu noqto ganacsatada reer Dubai. Qodobka 6aad ee heshiiskaas oo tilmaamaya in Dawlada Imaaradku ay Somaliland ka taageerto maalgalinta Dekada berbera ayaa ah ka ilaa hadda fulay, kaas oo Dawladda Somaliland iyo Dp-world ay kala saxeexdeen heshiis hordhac ah. Haddaba Hesh...