WAARI MAYSID WAR HA KAA HADHO
"Falaqaynta Qaybo ka mid
ah buug xiiso badan oo uu qoray Michael H.Hart’’
Taas macaneed waxa weeyee in ay dunida soo mareen waxa badan oo ka mid ah waxa ka dhacay hada dunida muslimiinta, sidaas dareed dadka tariikhda dunida faaleeya ay tilmaamaya in dadkii dunida kaga tagay raad aan ilaa iyo hada go’in ay suurta gal tahay inay soo maraan dad u dhigma dadkaas oo leh sifooyinkii ay ku gaadheen inay ku mutaystaan in ay ka mid noqdaan dadka dunida ugu samaaynta badan, waayo bay leeyihiin waxa ay suugaanta caalimga qaybeheeda dahabiga ahi timaaman in aanay waxa kale qaban dadkan guulaystay ee kaliya ay u qaybtaan si kale duwan arimah, waa xikmada tidhaa “ winners don’t do different things, but they do things differently”.
Hadaba waxaa milicisan doonaa buuga uu qoray qoraaga caanka
ee Micheal H.Hart,
oo ah qoraa reer galbeed ah kaas oo si wayn looga dhagaysto dunida reer
galbeedka, Hart buugiisan waxa ku jira dad badan oo diimo kale
duwan aaminsanaa, liiskan oo aan ku sheegi doon qaybaha hoose ee maqaalkan,
ayaan ugu horayn is waydiin doonaa waa kuma Michal hart?.
“ Micheal
hart waa yuhuudi American ah
oo ku xeel dheer cilmiga barshada isku dhiska walxeed ee dayax iyo xidigaha
(the scientific study of the physical and chemical structure of the stars,
planets), Michael hart oo ah qoraa caan ah oo dunida laga yaqaan kaas oo qoray
buugaag badan oo taariikh ah iyo maqaal badan oo kale duwan kaas oo uu ku qoray jariirado caalimi ah, M.Hart
oo isku tilamaamay inuu qadirani iyo ixtiraamba siiyo fikradaha dadka kale
duwan sida dhaqanadooda, fikaradahoodu kuwasoo oo aaminasan waxa ka duwan
mabadiida uu aaminasanyahay Micheal Hart (Jeffersonian
liberal), halka dadka dhacaleecyaan ay ku tilmaaman conservative iyo separatist.
Micheal hart waxa uu
ka qalin jabiyay machadka sayniska ee BRONX HIGH SCHOOL OF SCIENCE, waxa uu ka qaatay shahaadada
Kowaad (First degree) jaamacda cornell university, xaga xisaabaadkana halka uu mar danban ku
diyaariyay shahaada sare ee PH.D.
Hart waxa cilmiga barshada isku dhiska walxa ee dayax iyo xidigaha (astrophysics)
ku qaatay jamaacada Princeton University, sidoo kale waxa uu haystaa degree madooyinka physics, astronomy
iyo computer science. waxa kale oo uu ahaa cilmi baadhe ka tirsan hayada NASA intii aanuu noqon professor bixiya
maadada physics jamaacada Trinity University ee ku taala San Antonio, gobolka Texas ee wadanka
markanyka. Hart waxa kale oo uu waxa ka dhigay Anne Arundel Community College ee
gobolka Maryland -USA.
Buugiisii ugu horeeyay
ee uu qoray micheal har oo aha kan aan in yar ka soo qaadan doono waa buug
saamayn badan dunida ku yeeshay waxa uu kaga hadalyaa oo liis garaynayaa
aragtidiisa 100-kii
qof ee dunida ugu samaaynta badaan ee soo mara tariikhda dunida, buugan oo laga
samyeeyay in ka badan 500,000 kun oo copy, laguna turjumay in ka badan 15 luuqadoo.
Hart buugiisa sadexaad oo isna layidhaa A View from the Year 3000, kaas oo uu kaga hadalaya taariikhda dunida
iyo siday noqodoonta sanadka 3000, yaa saamayn yeelan doona iyo sida ay
noqodoonto aqoonta cilmiga technologa marka laga gaadho sanadkaas.
Hart buugiisa afraad oo isna ka hadlay fahmaka tariikhda
aadamaha (Understanding
Human History) kaas oo uu kasoo bilaabay 100,000 sandood ka hor
tariikhda maanta, buugan oo uu ku jira
falqayn xaga walba ha sida dhanka hormarka, qaybta xiisaha badan ee uu ku jira
waxaa ka mida kala duwanaasha xaga fahamka ee dad kala aragitda duwan leeyihiin
iyo saamaynta ay ku reebtay taariikhdooda dunida.
Isku soo wada duuboo Micheal Hart waa qoraa aad looga
dagaysto dhinca reer galbeedka marka laga hadlayo xaga taariikda.”
Sidaas daraadeed
waxaan bal eegi doonaa micheal hart sida uu dhigay dadka dunida samaaynta badan
ku yeeshay. Ugu horayn buugan la magac baxay (The
100: A Ranking of the Most Influential Persons in human History) oo ah boqolkii qof ee dunida ugu samaaynta
badan oo raadka ay ka tageen uu ilaa maanta taagan yahay, buugan oo
version-kiis u horeeyay soo baxay 1978, mar labaadan waxaa dib loo daabacay
sanadkii 1992 taas oo waxa uun ka badalnaa kii ka horeeyay.
Hart waxa uu soo qaadanayaa dad kale duwan iyo sababta uu ku doortay
iyadoo uu falaqayn gaar ah mid walba ku samaynay iyo waxa uu soo kordhiyay qof kani iyo liiska
halka uu qalmo. Hadaba waxa ka yaabayay in badan akhristaayasha reer galbeedka
waa qofka ugu horeeyay ee kaalinta kowaad uu soo dhigay ninka buuga qoray,
balse waxaa doodiisa diibtay qoraaga buuga oo qiray raad taariikheed uu meel uu
ka dhaaf waayay, micheal hart waxa uu ku
bilaabay liiskii sida tan.
Micheal Hart waxa uu buugiisa ku bilaabay weedhan “ waxa laga yaaba
doorasha aan doortay Nabi MUXAMED (CSW) inuu
hogaamiyo liiska 100-ka qof ee ugu samaayna badan dunida inay ka yaabiso dadka
qaar, halka qaar kalan ay suaal galiyaan lakiin waxa uu ahaa qofkii kaliya ee
tariikhada sida weyn ugu guulaystay xag
kasta ha ahaato mid diineed, Mid siyaasadeed iyo mid maadiba’’.
Micheal hart isaga oo ka hadlaya saamaynta uu ku yeeshay dunida nabi
Muxamed (CSW) ayaa waxa uu tilmaamayaa inuu aasaasay oo dhibada u taagay mid ka
mid diimaha dunida ugu weyn amaba ay tahay ta ugu fidisita badan dunida oo
dhan, hart waxa uu yidhi,
“Nabi Muxumed (CSW) waxa uu
aasasay mid ka mid diimaha dunida ugu weyn, waxa kaloo uu noqodoy hogaamiye si
wayn ugu guulaystay xag siyaasada, maanta oo laga joogo 14 qarni geeridiisii,
hadan wali waxa jira samaayn aad u xoog badan oo uu ku leeyahay dunida, marka loo eego diimaha
kale oo dhan, islaamku waa diin ugu samaaynta badan dunida marka laga hadalaayo
dadka rumaysan, sidoo kale waa diinta ugu fiditaanka badan. Sidaas daraad waxaa
qabaa inuu ahaa qofkii ugu samaynta badanaa ee taariikhda dunida soo mara’’
Waxa kale oo ku jira dadka uu ku soo qaatay Hart buugiisan saxaabigii weyanaa
ee CUMAR BINU KHADAAB (RC), hart waxa uu qirayaa doorkii Cadaaladeed iyo
hogaamineed ee uu lahaa cumar iyo inuu tariikhda umada muslimiinta ah
gaadhsiiyay meel fiican.
Hadal badan haamo lagama buuxshee liiska oo
dhamaystiran waxa aad uga noqon kartaa buuga oo aa ka heli karto link-gan http://en.wikipedia.org/wiki/The_100
Ugu danbaytii sida uu xusayo mid ka mid aqoon
yahanka soomaliyeed ee ku xeesha cilmiga diiniga ah iyo maadiga ba , mar uu
sifaynayahay jaamacada yurub ayaa waxa uu yidhi, qaar ka mida jaamacda yurub
waxa la dhigtaa waxa loo yaqaano semester zero, waxa la dhiganyo
semester-ka dhan waa tariikhda dadkan aan kor sheegnay markii aan waydiiyay buu
yidhi professor-kooda sababta ay ardayda ug daalin yaan waxan ayaa waxa
yidhaahdeen waxaan ugu dhigaynaa waxa kale maahee waa inay dareemaan inay
ahaayeen dad iyaga la mid oo ay haysteen duruufaha nolosha oo dhan ku gadaaman amaba
ay ka fursad badan yihiin kuwan, sidaas daraadeed waxaan rabanaa inay
tariikhda meel ka galaan dadka aan soo saarno.
Ugu
dabayntii akhriste bal ka fikir sidaad raad ugaga tagi lahaday tariikhda.
Alla Mahad Leh.
Abdiqani Mohamed
Ege
Comments
Post a Comment