Safarkii Gacan Libaax

Dib u celi xusuusaha.

Dabayaaqadii sanadkii 2007 ayaan booqasho dalxiis oo gaaban ku tagay Buurta caanka ah ee Gacan libaax, Maanta anigoo baadhay E-mailkayga ayaan helay Maqaal aan maalintaas ku qoray diiwankaga xusuus qorka, maqaalka oo aan ka diyaariyay sifooyinka layaabka leh ee aan ku soo arkay buurta Gacan libaax. ila wadaaga maalintaas iyo dalxiiskaas aan duugoobin. Waxa aan aad uga xumahay in aan ka soo qaadin maalintaas sawiro.

- Ninba waxuu ku taamaa
- ama hees ka tiriyaa
- tixo gabay ku sheegaa
- halka lagu talaalee
- hawadiisu taallee
- uurkiisu tebeyee,
- Gacan libaax waxay ku taalaa
- xididdada tin iyo cidhib
- tebinaaya dhiigee.

Sida aynu wada ognahay buurta gacan libaax waxay ka mid tahay buuraha ugu caansan gayiga somaaliyeed, buurtu waxay ku talaa silsilad golis waxayna caan ku tahay xaga dalxiiska, waan goob soo jiidhasho leh oo u roon am dareen la yaab leh galinaynaya idhaha ku naaloonaya bilicsanaanta buurtan.

Hadaba waxa maqaalkan uu qalinku sawirayaa sifooyinka layaab leh ee ay ku caan baxaday buurtan gacan libaax, waana sifo uu dareensanyahay qof kasta oo booqasho ku tagay maalin uun, sidaas daraadeeed mar aan booqasho gaaban ku tagay ayaan ku arkay arimahan mudan sheegistoodu.

Ugu horayn hadaad ka niyad jabsanyd dabar goynta dhirta iyo xaalufinta deeganka, buurta gacan libaax waa mid ka badbaaday xaalufinta deeganka, waayo waxa gacan weyn ka gaystay ilaalinta deegaanka haayada wadaniga ah ee Candle light, waxa ay samaysa biyo qabatin buurta loo sameeyay oo ka kooban dhagaxaan is dabayaala oo sahalaya in aan biyuhu si fudud u dhaafin buurta, taas waxay sababtay in buurta a
y ka biqlaan dhir aad u faro badan, waana mid aad arkaysid marka ugu horaysa ee aad gasho seeraha buurta, dareemaysidna Oxygen badan oo ay ugu wacan tahay dhirta faraha badan ee teedsan dacal ilaa dacal.





Goobaha dalxiis ee buurta aad bay u badan yihiin waxa ugu mihiimsan Godka, buurtu waxay leedahay God aad u dheer oo qiyaas ahaan le’eg dabaq iyo badh xaga hoose ah, inta aanad gaadhin godka waxaad arkaysaa meel daloosha oo markaad sii eegto aad arkayso god kale oo isna hoos u sii socd.








markaad dhaafto meeshaasi daloosha oo aad maasaafo ahaan 10m hore u socto waxaad istaagaysaa afka godka, markaad u jeesto xaga midig waxa kuu muuqanaya ilays ka iftiimay meel qiyaas ahaan kuu jirata 10m waa meeshii dalooshay ee aad soo dhaaftay, hadaad taalbo qaado waxaad dareemaysaa meel hoose inaad ku dhaadhacayso waxaanad dhex lugaynaysaa laba darbi oo aad isugu dhaw dhinacyadiisu ay isu jiraan in laba qof isku waydaar karaan.



Si kastaba ha ahaatee ma ah meel kalmado lagu sawiri karo, waxaad is odhanaysaa mararka qaar waa aqalkii dadkii hore, hadan waxaa moodaysaa inuu godkani ahaa hoygii libaaxu gali jiray ee buurtu kula magac 
baxaday. 

Iyadoo aanad ka xiisa goynay dhankii aad eegtaba hadan waxaa xusid mudan Jarka dheer ee buurtu ku caanka tahay kaas oo aad ili qabatay ka arkayso baabuurta marya wadada isku xidha hargaysa iyo Barbara, waa gebi runtii markaa aad dul taagan tahay aad dareemayso dhirta baarka iskula jirta ee kaa hoosaysa oo teedsan buuraha yar yar ee hareeraha ka xiga, Jarkaas dheer waxa ku lamaan qiso Jacayl ah oo dhex martay lamaane waayo badan meesha ku wada qaatay, waa qiso la magac baxday Bayle, Sida uu ii sheegay mid ka mid ah dadkii deeganka buurtu Jarka waxa la yidhaa Jarkii Bayle oo loogu magac daray Qisaada Jacaylka ah ee meesha ka dhacday, waa mid aan mar kale iyo meel kale ku sheegi doono.



Marka aad ka timaado Jarkaas aadka u dheer ee aad gudaha u gashid buurta iyo goobihii dalxiiska sida guryihii loo dhisay dadka u yimaada dalxiiska iyo goobaha kale ee loogu talo galay nasashda martida waxaad dareemaysaa farxad gaar oo ay lasocto shucuur ku dhisan rayn rayn.

Waxa kale oo iyana xusid mudan diiwaanka yaala ee ay ku qoraan dalxiisayaashu argtidooda iyo waxay kala kulmaan buurta intii ay dalxiis iyo damaashaadka ku dhex marayeen, mar aan akhriyay waxaa ku qornaa luuqado kalo duwan oo ay qoreen dalxiisayaashii kala duwanaa ee yimid buurta wakhtiyo iyo waayo kale duwan.

Ugu danbayntii waxaa xusuus gaar kugu reebaysa marka aad u diyaar garowdo inaad baxdo oo aad soo dhex martid dhirta noocyadeeda kala duwan oo faraq is wada galiyay iyo Cododka shirbaha kala duwan, in mudo ah markaa neecawdaas ugdoon kusoo raaxaysato ayaad mar kaliya ka soo baxysaa jawigaasi layaabka leh waan ta hadhaw ku reebaysa raad xusuuseedka layaab ka leh. dhamaan xuquuqda sawiradu waxa ay u dhawran tahay oodweynenews.com.

Abdiqani Ege
Fmcige@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

Qisadii Xajaaj Binu Yuusuf iyo Wiilka yar