Qalinka iyo Qoraaga

  
Sida aynu la socono qalinku waa aasasska iyo hormamarka ay umadi samayso ta u qiimaha badan, waxa kale uu astaan u yahay bulshada hiigsanyso in ay soo saarto dad iyo dal ku dhisan aqoon amaba hadaynu sida kale u dhigno dal ay dadkeedku ku hamiyaya inay qalinka qaatan, hadaad aragto bulsho ay dadkeedu ama faceedu  ka daalaan inay qalinka adeegsadaan, runtii waxaa la odhan karaa waxaa umad gadaaal u socta.
Qalinku waa aalada loo adeegsado in isbadal midho dhal ah lagu sameeyo, taasi waxay meesha ka saaraysaa baqihii laga qabay xaga aminga waayo waxa isbadlka wakhtigii hore lagu samayn jiray amba dhaliyradii wakhtiyadii hore u adeegsan jireen ay ahayd xaga qoriga iyo in qas iyo qalalase ku gaadhaan himiladooda, halka ay maanta dhaliyaradu rabaan inay isbadlka u adeegsadaan oo ay ku sameeyaan qalinka.
Waxaan odhan karnaa waxaa la gaadhay wakhtigii uu caqligu ina hogaamin  lahaa, waktigaasi waa xiliga aad aragtid waxa loo yaqaano kacaankii qalinka ee somalalind (Somaliland pen revolution era). Waxaa filyaa in taasi ay hada uu bilaw tahay oo ay arday badan inooga qalin basay jaamacdaha dalka.
Si kasta ha ahaate qalinku waa seef la af leh oo  waxna lagu dumin karo, waxana loogu dhisi karo, waxa maanta in badan macfruuca in dalal badan lagu furo dacaaydo ka dhan ah ilaa ay ku sigtaan  inay burburaan, waxaa sidoo kale iyna aan meesha ka madhnayn in qalinka uu maanta dunida ka dhigay sidii tuulo oo kale oo aad isla minute-kiibaad aad helisad maqaal ka hadalay wixii dunida ka dhacay daclkeeda taasna waxaa suurta galiyay internetka oo uu asal u yahay qalinku.
Isku soo wada duubooboo qalinku waa waxa ay umadi kaga horumari  karto umadaha kale amba waa yoolka (goals) ay umad walba ay hiigsanyso inay gaadho oo ay xaqiijiso.
Hadaba waxaa xusid mudan in bulshadeena  ay waayahana danba ay ku soo kordhayaan dadka xiisayna inay qoraalo sameeyaan, ha ahaato mid ay rabaan inay buugaag ku soo saaraan, ha ahaado maqaalo ay web site-yada ama journalada ay ku qoraan, waxaa la odhan kaaraa waa bulsho muujinaysa astaamihii horumarka aqooneed, waa bulsho u socta xagii wanaaga (positive-ka) taas oo ay dhaliyaradeed ay ku baarugasn yihiin qiimaha iyo ahamiyada uu leeyahay inaad isbadalka u adeegsatida xaga qalinka  halka ayaa toban sano ka hor ay ahayd luuqada qudha ee waxa la xaliyaa inaad adeegid qori.

Sidaas daraadeed, Hadii qalinku yahay aalad laba af leh oo waxana lagu dhiso karo waxana lagu dumin karo, hadii qalinku yahay astaan horumarindeed waxaa haboon inaan is waydiino waa kuma qoraaga ama kaalintee ayuu  kaga jiraa umada maxayse tahay masuuliyada saarani? dhan kale waxaa maxay milgahay uu ilaalinyno ninka ama gabadha qoraaga ah ee adeegsanya aaladan qaaliga ah.
Iswaydiin mahan sare ku xusani waa mid siyaabo badan oo kale duwan loo fasiri karo oo ay dadku kula duwanaan karaan,
si aynu u dareensiino kaalinta uu kaga jiro qoraagu bulshada Waxaan rabaa inaan dood soo dhex dhigo bulsha waynta adeegsanta qalinka iswaydiimo kooban.  Waa maxay kaalinta aad kaga jirto bulsha weynta aad la noosha? Mase dareensan tahay doorka aad ku leedahay? Ma ogtahay  hadii bulsho ay kala tagaan (disparity)  dadkeeda aqoon yahay iyo dadkeeda aan aqoonta lehay (illiterate) in ay umadaasi khatar ugu jirto burur, ayna jiri karaan loolan u dhexeeya labadooda? Waa maxay masuuliyada saarana qofka adeegsanya qalinka? Ma jirtaa waxa ka hor istaagaya inuu qoro maqaal uu cid gaara ugu durayaa iyadoo aysan mustaysan eedaas? Waa maxay qaabka uu rabo inuu ku gaadhsiiyo akhrisytaasho ama audiences –ka? Ma mid masuuliayad xambaarsanbaa mise waa mid kale?
Ugu horayn waxaa xusid mudayn in qoraaga yahay qofka qaabaynaya ama qusyanya qaabka ay bulsho u dhisantahay ama ay rabto inay u noolaato, waxaa la odhan karaa waa mida dhisaya manhaj dhan oo ay umadi rabto inuu u noqdo qaab nolaleedkadii, waa mid u gudbinay  bulshada waxa uu rabo inuu umada ku hago oo ku baarujiyo inay aya jirto qaab ama wado fudud oo lagu gaadhi karo hormar dag-dag ah.
Waxaan shaki ku jirin in qoraaga yahay  hogaaminya kacaanka aqoonta aynu rabno inaynu ku badalno bulsho uu daashday in inay aanay waxaba qorin waxan akhriyin.
Qoraa kastaa  waxa uu gudbinyaa waa fariin uu kusheegayo laba mid uun  inuu wax fiican gudbiyo ama fariin tilmaamaysa in uu gadaal dadka rabo inuu u hogaamiye, aynu dhamaanteen isku dayno inay bulsha xaga horumarka qalinka u hogaamino.

Marka aad maqashadid qoraa waxa maskaxdaada ku soo dhaca qof buugaaga badan qoray lakiin qof kasta oo bulshada kula hadla qalinku waa qoraa gudbinaya fariin togan ama taban, Qofka qoraaga ahi maha mida waxa walba oo maskaxdiisa kusoo dhaco qora ee waa ka dhawra milgahay iyo sharfta uu xanbaarsan yahay qalinku. Waa mid ay hagayso qawaaniin oo u diidaysa inuu gudbiyo oo uu bulshada gaadhsiiyo dhambaal xanbaarsan waxa diinta, dalka iyo dadkaba waxa u dhimaya oo u horseedaya inay dib uga dhacdo mustawaheeda nolaleed.
 Guntii iyo gebadii macduucan kooban waxaa ku soo koobayaa laba eray , bulsho kasta oo dunida ku nool waxa hogaamiya dadkeeda aqoonta leh, aynu isku dayno inaynu kaalintaas buuxino. Ta ugu danbaysaa waxaa usoo jeedin lahaa dhamaan bulshada somalind, aqoon yahay, salaadiin,culimudiin, gancasto, dhalin yaro iyo dawladaba in la gaadhay  wakhtigii aynu  qalinka waxa ku badli lahay.

Wa bilaahi tawfiiq
Abdiqani Ege


Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

Qisadii Xajaaj Binu Yuusuf iyo Wiilka yar