Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii [3]

Loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? {3} Markii James Comey uu si daah furan ugu waramay Guddiga baadhista ee Aqalka odayaasha Maraykanka ayaa Jariirada Washtington post ay baahisay maqaal ay ku sheegayso in Madaxweyne Trump uu laba goor oo kala gaar ah waydiistay laba sarkaal oo khubro ku ah sirdoonka ah, Deniel Coates oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka iyo Adm. Micheal S. Rogers, agaasimaha haaydaha amaanka qaranka maraykanka, in ay ka caawiyaan inuu iska caabiyo baadhista FBI-da wado, waxuu Trump si cad ugu sheegay labada sarkaal inay toos u diidaan inay jiraan waxa cadayn ah oo tilmaamaysa farogalinta ruushku ku lahaa doorashadii 2016, lakiin waxa lagu soo waramay in masuuliyiintaas sirdoonku ay u arkeen codsigu in aanu ahayn mid haboon oo ay raaci karayaan. Toban Cisho ka dib, ayuu haddana Madaxweyne Trump mar kale James Comey telefoon kula xidhiidhay, waxa Comey sheegay in Madaxweyne Trump uu soo wacay March 30, isaga oo kala hadlay ari...