Turkey: Siraha Qarsoon.!

“ kullan sir ah oo dhex maray Madaxweynihii Turkiga Kamel At-turk iyo Danjihii Ingriiska u fadhiyay Istanbul wakhtigaas Sir Precy” Summada Qofnimo ee aad leedahay waxay ku xidhan tahay cidda aad tahay, cidda aad u hayb sheegato, waa ta aakhrika ku dhaxalsiisa in aad si dhab ah u jeclaato waddankaaga kuguna beerta waddaniyada dhab ah. yaraantaadii ilaa maanta oo tintu ku cadaatay kuna soo dhex jirtay xaaladda ah jeclaansho waddaniyadeed way adagtay in aad si sahal ah uga guurto kuna badlato waxa ka qiimo liita, haddaba sidee qof uga tanaasulaa qiimihii wadankiisa uguna hibeeyaa cid aan ehel u ahayn, qisadani waa mid ka waramaysay qiimo umaddeeda oo qof kale loo hibaynayo. Bogga taariikheed waxa kaa yaabiya ma waydid, marka aad mid aragtaba tii hore ayay ku ilawsiinaysaa sida ay u kala cajiib san tahay darteed, waana sidaa ilaa giraanta taariikhdu ka istaagayso. Waxa qalinku isdultaagi doonaa mid ka mid ah taariikhda diblamaasiyada kuwa ugu cajabta badan, loo...