Kalmad ayaa noloshiisa Gadisay.!

Waxay ahayd ku sinaan badhtamihii 2005 tii mar aan fasax gaaban ku jooga deegan miyi ah, waa wakhti aan dhameeyay waxbarshadii Dugsiga Sare isuna diyaarinayay bilowga Jaamacad. Habeen habeenada ka mid ah ayaa sheekh kitaab Fiqi ah Masjidka Tuulada noogu marin jiray aniga oo meesha safar ku ahaa iyo ninka kale oo deegaan ahaa, ayuu sheekhu iga codsaday in aan dhalinyarada Tuulada wixii laga heli karo isgu yeedho Masjidka Bacda Maqrib si waano iyo wacdi loogu jeediyo, Kitaab yar oo Caqiido ahna loogu bilaabo cidii diyaar u ah, Intii Alle Swt iga waafajiyay ayaan u yeedhay habeenkaas waano iyo wacdi ayuu sheekhu ku akhriyay una soo bandhigay kitaab uu rabo inuu bilaabo, hawraarsan ayay ku qaabileen dalabkii sheekha. Goortii kulanku gabogabo ku dhawaa ayuu sheekhii kalmad dardaarna ah iga codsaday maadaama aan ka yara weynaa dhalinyarada goobta joogtay, maan badinine waxaan ku soo koobay "saaxiibayaal maanta sidaad u dhaqanto, u fakarto, una barato cilmiga maadi iyo di...