Kalmad ayaa noloshiisa Gadisay.!
Waxay ahayd ku sinaan badhtamihii 2005 tii mar aan fasax
gaaban ku jooga deegan miyi ah, waa wakhti aan dhameeyay waxbarshadii Dugsiga
Sare isuna diyaarinayay bilowga Jaamacad.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa sheekh kitaab Fiqi ah Masjidka Tuulada noogu marin jiray aniga oo meesha safar ku ahaa iyo ninka kale oo deegaan ahaa, ayuu sheekhu iga codsaday in aan dhalinyarada Tuulada wixii laga heli karo isgu yeedho Masjidka Bacda Maqrib si waano iyo wacdi loogu jeediyo, Kitaab yar oo Caqiido ahna loogu bilaabo cidii diyaar u ah, Intii Alle Swt iga waafajiyay ayaan u yeedhay habeenkaas waano iyo wacdi ayuu sheekhu ku akhriyay una soo bandhigay kitaab uu rabo inuu bilaabo, hawraarsan ayay ku qaabileen dalabkii sheekha. Goortii kulanku gabogabo ku dhawaa ayuu sheekhii kalmad dardaarna ah iga codsaday maadaama aan ka yara weynaa dhalinyarada goobta joogtay, maan badinine waxaan ku soo koobay "saaxiibayaal maanta sidaad u dhaqanto, u fakarto, una barato cilmiga maadi iyo diiniba ayuu bari mustqabalkaagu noqonayaaye ku xisaabtan".
Aniga waxay ii ahayd kalmado caadi ah oo anigaba maalin
kasta la igu odhan jiray lakiin ciduu alle wax la rabo ayuu waafajiyaaye, wiil
dhalin yaro ah ayay si kale ugu dhadhantay. Wiilku waxa uu ahaa dhalinyarda
kacaanka ah ee tuulada, waxa uu ka soo jeeday qoys danyar ah oo hayntoodu aanay
badnayn, waxa uu dhiganayay dugsi tuulada ku yaala lakiin muu ahayn mid
waxbarashada jecel siduu ii sheegay sanado ka dib, wiilkii habeenkaas waxuu ka
mid noqday arday tiro yaraa oo kitaab caqiido ah halkii sheeku ugu bilaabay.
Sideed (8) sano iyo badh ka dib maalintaas ayaan dib u kulanay maalin jimce ah wiilkii, salaan ka dib waxuu iiga sheekeeyay qisadii kulankaas iyo sidii ay noloshiisu isu badashay maalintaas ka dib, waxuu yidhi " waxaan ahaa wiil yar oon aqoonta diini & maadi midna daryeelin lakiin maalintii aad kalmadaas na tidhi ka dib waxaan bilaabay barashada aqoonta diinta, meel kasta oo lagu dhigayona waan tagaa ilaa aan maanta ka marayo heer fiican oo ah qalin jabin Madarasadda Dacwa ee magaalada Hargaysa, alxamdulihaa waan is badalay si weyn, maan filayn inaan sidan oo dhan ay nolashaydu isu badalayso, alxamdulihaa sidaas ayaan jecelaaday inaan kuula wadaago maanta raadka kulankaas yari uu noloshayda kulaah. Mahadsanid walaalkay".
Subxaanalaah, qofka aan kaaga waramayaa maaha Bukhaari,
Dahabi ama Culaamtii Muslimiinta ee kalmada weelayn jiray laakiin waa wiil yar
oo reer miyi ah imikana Hargaysa jooga, marka aad eegto wajigiisa nuurka ka
baxaya waad yaabaysaa, maansha allah, waxa biyo dhigtay barshada aqoonta
diinta, waxa uu hadda oo sheekadu noo socto gacanta ku hayaa kitaab weyn oo
imtixaan uu ugu diyaar garoobayo.
Runtii dareen gaar ah ayay igu reebtay markuu qisadan
noloshiisa iiga sheekaynayay waayo waxaan dib u xusuustay waayihii nololeed ee deegaankiisa,
qoyskiisa iyo isaguba ku sugnaayee. waxuu ku barbaaray deegaan barshada diiniga
iyo maadiguba ku yar yahay, qaadka iyo qudhunka qabyaaladuna biyo dhigtay, waa
deegaan qaadka & fadhi ku dirirka bilaaba marka cadceedu godka baalka
galiso, waa bulsho aan war ka hayn horumarka dunida, waa kaaf iyo kala dheeri
sidan iyo siduu ahaa deegaankuu ku barbaaray.
Jimcihii ina dhaafay 21 febraayo oon kulanay ayuu ii
sheegay inuu ka soo laabtay Dacwo diineed oo ku tagay deegaankii uu ku
barbaaray iyo tuulooyin u dhaw.
Akhriste qisadani waa mid aan goob joog u ahaa, waxay
dareen celin u tahay sida quluubta alle u gadiyo, habeenkaas sheekh Ismaaciil
oo wacdi aan loo yaraysan jeediyay iyo kalmaduu wiilku xushay ayaa iga
yaabisay.
Mar kasta oon arko wiilkii yaraa waxaan xusuustaa
xadiiskii Nabiga NNKHA ee ahaa "Ha yaraysan Wanaaga wax yar oo ka
mid"
" لا تحقرن من
المعروف شيئا ً ’’
Quluubta Gadintooda
allaa haya oo ciduu doona ayuu rogaa
Wabilaahi Tawfiiq.
24/02/2014.
Abdiqani Mohamed Ege

Comments
Post a Comment