Biyaha Afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada

Amuuraha aduunyada ayaa iska badane, bari ayaa nin iyo afadiisii mahadho dhex martay, duqa reerku waxuu ahaa waayeel kaalintii raganimo, Odaynimo iyo masuulnimo si wacan u qaatay kana soo baxay xilkii uu 20 Gu’ ka hore ku gudoomay geedka hadhka weyn ee gabdhaha beesha lagu kala gudoomo. Xaaji Casar waa dhaqan yaqaan in badan laga yaqaan deegaanka beeshu dagto, waxa loogu xusuustaa Gartii uu laba Gu’ ka hor ku xaliyay khilaaf soo kala dhex galay lab raasoo ood-wadaaga ah, waa waayeel sayn cadaa ah oon dabadii hadal la furin, Malaha taas waxa xan hoose lagu yidhaa laguna majeertaa talada iyo garashada dheer ee afadiisa caqliga badan ku siiyo guriga. Xaaji Casar & dahabo cadar maalintii loo mashxaraday ilaa maanta oo tintu cadaatay khilaaf sooma kala dhex galin iyagoo taas in badan ku mahadiya Eebe. Reer Casar waa qoys maal aduun leh, guunyo xoolaadna bixinteeda aan lagu xaman, Dahabo cadarna gacan furnaanta odaygeeda waa mid ku dhiirisa mar walba, ...