Sheeko Gaaban: Dhaqan wacan dhab Hooyaa laga bartaa.
Nolashu way wajiyo badan tahay, wayna imtixaano badan tahay. Marka uu kula kulmo imtixaan nolosha ku saabsan ayuu soo baxaa qofka aad tahay, sida aad u maarayso ayaa inta badan tilmaanta cida aad ka tirsan tahay. Waxa jira qisooyin badan oo imtixaanka nolosha ka warama, sida sadexdii nin ee reer binu Israa'il iyo imtixaankii nolosha ee ay soo mareen, waxa ka mid ahaa nin Alle swt Maal siiyay oo xumaan kaga doonay gabadh baahi nololeed u keentay. Lakiin markii danbe Alle xasuusisay oo sidaa kaga badbaaday fitnadaas.
Qisadan yar ee hoose waxay ku saabsan tahay imtixaan nolosha ah oo kulmiyay xanuun hooyo iyo baahi lacageed oo aanay lahayn, waa maalmo soo maray Amal iyo hooyadeed oo xusuustooda mudan;Amal waa gashaanti yar oo agoon ah oo suuqa ku iibisa xalwada iyo bagaashka yaryar oo ay ehelkeedu ka raadsadaan nolol maalmeedkooda, waxa uu aabaheed geeriyooday iyada oo yar, waxay ku barbaartay dhabta iyo dhididka hooyadeed macaan ilaa ay noqotay gaashaan qaad lagu nasto oo qaban karta shaqooyinka yaryar, marmarna ka nasin karta hooyadeed raadinta quud maalmeedka reerka. Amal waxay hooyadeed u ahayd gabadh baari ah oo hooyadeed jeceshahay. Amal qoyskeedu waxa uu ahaa dan yar hayntiisu yartahay.
Maalmaaha aduunyadu maalinba waa nooc, waa sunaha nolosha uu Alle (Swt) ugu talo galay, sidaas ayaa nolosha macaankeeda lagu dhadhamiyaa, aduunyada ma jiro qof ku wada dhamaystaa cudur, sidaas oo kale badhaadhuhu waa maalmo iyo miridho aad tiriso, maalin waad caafimaad qabtaa maalina cudur ayaad la jiitaa, Maalin boqor ayaad tahay maalina xabsi inaad ku jirtaa laga yaabaa, bal akhri hadii aad doonto qisada boqorka ee badhaadhu u horeeyay iyo baylahdii noloshiisa ee danbe.
Amal hooyadeed waxay dhalandhoolka iyo dheeliga reerkaba tunka u ridato, waxay gudotaba kaalintii odaygeeda ku baneeyay, waxay quudka ciyaalka u boqooshaba, maalinkii danbe ayuu wakhtigu dhigay sariir, xanuun badan oo ay u socon waydayna u noqotay dhul yaal aan sariirta dhanaba u dhaafin, Dhaqaale ay dhakhtar ku tagtana ma awoodo oo itaalkeedu kamuu badnaan jirin quudka caruurteeda. Xil culus ayaa fuulay, Xaalku ku adagaa Amal..! Hooyadeed macaan shilin ay dawo u siiso ma hayso, suuqa waxa yar ee ay ka soo heshaana dawo iyo cunto uma qaybsamo. Waxa la soo daristay xaalad warwar iyo walbahaar leh, waa murugo iyo maalmo kuu dhinaa ayay qalbigeeda ku xaradhay, waa ayaandaro iyo imtixaano is barkan oo iimaanka noloshaada lagu tijaabinayo ayay isku qancisay.Iyadoo xaalka Amal hooyadeed sidaas u culus yahay ayay shaqadii hooyadeed u tafo xaydaytay, Amal yaraanta waxa u dheer caqli badnaan iyo hawl karnimo. Subax ka mid ah subaxyadii nolosheeda ugu adkaa ayay u baxday shaqo maalmeedkeedii caadiga ahaa ee ay bagaashka yaryar ku iibinaysay dariiqyada magaalada.Subaxani waxuu ahaa subax amran oo imtixaanadiisana wata, iyadoon goobtii shaqadeeda si fiicanba u kala habayn ama loo aftaxinba alaabteedii ayuunbay ku war heshay gabadh yar oo labis aad u qurxoon xidhan, dhalaalka iyo dhabanka ku yaalana uu tusaale u yahay inay ka timid reer ladan oo noloshoodu wanaagsan tahay.
Iyadoo ku dhaygagsan buugta iyo shandada ay sidato ayay ku tidhi gabadhii yarayd; Assalaamu Calaykum, walaashayeey waa imisa xalwadaasi? Waxay Amal ugu jawaabtay Wacalaykuma Salaam, walalo waa shan shilin. keen iyo hoo ka dib ayay waydiisay magaceeda waxayna u sheegtay in la yidhaa Tufaax. Anigana Amal ayaa la yidhaa, barasho wacan ayaa la is waydaarsaday. Intaas markii la is yidhi ayuu Tufaax aabaeheed ku ag qabtay Joojiyahay baabuurka, Tufaaxna hal ka haleel ayay ugu booday gaadhigii aabeheed iyadoo dagdag u macasalaamaysay Amal.Nasiib daro se waxa ka dhacday Tufaax shandad yar oo lacagi ugu jirtay doolarna ka buuxo.
Amal ayaa dhulka ka qaaday iyadoo og wakhtiga adag ee iyada iyo hooyadeed, waa xaalad aanad hayn karin lacag aanad lahayn, iyadoo qofkii kuugu qaalisnaana ay baahi badani u hayso lacag ay dhakhtar ku tagto, shaydaan iyo naftu waxay kugu dhiiri galinayaan dayaca amaanad iyagoo kuu sheegaya inaad u gudi doontid wakhtiga ugu horaysa ee lacag ku soo gasho. Amal talo ayaa ku cadaatay oo niyadeedu waxay siin wayday inay iska maamulato lacagtan gabadha yar ka dhacday. Maalintii oo dhan fikir ayay u ahayd, markii ay dhamaysatay hawsheedii maalintaas ayay talo ula noqotay hooyadeed si ay ugu sheegto lacagtan ay heshay iyo cidii ay ka dhacday.Amal hooyadeed waa hooyo tarbiyada wacan xambaarsan oo hubin og shilinka ay quudanayso halka uu ka soo galay. maalintaas waxay ahayd maalin xanuun aad u darani hayay oo ay ku duuduubnayd buste weyn oo guriga yaalay. Waxay ku tidhi gabadheedii yarayd iyadoo si dagan oo hoga tusaalayn leh waxa ugu sheegaysa; Hooyo gabadhaydii yaraydeed Nabigeenii suubaaan NNKHA waxa uu xadiis ku yidhi
""qofka dar Ilaahay shay uga tagaa waxuu Alle swt ugu badalaa shay ka khayr badan"
" من ترك شيئا لله عوضه الله خيرا منه."
Markaas hooyo waxaan kugula talinayaa in aad u celiso lacagtan cidii lahayd, anigana Ilaahay swt ayaan caafimaad ka sugayaa.
Waa tusaale iyo tilmaan hooyo oo Amal ma diidi karto, haddana naftaa ka adag oo ku leh hooyadaa dawo iyo daawan miyaanay u baahnayn. haa way u baahan tahay..? Faqaa la fogaaday intay hooyadeed wacdiga iyo waanad u waday. Waxay waydiisay hooyadeed su'aal ah hooyo dawo ayaad u baahan tahay lacagtana waa aynu siin doonaa marka aad caafimaado. Waa su'aal laga yaabaa inay kugu soo dhici lahayd? Haa anigaba way igu soo dhacday iswaydiinyaasi? Haa, laga yaabaa haddi shaydaan iyo naf isu kaa kaashadaan inay jar kaa tuuraan.
Sidaas ayay Amal iyo hooyadeed isugu waafaqeen in lacagta loo celiyo dadkii lahaa oo waliba ay sugto inta ay ka soo noqnayso gabadhii yarayd ee tufaax. Nasiib wanaag waxay soo martay subaxii xigayba waxayna Amal gudoonsiisay shandadii lacagtu ku jirtay iyadoo uga waran tahay siday uga dhacday iyo baahida u qabatay lacagteedan lakiin ay ka door biday in aanay qaadan lacag aan xalaal ahayn.
Subaxaanalaah, Alle ha kaa abaal mariyo qof wanaagsan ayaad tahay adigiyo hooyadaaba, ayay ugu jawaabtay, wayna ka laabatay oo ay uga waran tahay aabeheed wanaaga gabadhna yar iyo xanuunka hooyadeed. Intaas ka dib waxa u yim tufaax aabeheed oo uga mahadnaqay amaanada ay u gudatay sida geesinimada leh, waxnuu u balan qaaday inuu hooyadeed xanuunkeeda daawayn doona iyo waliba noloshooda oo dhan u tunka u ridan doono.
Sidaas ayay ku caafimaday amal hooyadeed, noloshoodiina ay u wanaagsanaatay. Amal markii danbe waxa guursaday wiil ka mid qoyskii tufaax, waxaanay u dhashay caruur badan.
Jimce wanaagsan.
31/10/2014
Abdiqani Ege
00252 63 4427711
fmcige@gmail.com
![]() |
Abdiqani Ege |

Comments
Post a Comment