Wasiirkii qurba jooga ahaa iyo ardaydii saadaasha wacnayd.

Waxa lagu jiray wakhti aad loo hadal hayay safar uu madaxweynu muddo ugu maqnaa cariga Ingiriiska, waxa safarka Madexweynaha la socday koox wasiiro ah oo aad muhiim ugu ah xukuumadiisa. Sidoo kale Intii madaxweynuhu dalka ka maqnaa waxa aad loo hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirada, saami fiicana ka siin doono qurba joogta. Waa wakhti ay aad u kacsan tahay seefta mucaaradku oo fartii ay dawladu qaadaba ay dhaliilo xanaf leh ay daba dhigayaan, haddaba markii uu madaxweynuhu dib uga soo laabtay safarkaas muddada qaatay waxuu u sheegay saxaafada sidii loogga bartay inuu guul ugu soo dhamaaday oo ay qadiyadii soomaliland gaadhsiiyeen madaxdii Midawga Yurub. Safarkaa Madaxweynaha Waxa la socday oo dalka u soo raacay qurba joog aad u badan oo dano kale duwan u socday, qaar mashaariic iyo dhaqaalo raadis ah, qaar mansab iyo wasiir raadis ah iyo qaar indho indhayn iyo dano kale u yimid. Mid ka mid ah qurbo joogtaa maalin...