DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA

Kalmado iyo kulamo xusuus reebay: Qaybtii 3aad "Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro, dhacart jiilaale Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraa Hays dhigan nin nooloow hiddaadu, waysu dhimataaye" Hadraawi, dhul gariir. Qoramadeenii 2aad waxay inoo joogta iyada oo doodii u dhaxaysay Xoghayihii Arimaha dibada Maraykanka Mr. Henry Kissinger (September 22, 1973 – January 20, 1977) iyo Wasiirkii Macdanta iyo biyaha Soomaliya Muddane Xuseen Cabdiqadir Qaasim ay dood culus jilbaha is dhigeen, Muddane Qaasim waa ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya, waxay doodii qoramadeenii labaad inoo joogta iyada oo Kissinger uu su’aal galiyay dhulka Soomali galbeed iyo sheegashada dawladda Soomaliya, taas oo uu si fiican u sharaxay Wasiir qaasim, waxa kale oo Kissinger uu dooda Soo galiyay dhulka Kenya haysta ee Waqooyiga Kenya ee NFD loo yaqaano, waa kan Kissinger oo su’aal ku tuuray wasiir qaasim; Kissinger: Wax...