DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay:
Qaybtii 2aad
Qoramadeenii hore (halkan ka eeg)waxaynu soo ku soo qaadanaynay xidhiidhka
diblamaasiyadeed ee dhexmaray labadal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, waxaynu soo
tibaaxnay in siyaasada arimaha dibada ee Soomaliya ay ug digo rogtay inay dhex
ka ahaato loolanka quwadaha dunida (non-alignment policy) taasna uu Madaxweyne
siyaad barre u xaqiijiyay 9kii Janaanyo 1976 Madaxweynihii Maraykanka. Dawladda Kacaanka ee Soomaliya waxay qaadatay
hanti wadaag, waxayna xulufo la gashay midowga soofiyeeti taas oo ay taageero
ciidan iyo saanado ciidan oo faro badan kaga heshay midwoga soofiyeeti,
wakhtigaas waxa la isla ogal yahay in dawladda Soomaliya ay ka ciidan iyo qalab
fiicanayd waddanka itoobiya oo maraykanku taageeri jiray.
Siyaasiiyinta iyo diblamaasiyiinta Soomalidu iyga oo taas og
ayaa kulankana qarsoodiga ah kaga qayb galeen, sida la qiyaasi karo ama ay
tibaaxayaan wararka sirdoonka ee midowga soofiyeeti waxa hoteelka dagan ama
jooga sirdoonkii ruushku (KGP), Sidaas darteed dawladda maraykan oo utuno
siyaasadeed oo badan ka tirsanaysan Dawladda Soomaliya ayaa heshay fursada ah
in taageero laga dalbadaty iyada oo og in raadadka hanta wadaagi uu sal ku
leeyahay siyaasada dawladda kacaanka ah ee Soomaliya, waxa kale oo xusid mudan
in wali dawladda Maraykan ay tabayso in aan si wacan looga qancin dilkii
Madaxweynihii Soomaliya Muddane Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Waftiga dawladda Soomaliya ee kulankan ka qayb galaya waxa la
gudboonayd in ay kulanka u isticmaalaan
in ay ogaadaan mowqifka maraykan uu ka taagan yahay qadiyada xorayta Soomalida
itoobiya gumaysato, taas oo kulanka si fiican ugu cad. Waxa kale oo kulanka ka
muuqda in dawladda maraykanku ay u aragto in aanuu kulanka jooginba cidii u dhigimi
lahayd ama taladu ka go’ayso, waayo waxa kulanka ka maqan Wasiirkii Arimaha
dibada Soomaliya oo xil ahaan u dhigma Henry Kissinger, waftiga waxa hogaaminaya
ku sime wasiir, taas oo markiiba uu Kissinger su’aal galiyay waxa looga jeedo “Ku sime”, taasi waxay kulankii ka
dhigtay baa la odhan kartaa, marka aad u kuurgasho nuxurka doodda Kissinger, in
uu su’aalo waydiiyo uun Siyaasiyiinta Soomalida si uu u ogaado halka ay taagtahay
soomalidu.
Si kastba ha ahaatee, faalo
kooban oo xarfaha italic ah ayaa wehilasa su’aalaha ay is dhaafsanayaa Kissinger
iyo Qaasim. Haddaba aynu dhugano siduu u dhacay wada sheekaysigani kulanku.
Waxa kulanka hadalka bilaabay Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka, Henry
Kissinger, waxa uu waydiiyay Wasiir Xuseen Cabdiqadir Qaasim su’aal la
xidhiidha xilkiisa;
Kissinger: Maxaa looga jeedaa
Sii hayaha Wasiirka Arimaha dibada (Acting foreign Mistier)?
Qaasim: Anigu waxa aan ahay Wasiirka Macdanta
iyo biyaha, lakiin waxaan dawladda u matalaa shirar badan oo caalami ah.
Ambassador Cabdilaahi Caddow
oo ahaa safiirka maraykan u fadhiya Maraykan Soomaliya wakhtigaas, xidhiidh
dhawna la leh Kissinger ayaa hadalka qaatay oo faalo kooban ka bixiyay sababta
uu shaqadan u qabanayo Wasiir qaasim.
Caddow: Wasiirku waa qofka (Muddane Qaasim)
sida xaqiiqda ah u qabta shaqada wasiirka arimaha dibada, (De facto foreign
Mistier).
Kissinger: Intee in leeg ayaad
joogtay magaalada New york?
Qaasim: Waxaan joogay in ka badan laba
usbuuc, maalmo ka dibse waxaan qorshaynayaa in aan dalkii dib ugu laabto, lakiin
waa laga yaabaa in aanan toos u tagin ee aan meelo ku sii hakado.
Kissinger: waxaan u malaynayaa
in aad mar hore qorshaysay in aad meelo kale sii marto.
Qaasim: waxa aan isku dayayaa in aan
danta waddankayga ka shaqeeyo, sameeyana wax kasta oo dani noogu jirto.
Kissinger: idinka oo waddan iska
dhexe ah (Medium-sized country) waxa aad isku dayaysaan in aad samaysaan
waxbadan oo laydinku hadal hayo. (Kissinger
waxa uu ka wadaa saamaynta siyaasada Soomaliya ku leedahay qaramada Midoobay
marka doodaha la isagu yimaado taas oo dawladda Soomaliya ay ajande kasta kaga
soo horjeedo dawladda maraykan, sidoo kale waxa uu Kissinger daba socdaa
saamaysta siyaasada Soomaliya ku leedahay guud ahaan afrika gaar ahaa geeska
Africa, wakhtiga kulanku dhacay Dawladda Soomaliya ayaa haysa guudoonka midowga
afrika, waxay si joogta ah ugu hadashaa xorimo doonka angola oo wakhtigaas
gumaysi ku hoos jirtay).
Qaasim: dhamaanteed waxa ay ku xidhan
tahay kolba xaga dabayshu u dhacayso, anaga ayaa ah mar cida warka saamaynta
leh samaysa ama dawladdaha kale ayaa abuura xaalad nagu qasabta in aan ka fal
celino warkaas.
Kissinger: miyaanay ahayn in aad
anaga na aragtaan marka aan isku dayayno in aad wararka dunida samaynayno? (waxa uu uga jeedaa in siyaasada afrika ay
talo ka waydiiyaan Maraykanka ama ay tixgaliyaan ka dawladda ahaan doorkooda
quwad ahaan).
Markale ayuu
Ambassador Cabdilaahi Caddow soo kala dhex galay si uu qaboojiyo hadalka
taagtaagmay, isaga oo danka wasiirkiisa la safan ayuu yidhi;
Caddow: idinka saxaafada caalamka ayaa si
dhaw idiinla socta, sidaas ayaa warkiinu saamayn badan dunida ugu yeesha ama
aad warkaba ku jaangoysaan.
Kissinger: waa
maxay xaalada xidhiidhka labadeena dal? (Kissinger
waxa uu isku dayayaa inuu ogaado mawqifka siyaasada Soomaliya in waxa isbadal
ahi ka jiro ama ugu yaraan halka ay taagan yihiin siyaasiinta Soomalida ee hor
fadhiyaa).
Qaasim: waxaan jeclaan lahaa in aan
halkaas faalo ka bixiyo, waxaan rumaysanahay inuu jiro meelo badan oo xidhiidhkeena
laga wanaajin karo (Room for improvement). (Xidhiidhka
uu dalbanayaa waa in maraykanku taageero qadiyada dawladda soomaliya ugu
raadjoogto in itoobiye ay xornimo siiyo kuna soo celiso dawladda soomaliya
dhulka Soomali galbeed ee itoobiya gumaysato maadaama uu gumaysi hoos geeyay
haddana uu dhamaaday gumaysigii)
Kissinger: Taas waan kugu
raacsanay.
Qaasim: haa, way jirtaa meelo badan oo isu
soo dhawaansho looga samayn karo labadeena dal, markii aad soo dhawaynta
qaddada ah noo samaysay waxa aad soo qaaday qodob fiican oo aan ku diirsaday,
waxaan filyaa in aad aad u bartay siyaasada Qaarada afrika.
Kissinger: haa, Wax badan ayaan ka bartay siyaasada
afrika intii aan arkayay, idinku ka Soomali ahaan waxa aad tihiin qardo-jeex,
hadda taas ugma jeedo in aan idin cambaareeyo, lakiin waxa aad si adag ah u
ciyaartaan siyaasadaha arimaha guddaha oo aad gacan bir ah ku haysaan dadkiina.
(Kissinger waxa uu uga jeedaa in aanay
xornimo ka jirin gudaha soomaliya oo kaliya ay socdaa waxa dawladda kacaanka
ahi doonayso, cidii ka hadashana si adag loo ciqaabayo).
Qaasim: anagu marwalba waxa aan ku
hadlanaa waa wax aanu qalbiga iyo maskaxdaba ka rumaysanay, (halkaas waxa uu uga jeedaa mabda’
Hantiwadaaga yahay wax soomalidu ay doortay ee aan cidi ku khasbin, in dadk
soomalidu ay taas garteen oo ay fahmeen in sida kaliya ee faqriga lagag bixi
karo ay tahay hantiwadaaga, sidaas si la mid ah ayuu Madaxwyne Siyaad barre ku
sheegay warqaadii uu 9kii janaayo u diray madaxweyne Gerald ford, waxa kale oo
Qaasim uga jeedaa in dhulka Soomalida ee itoobiya gumaysto ayay dadka soomalida
qalbiga ka rumaysan yihiin in dhulkoodii la haysto).
Kissinger: ma filayo mana
rumaysni in waddamo afrika ahi ay koox koox col u yihiin, lakiin haddii aad
eegto dhaqanada siyaasada dawladda Soomalida, waxa kugu adkaanaysa in aad
tidhaa cid kuma xidhana Soomaliya. Anaga, baddanaa waad naga soo hor jeesataan
doodaha caalamiga ah oo dhan, iyada oon la odhan Karin in aanu qaldanay mar
walba, taasina maaha mid u adeegaysa danta dawladdaha meelaha dhexe ku jira oo
aad ka mid tihiin Soomali ahaan (the law of averages does not work that way). (halkan waxa uu sarbeebayaa in dawladda
Soomaliya ay tahay mid u adeegta danta midowga soofiyeeti, ayna mar walba ka
soo horjeesato wax aan dadka iyo dawladda soomaliya dani ugu jirin).
Qaasim: marka la eego aragtidayada,
Dawladda Soomaliya iyo Maraykanka waa in ay yeeshaan xidhiidh si looga fogaado
dareenka isnecbaanshaha ah ee la kala qaatay. Marka la eego tabashada aad naga
qabtaan iyo siyaasadaha socda, waa arimo u baahan in mid kasta sideeda loo
qiimeeyo, iyada oon hab-dhaqankaygu ahayn mid cadaawada ku dhisan, haddii aad u
dareentaan sidaas maanu ahaaneen kuwa idinku qaabila kulankan dareen togan, arinka
kale ee aad soo qaaday ee ah in aanu cid ku xidhanay ama aanu danteeda waddno
marka aanu idinka soo horjeedno doodaha caalamiga ah, anigu waxa aanu isu
aragnaa in aanaan cid kale danteeda wadin.
Kissinger: Anigu kama soo
horjeedno siyaasada dhexdhexaadminada ku salaysan (non-aligment), ee aad isku
sifaynaysaan. Dawladdaha afrikaanku badankoodu waa dhexdhexaad marka laga reebo
Angola, shan iyo toban kun oo ciidan ah ajaanib ah ayaa jooga oo anaga diyaar u
ah inay na carqaladeeyaan, idinku ka Soomali ahaan mar walba waad naga soo
horjeedaa doodaha caalamiga ah, waanad nagu diidaan waxa aanu wadno, marar
badana waxa aad la shaqaysaan cida naga soo horjeeda.
Qaasim: taasi maaha mid xaqiiqo ah ama
sawir sax ah ka bixinaysa xaaladayda, anagu waxa aanu raacnaa ficilada
siyaasadiina taas oo waliba aniga saamayn nagu yeelta, waliba mid gobaleed ah,
jirintaanka ummaddnimada Soomalidu waxuu idiinka baahan yahay taageero,
idinkana ficiladiina siyaasiga ah markasta uma muuqto mid dhexdhexaad ah oo wax
taraya dadka iyo dawladda Soomaliya.
Kissinger: bal halkaas maad
tusaale iga siin?
Qaasim: Soomaliya waxay dulmane u tahay
gumayste ficilo uu sameeyay wakhti hore. Dhulkii ay dadkaygu lahaayeen oo ay
ilaa hadda dagan yihiin ayaa lagu wareejiyay gumayste itoobiya ah, idinku xataa
intii aan soomalidu xornimo helin waxa aad taageeri jirteen waddanka itoobiya,
taas oo aanu u aragno in aydaan dhexdhexaad ka ahayn arintaas, Waanu aragnay
hubka aad siisaan itoobiya taas oo aanu rumaysanay inay xumayn karto xidhiidhka
jaarnimo ee nagala dhexeeya itoobiya. Waxa aanu aaminsanay in xidhiidhkaas la
sii wanaajiyo, lakiin hubka aad qaybinaysaan iyo dacaayaadka aad wadaan maaha
kuwa caawinaya xidhiidhkayga. Waxa aanu haynaa oo aragnay war-qoraalkii wasiirkiina
arimaha difaaci qoray ee ku saabsan hubkaas aad siiseen itoobiya.
Kissinger: Maxaad ku falaysaan
in aad ka hub iyo ciidanba badataan itoobiya?
Qaasim: taasi maaha sax, itoobiya iyadaa
naga xoojin badan dhanka milatariga, idinkuna waad ka caawisaan sidii ay ku
dhismi lahaayeen, markaas uma aragno in aad ka shaqaynaysaan in xal loo helo
arimaha na dhexyaala.
Kissinger: saw maaha in aad doonaysaan in aad qaadataan
dhul itoobiya ka mid?
Qaasim: Maya, waxaan raadcaynaynaa in ay
xornimo helaan qayb ka mid ah oo dhulka Soomalida ah taas oo ay gumaystaan,
qaybtaas oo ay dadkaygu dagaan dhulkaygana ka mid ah.
Kissinger: Ma qaybta itoobiya ah
ee dadka Soomalidu dagto, goorma ayay itoobiya ka mid noqtay qaybtaasi?
Qaasim: Itoobiyaanku waxay joogeen
qaybaha koonfureed oo dadkayga Soomaliyeed si gaar ah ay u dagaan, waxna ay
damceen 1884 inay la wareegaan, lakiin ilaa 1960kii ka hore arintu waxay ahayd
mid ka duwan sidan ay hadda tahay, dhulkaas si dhab ah umay soo gali jirin ama
ciidankoodu saamayn kuma lahayn dhulkaas, meelo yaryar oo xeryo ah mooyee
itoobiyaan muu joogin dhulkaas soomalida ee aan kuu sheegayo. Maanta waxay soo
dhoobeen awoodoodii iyaga oo doonaya inay si dhab ah u maamulaan dhulkaas reer
guuraagu dago, sidaas darteed xaalada maanta iyo tii hore way kala duwan tahay.
Kissinger: sidaas darteed, ilaa
aad dhulkaas heshaan waxa aad isu ahaanaysaan col oo idina ma dagaysaan saw
maaha?
Qaasim: si kale haddii aan u dhigo taas,
kama tanaasulayno xaq iyo xaquuqda dadkayga iyo dalkayga, waxa aanu hore ugu
soo lee’anay xaalad gumaysi, waa dhulkaygii waxna dagan dadkaygii.
Kissinger: Waxa kaloo jira
Soomali ku nool waqooyiga Kenya, halkaasna miyaad sheegaynaysaan?
Qaasim: Taasi waa xaqiiqo taariikheed in
dadkaasi ay yihiin Soomali dadka Soomaliyeedna ay doonayeen inay la wadaagaan
dawaladdnimada. Dawladda ingriisku waxay 1963kii gobalkaasi ay ugu yeedhaan
gobolka waqooyi “Northern Frontier province” ka samaysay afti dadweynaha lagu
waydiinayo halka ay doonayaan in xukunkoodu raaco, waxay dadkii 86%
go’aansadeen inay ka mid noqdaan Dawladda Soomaliya…..
La soco qaybta 3aad
iyo dooda oo kululaatay….
W/Q: Cabdiqani Maxamed
Cige
00252634427711
Comments
Post a Comment