DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:

Kalmado iyo kulamo xusuus reebay
Qaybta 1aad

Wakhtigu waa goor galab ah, saacaduna waa afartii oo rubuc dhiman, waa bishii oktoober ee sanadkii 1976-kii, waxa balansan wafti dawladda Soomaliya ka socda iyo masuuliyiin Maraykan ah, goobtu waa goob khaas ah (Apartment) oo ku taala hoteelka caanka ee Waldorf-Astoria ee magaalada New York, goobtani waxay gaar u tahay xog-hayah Arimaha dibada Maraykanka Henry Kissingerm, kaas oo kulmada gaarka ah ku qabsada, waa meel u gaar  ah xoghayaha iyo shaqaalihiisa oo kaliya. 

Siyaasiinta Soomalida ee kulanka ku sugani waxay taageero u raadinayaa in dawladda maraykanku ay taageerto in dadka Soomaliyeed ee ku hoos jira xukunka itoobiya ay hesho xornimo iyo in kor loo qaado xidhiidhka Soomaliya iyo dawladda Maraykanka.

Kulanku waa mid si qarsoodi loo diyaariyay, waxa uu ku soo beegmay wakhti ay kacsan yihiin xiisada siyaasadeed ee waddamada Soomaliye iyo itoobiye, waxa soo uraya saansaanta dagaalkii 1977kii dhexmaray Soomaliya iyo itoobiya, waxa kale oo is fahanwaayaa siyaasadeed dhexyaala Midowga soofiyeeti (USSR) iyo dawladdii kacaanka ahayd ee Soomaliya.

Sida uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ku sheegay waraaq uu u diray 9kii Janaayo 1976kii Madaxweynihii Maraykanka ee wakhtigaas Gerald Ford, in dawladda Soomaliya ay qaadatay Siyaasada ah dhexdhexaadnimada ah ee ah in aan midna la raacin quwadaha waaweyn ee dunida (non-aligmnemnt). Madaxweynu Siyaad Barre waxa uu sheegay waraaqdaas in dawladda Soomaliya ay diyaar u tahay in ay xidhiidh wanaagsan la yeelato dawladda Maraykanka, waxa uu ka mahad celiyay kaalmo caawimo ah oo dawladda Maraykanku ka gaystay abaartii dhabo dheer (1974) oo Muddane Siyaad barre ku sheegay waraaqdaas in ay ku nafwaayeen dad ka badan 20,000 oo qof, kuna caydhoobeen dad ka badan 250, 000 oo qof, waxuu afka ka sii faray waraaqdana ku cadeeyay in Muddane Cabdirxamaan Nuur xirsi oo ahaa Wasiirkii Maaliyada Soomaliya, isla markaan ahaa eragyga gaarka ah ee madaxweynaha waraaqdiisa qaaday in dawladda Soomaliya ay quud daraynayso kaalmo dheeraad ah oo abaartaas ku saabsan iyo in Dawladda Maraykanku ay kaalin wax ku ool ah ka gaysto khilaafka dawladdaha Soomaliya iyo itoobiya ee saabsan in Soomali galbeed.


Waxa kale oo Siyaad Barre waraaqdiisa ku xusay in dawladda Soomaliya aanay ka raali ahayn in French Somaliland (Jabuuti intii aanay xornimada qaaday oo faransiiska ay maxmiyada u ahayd) marka ay xornimada qaadato in dawladda faransiisku aanay saldhig military ku sii lahaan waddankaas, lakiin ay dadka reer Jabuuti ay aayahooda ka taliyaan, taas oo Madaxweyne Siyaad barre sheegay in Dawladda Soomaliya ay raageeri doonto. Warqaadaas Madaxweyne Barre diray oo aynu meelo kala duwan ka eegi doono, waxay aynu ku gaabsanaynaa in xidhiidhka Isfahan ee dawladda maraykanka iyo Soomaliya uu horseeday in kulamo adag laga yeesho arimo aan hore laysugu sal banaanayn.  

Xidhiidhka furfurmay ee Soomaliya iyo Maraykanku waxa uu horseeday in ay kulamo badan yeeshaan Siyaasiin Soomali ah iyo kuwo maraykan ah, kaas oo ka dhacay meel kala duwan. Kulanka aynu soo qaadan doono waa mid ka mid ah kuwa ku suntan taariikhda diblamaasiyada Soomaliya, waxa si fudud kuugu soo baxaysa heerka diblamaasiyada ee Soomaliya wakhtigaas taagnayd.

Waftiga waxa hormuud u ah Wasiirka Macdanta, biyaha iyo khayraadka Soomaliya, Xuseen C/qaadir Qaasim. Wasiir Qaasim waa mid ka mid ah diblamaasiyiintii ugu khibrada badanaa ee dawladda Soomaliye lahayd, sanadihii 1976, 1977, 1978 iyo 1979 waxa uu si joogta isga dab qaadi jiray Maraykanka iyo Soomaliya, waxa uu hogaamiyay kulamo badan oo qarsoodi u dhacay iyo kuwo si caalan ahba loola kulamya masuuliyiin badan oo maraykan ah. Sanadkii 2009 ayay shabkada Wikilikis ay shaacisay kulmadaas qarsoodiga ahaa oo Wasiir qaasim la galay masuuliyiin badan oo maraykan ah. Wasiir Qaasim wakhtigaas waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay xidhiidhka diblamaasiyada ay dawladda Soomalidu ug raad joogtay inay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba kaga hesho dunida reer galbeedka ka dib markii uu hoos u dhacay xidhiidhkii kala dhexeeyay midowga soofiyeeti.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Qaasim sida aad ka arki doontaa doodiisa kulankan, waa siyaasi iyo diblamaasi kalsooni badani ka muuqato marka uu kulanka sirta ah ka qayb galayo, waxa uu si fiican ugu nuuxnuuxsanayaa qadiyada Soomalida ee ah xorayta Soomali galbeed, Mr Qaasim alle ha u naxariistee hadda waa uu geeriyooda, waxna raadkii aabihii qaaday wiilkiisa Guuleed Xuseen Qaasim oo wasiir ka  noqday Xukuumaddii Raysalwasaare Cumar C/rashiid ee hadda dhacday isaga oo ahaa Wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta Soomaliya.

Halkan ka eeg Wasiir Xuseen Qaasim oo ka hadlaya itoobiya.

Waxa kale oo waftiga ka mid ah Ambassador Cabdilahi axmed Caddow oo ahaa safiirka Soomaliya u fadhiya Maraykanka (1970 -1980), Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo markaas ahaa agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha dibada Soomaliye, isaga oo sanad ka dibna (1977) noqday wasiirka arimaha dibada Soomaliya, halka uu sanad kaliya hayay xilkaas ugna sii dalacay ku xigeenka Raysalwaraahii Soomaliya, General Maxamed Cali Samater (February 1, 1987 – September 3, 1990), waxa kale oo kulanka joogay Maxamed Axmed oo ahaa qunsulka saafarada soomaliya.

Dhanka Maraykanka waxa kulkan ka qayb galay martina loo ahaa xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka Henry Kissinger (September 22, 1973 – January 20, 1977), waana  xoghayihii 56aad ee Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykan soo mara, Mr. Kissinger waa ruug cadaa siyaasi ah oo la soo shaqeeyay laba madaxweyne oo Maraykan ah, Richard Nixon and Gerald Ford, isaga oo labadaba u ahaa xoghaye arimo dibadeed.
Xoghaye Kissinger, ka hore intii aanuu xilka xoghayaha qaban waxa uu ahaa la taliyaha amaanka qaranka Maraykan (National Security Advisor). Mr Kissinger Sanadkii 1973 ayaa la gudoonsiiyay  Jaa’isada nabada (Noble peace price) iyada lagu sababeeyay doorkii uu ka qaatay in nabad lagu soo dabaalo dagaalkii fiitnaam, Jaa’isadaas oo la isku qabsaday ayuu mar danbe dib u celiyo, ka dib markii dagaalkii fiitnaam sii socday. Mr. Kissinger waa siyaasi saamayn badan leh oo taladiisa ay raadiyaan madaxweynayaal badan oo maraykan ah iyo kuwo caalamka kaleba ah.
Kulanka dhanka Maraykan waxa kaloo joogay Mr Philip C. Habib, oo ah midka si tooska ah uga masuulka ah kor kala socoshada Siyaasada gobalka iyo caalamkaba, xafiisku waxa uu si toos ah u qaabilsan yahay inuu ka war hayo, arimaha afrika, bariga eeshiya, bariga dhexe, iyo yuruba, Mr. Habib waa ninka haya xilka Under Secretary for Political Affairs, oo ah dajarad heerka afraad ee Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka, waxa ka horeeya oo kaliya xoghaya iyo labadiisa kuxigeen. Waxa kale oo kulanka qayb ka ahaa Seelye oo ah caawiye ku meel gaadh ah (Acting Assistant Secretary), waxa sidoo kale kulanka xog qaade (notetaker) ka ah Frank Wisne.

Kulanku waa kulan sir ah oo aan la shaacin xogtiisa ilaa laga soo gaadhay 2009 oo ay xarunta sirdoonka maraykanku ay faafisay xogta kulankaas. Kulankan waxa lagu tiryaa inuu yahay mid ka mid kuwa sababay in dawladda maraykanku ay ku badi furto dalabka taageero doonka ah ee Soomalida, taas oo dawladda Soomaliya ka dhigtay mid ka faro madhan is xulufaysida siyaasadaha dunida.

Haddab, Inta aynaan u galin nuxurka kulanka aan is yar dul taagno, goobta lagu qaabilay waftiga Soomalida iyo qaabka loo qaabilay, sida ay uga falceliyeen iyo dareenka siyaasiyiinta maraykanka ah,  taas oo xidhiidh dhaw la leh nuxurka soo socda ee wada sheekaysiga ee labada wafti dhex maray.

Kulanku waxa uu ka dhacay goob khaas ah oo ka mid ah hotelka caanka ah ee Woldorf-Astoria, hoteelku waxa uu ku yaala Manhattam (goobtii ay ku yaaleen daarihii la qarxiyay September 11-keedii). Hoteelkani waa mid leh taariikh fog iyo dhisme taariikhi ah oo ka koobnaa laba dhisme oo isku qabsanaa sida magaciisa ka muuqtaba Woldorf hoteel iyo Astor hoteel.

Hoteelkani waa mid ka mid ah hoteelada ugu magaca iyo maamuuska badan dunida, waa goob ay ku kulmaan Madaxweynayaal, siyaasiyiin, diblamaasiyiin, boqoro, qorayaal iyo dad badan oo dunida ka caan ah (celaberties), hoteelku waa mid kasbaday quluubta dadka qaniga ah, isaga oo hoy u noqday inuu marti galiyo shirar siyaasadeed, dhaqaaleed oo ay isku arkeen dad hodan ah iyo dad dunida ka caan ah. Hoteelku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray marti galinta siyaasadah dunida ka dib dagaalkii labaad ee dunida, waxa uu noqday goob xadhko badan laga xidho wakhtigii dagaalka qabow, sanadkii 1949 kii ayuu marti galiyay shir muran badan dhaliyay oo ahaa kulankii Nabad aduunka (World peace Conference), kaas oo siyaasada shuuciyada ku abtirsataa ay aad u durtay.

laga soo bilaabo sanadkaas 1949kii waxa maamulka hoteelka la kala wareegtay dhawr maamul oo ay ka mid ahaayeen, HILTON HOTEL COOPERATION, LEE JABLIN oo galisay dayactir ka badan 150 million oo dollar, sanadkii 2014 waxa iibsatay Anbang Insurance Group oo bixisay lacag dhan 1.95 billiyan dollar taas oo ka dhigaysa hoteelkii ug qaalisanaa abid ee dunida lagu kala iibsaday. la wareegida shirkada Anbang ee china laga leeyahay waxay welwel galisay diblamaasiyiin iyo siyaasiiyiin badan oo Maraykan ah dhanka amaanka isgaadhsiineed ee hoteelka.

Hoteelka Wolford-Astoria waa hoteel ka kooban 1,416 qol oo kala ah 208 ah meelo si gaar ah loo kiraysto, laga bilaabo 28aad ilaa 42aad waxa ku yaala 115 meelood (suites) oo iyana si gaar ah loo kirayso kana kooban 181 qol. meelo badan oo hoteelka ka mid ah waxa loogu magac daray dadkii caanka ahaa ee dagaan muddooyin badan, sida Cole porter suite, the royal suite oo looga jeedo boqorkii Boqortooyada ingriiska, Churchill suite raysalwarihii hore ee ingriiska, MacArthur Suite oo isna ahaa genaraal maraykan oo magac weyn ku lahaa dagaalkii labaad ee dunida. Si kastaba ha ahaatee, Hoteelka meelaha uga qaalisani waa qaybta Madaxweynaha oo markii u horaysay uu dagay Herbert Hoover Madaxweynihii 31aad ee Maraykan (1929 - 1933), waxa uu dagaan oo ay gaar u ahayd in ka badan 30 sanadood, waxa kale oo isna sidan oo kale lahaa heesaagii Frank Sinatra.

Hoteelkani maaha ka ugu waaweyn dunida marka dhanka baaxada la eego, lakiin waa mid ka mid ah kuwa ugu magaca iyo sumcada badan dunida, ama sida uu leeyahay siyaasi jamhuuri ahi, Woldorf-Astoria ma jiro waxa u dhigma, taas waxa aad ku garanaysaa dadka caanka ee soo booqday ama dagnaaba in badan, waxa ka mid ahaa, Dalai Lama, Li Hung Chang, Boqorkii Iran ee Shahan Shah iyo Boqoradii Carmalka ahayd ee Empress Farah, Boqorkii Denmark Frederick IX, iyo boqoro faro badan oo reer yurub ah, boqor xuseenkii Urdun, Boqorada Ingriiska II, iyo Madaxweynayaal iyo dad dunida caan ka noqday.

Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Lagu arkay Hoteelkan waxa ka mid ah, In Fidel Castro Madaxweynihii Cuba uu soo booqday isaga oo wata 100 digaagadood oo aan cid sidaas u eegi karin, waxa uu dajiyay qaybtii gaar u ahayd ee uu kiraystay. Waxa kale oo iska caan ah in marka qof maal qabeen ah ama siyaasi magaca leh uu kiraysto goob in xataa dhismaha wax laga badli karo oo sida uu doono looga dhigi karo, tusaale ahaan Henry Kissinger-kan aynu u socono uu dalbadat in dhaaman laga saaro qalabka lagu qurxiyay ee farshaxanka taariikhga ah qaybta waxa uu dalbaday in goobta uu gaarka u dagan yahay lagu sameeyo 36 miis oo ay isticmaalaan shaqaalihiisu lagan saaro dhamaan wax kale oo dhan. Isku wadda duuboo, Hoteelku waa goob dad badan oo kala taariikh ahi ku kulmaan, waan goob sirdoon badan oo dunida ka kala socdaa ay gaafwareegaan.

Ku soo noqo Kulankii Siyaasiinta Somalida iyo kuwa maraykan, Sababta aynu u doornay sharax hoteelk waa in aynu faham guud ka qaadano goobta lagu kulmay iyo xidhiidhka ay la leedahay nuxurka wada sheekaysiga ah, sidoo kale doorka sirdoon ee ay ku leedahay midowga soofiyeeti, itoobiya iyo dawladdaha reer galbeedka dhamaantood, ama si guud goobta iyo sida looga warhayo cida soo gasha ama ka baxda… aynu bal haddaba eegno siduu u dhacay kulanku.

La soco qaybta 2aad iyo nuxurka kulankaas…

Tixraac:

- Memorandum of conversation Kissinger and Kasim October 1976, declassified May 2006
- Letter sent by president Siyad barre to President Gerald Ford 9 January 1976. National achieves of Gerald Ford Library 

W/Q: Cabdiqani Maxamed Cige.


Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA