Posts

Showing posts from June, 2015

Qisadii Kunka Diinaar iyo damaaciga..!

Image
Mar kasta oo aad dhugato baalasha iyo bogga taariikhda dunida, mar kasta oo aad dabciga dadyawgii dunida soo maray dib ug fiirsto waxaad helaysaa qisooyin Cajab badan oo aan damaaciga ka madhnayn. Qisadan kooban waxaynu ku eegi doonaa nin damacu la galay xoolo nin kale leeyahay oo isu waalay dharkana u jeexjeexay sidii uu ku heli lahaa maalka ninkaas. Soomalida ayaa ku maahmaada " hebal waa xool cir doon" intuu kuwii dhulka dhaafay ayuu cirka damacu la koray, waxaan filayaa inay tahay sifayntii ama tilmaamidii ugu saraysay ee damaaciga lagu astayn lahaa, inta uu xoolihii dhulka oo dhan dhaafay ayuu doonay wixii cirka sare yaalay, alla ninku damaacisanaa, waxaan ku rajo weynahay in aanay jirin luuqad kale oo damaaciga sidaa u sifaysay in aanay jirin, waa arin u baahan daraasad qoto dheer in lagu sameeyo luuqada soomaliga iyo sifaynaha ay leedahay.     Qisadan waxa soo saaray Imam Al-Cajluuniyi kitaabkiisa "Al-fawaa'id Aldarariya" waxa sidoo kale