Posts

Showing posts from March, 2017

DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:

Image
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay Qaybta 1aad Wakhtigu waa goor galab ah, saacaduna waa afartii oo rubuc dhiman, waa bishii oktoober ee sanadkii 1976 -kii, waxa balansan wafti dawladda Soomaliya ka socda iyo masuuliyiin Maraykan ah, goobtu waa goob khaas ah (Apartment) oo ku taala hoteelka caanka ee Waldorf-Astoria ee magaalada New York, goobtani waxay gaar u tahay xog-hayah Arimaha dibada Maraykanka Henry Kissingerm, kaas oo kulmada gaarka ah ku qabsada, waa meel u gaar  ah xoghayaha iyo shaqaalihiisa oo kaliya.  Siyaasiinta Soomalida ee kulanka ku sugani waxay taageero u raadinayaa in dawladda maraykanku ay taageerto in dadka Soomaliyeed ee ku hoos jira xukunka itoobiya ay hesho xornimo iyo in kor loo qaado xidhiidhka Soomaliya iyo dawladda Maraykanka. Kulanku waa mid si qarsoodi loo diyaariyay, waxa uu ku soo beegmay wakhti ay kacsan yihiin xiisada siyaasadeed ee waddamada Soomaliye iyo itoobiye, waxa soo uraya saansaanta dagaalkii 1977kii dhexmaray Soomaliya iyo itoobi