Posts

Showing posts from May, 2017

Waraabaha iyo siyaasigu xagay iska shabahaan?

Waraabaha iyo siyaasigu xagay iska shabahaan? Bulsho kasta oo dunida ku nooli waxay la falgashaa hab-nololeedka deegaan ee ay ku nooshahay, kaasna waxa laga dheehdaa marka la darso hab-dhaqankeeda iyo suugaanteeda taas oo ay ku tilmaansanto nolosheeda, isguna gudbiso fac ka fac. Soomalidii hore ee raacatada ahayd waxa ugu badan ee qofku maalintii iyo habeenkii arko ama maqloba waxay ahaayeen dhir iyo xayawaan, taas waxa sabab u ah in xaywaanku halis ku ahaa noloshooda iyo jirtaankoodaba. Libaaxa, waraabaha, dacwada, xuushada, biciidka iyo boqolal xaywaan oo kale ayay siyaabo kala duwan ugu sifeeyaan hab-dhaqankii ay kala kulmeen intii ay ku wehelka la ahaayeen, taas oo ay ku cabireen sheekooyin ama suugaanba. Waraabaha oo ka mid ah xaywaanka ay Soomalidii hore ay aad u baratay hab-dhaqankiisa iyo qaabka uu u noolyahay ayay ku sheegaan in uu leeyahay sifooyin ay ka mid yihiin, nacasimo, hunguri weyni, kaligii noole, dantiisa oo u adeegsado waraabahayaasha kale iyo qaar kale oo ayn