Gorfeyn

Gorfeyn: Buugga “Culuumta Maansada”

Suugaantu waa meel lagu cabiro tagtada iyo timaadada nolosha, Sugaanta soomalidu waxay in badan ku jirtay kaydna u ahaa quluubta suugaanyahanka soomaliyeed ee ku kala sugan inta soomali dagto, halkaas ayaa lagu hayn jiray, la isku waydaarsan jiray ilaa lakala dhaxlo qarniba qarniga ka danbeeyaa, waxay u ahayd dadka soomaliyeed aalad xog is waydaarsi, xikmad kala barasho, xaalad abuurid, xalin colaadeed iyo xulasho xuural-cayn dumar. Suugaantu waxay dhaxal ma guuran u ahayd una tahay Afka iyo ilaalintiisa.

Somalidu waxa in badan la odhan jiray waa bulsho aan lahayn kayd taariikheed oo qoran iyo  kayd suugaaneed oo qoran, lakiin waxay leeyihiin kayd maskaxeed oo qiimo badan.

Buugga uu magaciisu yahay “Culuumta Maansada” ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi” Waxa uu ka mid yahay buuggagta ugu qiimaha badan ee laga qoray suugaan soomaliyeed, waa buug soo kordhinayo waxyaabaha badan oo suugaantu leedahay, waxa uu si weyn uga duwan yahay buugaagtii laga qoray mawduuca Maansada ee hore loo daabacay, waxaanan aragtidayda -oo isla buuggan hore loogu daabacay- ku aaddan buuggan ku salaynayaa dhawr qodob oo kala ah.



Kulminta Mawduucyada Kala Geddisan ee Maansada: Buugaagtii hore looga qori jiray mawduuca maansadu, waxa ay ahaayeen qaar inta badan xoogga saara si waafi hana u lafagura mawduuc ka mid ah mawduucyada maansada, sida: ujeedada maansada loo tiriyo, miisaanka maansada IWM, laakiin buuggan Culuumta Maansadu waxa uu si qotodheer ugu gondodaadagay inta ugu badan ee mawduuc maanso ee buug qudha lagu kulmiyo, isaga oo buuggani cilmi waafi ah ka qoray Qeexidda iyo Shardiyada Maansada, Maansada iyo Doorka ay kaga jirto Taariikhda, Hanaqaadkii Maansada, Miisaanka Maansada, Maansada iyo Adeegsiga dareenada, Humaagaynta ama af-maldaha maansada, iyo badaha maansada.

Sidaas daraadeed buuggani waxa uu noqonayaa mid lagu tilmaamo karo “ Iftiimiyihii cilmiga Maansada, aqoonsidhii iyo u-abtiriyaha Maansada”, waana buug hage u noqon doona dad badan oo ka mid ah dadka  doonaysa in ay bartaan, ama ay wax ka qoraan Culuumta Maansada.

Badaha Maansada iyo Magac-bixintooda: Qoraha Buuggu waxa uu buuggan ku kulmiyay badihii maansada ee ugu faraha badnaa, ee inta aan arkay abidkeed lagu kulmiyo buug-maanseed, isaga oo qoruhu meel isugu keenay 29 badood oo ka mid ah badaha maansada, inta aan ogahay buugga ugu badan ee  hore u qoray badaha maansadu, waxa uu qoray 15 ka mid ah badaha maansada, waxaanad arkaysaa in badaha-maanseed ee uu buuggani xusay ay ugu dhawaan ku labanlaabmayaan badaha maansada ee ay qoreen buugaagtii hore loo qoray.

Qoruhuna waxa uu inbadan isku taxalujiyay, ku dadaalay, wakhti baddana ku bixiyay sidii uu ablabalayn ugu samayn lahaa badaha maansada, isaga oo maanso walba ku arooriyay badda ay ku sargo’an tahay, halkaasna waxa aad ka arkaysaa in uu buuggani noqon doono “Ilayskii Badaha Maansada Soomaaliyeed”.

Waxa uu sidoo kale qoruhu u magac-bixiyay dhamaan badaha maansada ee uu qoray, isaga oo badihii aan magaca lahayn u bixiyay magaca maanso ka mid ah maansooyinkii ay baddaasi caanka ku ahayd, taasina waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadan doontaa in si hawlyar loo kala hormeeyo badaha maansada, maanso walbana lagu daro badda ay ku abtirsanayso.

Allifida Halbeegyada Maansada: Waxyaabaha ugu muhiimsan Cilmiyada cusub ee lagu daahfuray qoraalka buuggan, waxa koow ka ah “ Curinta Hal-beegyada Maansada”, Qoraha buugguna waxa uu bad kasta oo ka mid ah badaha Maansada ku arooriyay, hormoodna uu uga dhigay, tuduc noqon doona hal-beeg ka mid ah hal-beegyada lagu cabbiro badaha Maansada.

Tuducyada hal-beegga u ah badaha maansada waxa hore u jiray tuducyada lagu cabbiro badaha Gabayga, Buraanburka, Heellada, Waraabka, iyo dhawr tuduc oo ah hal-beegyo-maanseed uu curiyay Abwaanka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHN).
dhamaan tuducyada kale ee lagu cabbirayo badaha Maansada ee buuggan ku xusanina waa qaar ka soo maaxday maskaxda iyo maanka qoraha buuggan, oo garaadka in badan ka shaqaysiiyay, soona saaray tuducyadaas hal-beegga u noqon doona badaha kala geddisan ee maansada.

Allifitaanka tuducyada hal-beegga u ah maansada waxa sahlay awooda hal-abuurnimo ama abwaanimo ee uu leeyahay qoraha buuggani, waa Siciid Maxamuud Gahayr, oo marka laga yimaado hibadiisa qoraanimo ah abwaan curiya maansooyin kala geddisan, kuna guulaystay kaalmaha koowaad iyo labaad ee tartan suugaaneedyo dhawr ah oo ka dhacay Hargeysa iyo Pakistan, taas aawadeedna waxa uu qoraha buuggani istaahilaa  culuumta maansada ku soo kordhiyay allifida qaar badan  oo ka mid noqon doona halbeegyada maansada.

Raadinta Asalka Erayada: Buuggan waxa ku xusan asalka ay ka soo jeedaan erayo-suugaaneedyo farabadan oo ay ka mid yihiin Gabay, Maanso, Buraanbur, Baarcadde iyo qaar kaleba, taas oo si bayaan ah daaha uga qaadaysa meelaha ay ka soo jeedaan, lagana soo minguuriyay erayo-suugaaneed farabadan.

Guud ahaanna waxa uu buuggani fure hordhac ah u noqon doonaa sidii si cilmiyaysan oo ay aqooni ku dheehan tahay loogu qori lahaa suugaanta badweynta ah ee ay qaniga ku tahay ummada Soomaaliyeed, qoraha buugguna waxa uu mudan yahay in lagu hambalyeeyo dedaalka wax ku oolka ah ee uu muujiyay intii uu ku gudojiray qoraalka Buuggan “Culuumta Maansada”, dedaalkaas oo ay aniga ka horba ka maragfureen dhalinyaro aqoonyahano ah, Abwaano,  iyo Qoraayo caan ah oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”(AHN), Maxamed Xirsi Guuleed, Jamaal Cali Xuseen, Axmed Aw Geeddi, Muxumed Cali “Masmas” iyo Cabdishakuur Xaaji Maxamuud Muuse “Heersare”.


Allah Mahad Leh



Abdiqani Mohamed Ege

Xubin ka tirsan Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhista (ERA)
Education And Research Academy (ERA)








Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA