Posts

Showing posts from August, 2016

Heshiiska wareejinta Dekada Berbera -> Falanqayn Madax-banaan (Qaybtii 4aad)

Image
Qoramadeenii hore waxaynu ku soo qaadanay heshiiska ‘Concession’ ka ah waxa uu yahay, waxaynu faaqidnay qaabka loo galay heshiiskan iyo habka loo marayo wareejinta dekada berbera, cid lagu wareejinayo dekada, waxaynu soo xusnay in dekada berbera lagu wareejinayo kambani ay labadda dhinac wada leeyihiin kaas oo saami qaybsigiisa lagu heshiisay. halkan ka eeg qormooyinkii hore [ Qaybtii 1 & 2aad ] [ Qaybtii 3aad ] Waxa kale oo aynu soo xusnay in heshiiskan ‘Concession”ka ahi ka kooban yahay 37 qodob kaas oo aynu sadex qodob soo qaadnay, oo kala ahaa 1) dhinacyada heshiiska (Parties) 2) Mashruuca(project) ama shaqada lagu heshiisay in la qabto waxa ay tahay iyo 3) wakhtiga bilaabida hawsha (commencement date), haddii alle idmo qormadeenan halkaas ayaynu ka sii qaadi doonaa. 4) Ku kali ahaanshaha Mashruuca (Exclusivity) -> Qodobkani waxa uu tilmaamayaa in aan cid kale la siin Karin mashruuc dakadeed oo la mid ah kana lagu heshiiyay inta ay dekada beriberi gaashay 75% isticmaa

Heshiiska Wareejinta Dekada Berbera -> Falanqayn Madax-banaan {Qaybtii 3aad}

Image
Qoraalkeenii hore waxaynu ku soo eegnay heshiiska Isfahan [Memorandum of understanding] ee dhexmaray Dawladda Somaliland iyo Dawladda Imaaradka Carabta. [ Halkan Riix ] Heshiiskaasi nuxurkiisu waxa uu ahaa iskaashi dhinacyo badan ah [areas of Cooperation] oo labada Dawladdood ah kana kooban 8 meelood oo ay baahi weyn u qabto Somaliland in lagala shaqeeyo, meelahaasi waxa ka mid ahaa beeraha, Shaqaalaynta, Tamarta, kaydinta shiidaalka, horumarinta warshadaha, Dekadaha, wadooyinka iyo dalxiiska. Meelahaas ayaa lagu heshiiyay in laga wada shaqeeyo, waxa kaloo heshiisku xusay in Dp-world oo ah shirkad weyn oo fadhigeedu yahay Magaalada Dubai, ay noqto fuliyaha koowaad ee heshiiskan si ay tusaale soo jiidasho leh ugu noqto ganacsatada reer Dubai. Qodobka 6aad ee heshiiskaas oo tilmaamaya in Dawlada Imaaradku ay Somaliland ka taageerto maalgalinta Dekada berbera ayaa ah ka ilaa hadda fulay, kaas oo Dawladda Somaliland iyo Dp-world ay kala saxeexdeen heshiis hordhac ah. Haddaba Hesh