Posts

Showing posts from July, 2016

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Image
Afeef: Qoraalkan koobani waa mid madax banaan, si guud iyo si gaar ahbana u qiimaynaya heshiiska is fahan ee dhexmaray Dawladda Imaaradka Carabta iyo Dawladda Somaliland, sidoo kale qoraalkani waxa sal u ah qoraalka soo gaadhay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland.[Qoraalka oo yara dheer ka raali noqo] Hordhac: Dekada Magaalada Berbera waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ilaha dhaqaalaha ee somaliland leedahay, Dekadu waxay ku taalaa goob muhiim ah marka la eego khariiradda juquraafiyadeed ee Somaliland dhacdo, waxa intaasba ka sii wanaagsan, Dekadu waxay wax siin kartaa dadyow badan oo geeska afrika ku nool sida Somaliya iyo dal weynaha Itoobiya. Fursadaha ugu waaweyn ee Dekadu leedahay waxa ka mid ah in ay 80 milyan in ka badan ay fursad u haysto in ay wax kala soo dagi karaan, kuwaas ay dhaqaalahoodu xawli ku socod. Dekada waxa markii ugu horaysay dhisay Midawgii soofiyeeti, waxa isna mar danbe balaadhiyay waddanka Maraykanka. Dekadu dhaqaalaha soomaliland wax weyn