Posts

Showing posts from April, 2017

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA

Image
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay:  Qaybtii 3aad "Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro, dhacart jiilaale Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraa Hays dhigan nin nooloow hiddaadu, waysu dhimataaye" Hadraawi, dhul gariir. Qoramadeenii 2aad waxay inoo joogta iyada oo doodii u dhaxaysay Xoghayihii Arimaha dibada Maraykanka Mr. Henry Kissinger (September 22, 1973 – January 20, 1977) iyo Wasiirkii Macdanta iyo biyaha Soomaliya Muddane Xuseen Cabdiqadir Qaasim ay dood culus jilbaha is dhigeen, Muddane Qaasim waa ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya, waxay doodii qoramadeenii labaad inoo joogta iyada oo Kissinger uu su’aal galiyay dhulka Soomali galbeed iyo sheegashada dawladda Soomaliya, taas oo uu si fiican u sharaxay Wasiir qaasim, waxa kale oo Kissinger uu dooda Soo galiyay dhulka Kenya haysta ee Waqooyiga Kenya ee NFD loo yaqaano, waa kan Kissinger oo su’aal ku tuuray wasiir qaasim; Kissinger: Wax

DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:

Image
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay:  Qaybtii 2aad Qoramadeenii hore ( halkan ka eeg )waxaynu soo ku soo qaadanaynay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dhexmaray labadal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, waxaynu soo tibaaxnay in siyaasada arimaha dibada ee Soomaliya ay ug digo rogtay inay dhex ka ahaato loolanka quwadaha dunida (non-alignment policy) taasna uu Madaxweyne siyaad barre u xaqiijiyay 9kii Janaanyo 1976 Madaxweynihii Maraykanka.  Dawladda Kacaanka ee Soomaliya waxay qaadatay hanti wadaag, waxayna xulufo la gashay midowga soofiyeeti taas oo ay taageero ciidan iyo saanado ciidan oo faro badan kaga heshay midwoga soofiyeeti, wakhtigaas waxa la isla ogal yahay in dawladda Soomaliya ay ka ciidan iyo qalab fiicanayd waddanka itoobiya oo maraykanku taageeri jiray. Siyaasiiyinta iyo diblamaasiyiinta Soomalidu iyga oo taas og ayaa kulankana qarsoodiga ah kaga qayb galeen, sida la qiyaasi karo ama ay tibaaxayaan wararka sirdoonka ee midowga soofiyeeti waxa hoteelka dagan ama joog