Posts

Showing posts from 2014

Sheeko Gaaban: Dhaqan wacan dhab Hooyaa laga bartaa.

Image
Nolashu way wajiyo badan tahay, wayna imtixaano badan tahay. Marka uu kula kulmo imtixaan nolosha ku saabsan ayuu soo baxaa qofka aad tahay, sida aad u maarayso ayaa inta badan tilmaanta cida aad ka tirsan tahay. Waxa jira qisooyin badan oo imtixaanka nolosha ka warama, sida sadexdii nin ee reer binu Israa'il iyo imtixaankii nolosha ee ay soo mareen, waxa ka mid ahaa nin Alle swt Maal siiyay oo xumaan kaga doonay gabadh baahi nololeed u keentay. Lakiin markii danbe Alle xasuusisay oo sidaa kaga badbaaday fitnadaas. Abdiqani Ege Qisadan yar ee hoose waxay ku saabsan tahay imtixaan nolosha ah oo kulmiyay xanuun hooyo iyo baahi lacageed oo aanay lahayn, waa maalmo soo maray Amal iyo hooyadeed oo xusuustooda mudan;Amal waa gashaanti yar oo agoon ah oo suuqa ku iibisa xalwada iyo bagaashka yaryar oo ay ehelkeedu ka raadsadaan nolol maalmeedkooda, waxa uu aabaheed geeriyooday iyada oo yar, waxay ku barbaartay dhabta iyo dhididka hooyadeed macaan ilaa ay noqotay gaashaan qaad lagu n

Biyaha Afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada

Image
Amuuraha aduunyada ayaa iska badane, bari ayaa nin iyo afadiisii mahadho dhex martay, duqa reerku waxuu ahaa waayeel  kaalintii raganimo, Odaynimo iyo masuulnimo si wacan u qaatay kana soo baxay xilkii uu  20 Gu’ ka hore ku gudoomay geedka hadhka weyn ee gabdhaha beesha lagu kala gudoomo. Xaaji Casar waa dhaqan yaqaan in badan laga yaqaan deegaanka beeshu dagto, waxa loogu xusuustaa Gartii uu laba Gu’ ka hor ku xaliyay khilaaf soo kala dhex galay lab raasoo ood-wadaaga ah, waa waayeel sayn cadaa ah oon dabadii hadal la furin, Malaha taas waxa xan hoose lagu yidhaa laguna majeertaa talada iyo garashada dheer ee afadiisa caqliga badan ku siiyo guriga. Xaaji Casar & dahabo cadar  maalintii loo mashxaraday ilaa maanta oo tintu cadaatay khilaaf sooma kala dhex galin iyagoo taas in badan ku mahadiya Eebe. Reer Casar waa qoys  maal aduun leh, guunyo xoolaadna bixinteeda aan lagu xaman, Dahabo cadarna gacan furnaanta odaygeeda waa mid ku dhiirisa mar walba,  hadaba amuuraha ad

Kalmad ayaa noloshiisa Gadisay.!

Image
Waxay ahayd ku sinaan badhtamihii 2005 tii mar aan fasax gaaban ku jooga deegan miyi ah, waa wakhti aan dhameeyay waxbarshadii Dugsiga Sare isuna diyaarinayay bilowga Jaamacad. Habeen habeenada ka mid ah ayaa sheekh kitaab Fiqi ah Masjidka Tuulada noogu marin jiray aniga oo meesha safar ku ahaa iyo ninka kale oo deegaan ahaa, ayuu sheekhu iga codsaday in aan dhalinyarada Tuulada wixii laga heli karo isgu yeedho Masjidka Bacda Maqrib si waano iyo wacdi loogu jeediyo, Kitaab yar oo Caqiido ahna loogu bilaabo cidii diyaar u ah, Intii Alle  Swt iga waafajiyay ayaan u yeedhay habeenkaas waano iyo wacdi ayuu sheekhu ku akhriyay una soo bandhigay kitaab uu rabo inuu bilaabo, hawraarsan ayay ku qaabileen dalabkii sheekha. Goortii kulanku gabogabo ku dhawaa ayuu sheekhii kalmad dardaarna ah iga codsaday maadaama aan ka yara weynaa dhalinyarada goobta joogtay, maan badinine  waxaan ku soo koobay "saaxiibayaal maanta sidaad u dhaqanto, u fakarto, una barato cilmiga maadi iyo diinib

Turkey: Siraha Qarsoon.!

Image
“ kullan sir ah oo dhex maray Madaxweynihii Turkiga Kamel At-turk iyo Danjihii Ingriiska u fadhiyay Istanbul wakhtigaas Sir Precy” Summada Qofnimo ee aad leedahay waxay ku xidhan tahay cidda aad tahay, cidda aad u hayb sheegato, waa ta aakhrika ku dhaxalsiisa in aad si dhab ah u jeclaato waddankaaga kuguna beerta waddaniyada dhab ah. yaraantaadii ilaa maanta oo tintu ku cadaatay kuna soo dhex jirtay xaaladda ah jeclaansho waddaniyadeed  way adagtay in aad si sahal ah uga guurto kuna badlato waxa ka qiimo liita, haddaba sidee qof uga tanaasulaa qiimihii wadankiisa uguna hibeeyaa cid aan ehel u ahayn, qisadani waa mid ka waramaysay qiimo umaddeeda oo qof kale loo hibaynayo.  Bogga taariikheed waxa kaa yaabiya ma waydid, marka aad mid aragtaba tii hore ayay ku ilawsiinaysaa sida ay u kala cajiib san tahay darteed, waana sidaa ilaa giraanta taariikhdu ka istaagayso. Waxa qalinku isdultaagi doonaa mid ka mid ah taariikhda diblamaasiyada kuwa ugu cajabta badan, looguna qari

Taag Lahaw ama Tab iyo Xeel

Image
Bulshadu kala mudan, Maskax Maal mar buu ka mudan yahay mid Maal la yuururra, marka uu wakhti ku haboon iyo goob ku haboon Maskaxda tuujiyo Murgiyo dhib jira ama soo socta bulshadiisa ku dhaafiyo ama gaarad sare ugu hogaamiyo barwaaqo iyo horumar. Isku xidhnaanta bulshadu waxay kobcisaa aqoonta iyo horumarka deegan kasta oo degal wad yaal, sida bulshadeenii Miyigu u ilaalin jirtay gaaradka ubadkooda yar yar waxa kaaga filan in aad dhugato sheekooyinka xusuusteen ilaa hada ku jira ee aynu wada naqaano, waa xusuus wadareedka aynu wada leenahay. Talow Maanta maxaa lagu maaweeliyaa caruurteen? Wali ii maqan maaweeladoodu?   Ma looga sheekeeyaa sheekooyinkii xiisaha badnaa ee adiga awowgaa kaaga sheekayn jiray markii aad yarayd? Waa ta ilaa hada aad xusuusan tahay. xusuus waddareedka dadka soomaliyeed waa meelaha ugu hodansan ee ay leedahay bulshada ku hadasha afka soomaligu, xusuus waddareedku waa dhacdooyin ay dadka soomaliyeed wadaagaan, xusuustaasi waxay noqon kartaa