Posts

Showing posts from 2015

Qisadii Kunka Diinaar iyo damaaciga..!

Image
Mar kasta oo aad dhugato baalasha iyo bogga taariikhda dunida, mar kasta oo aad dabciga dadyawgii dunida soo maray dib ug fiirsto waxaad helaysaa qisooyin Cajab badan oo aan damaaciga ka madhnayn. Qisadan kooban waxaynu ku eegi doonaa nin damacu la galay xoolo nin kale leeyahay oo isu waalay dharkana u jeexjeexay sidii uu ku heli lahaa maalka ninkaas. Soomalida ayaa ku maahmaada " hebal waa xool cir doon" intuu kuwii dhulka dhaafay ayuu cirka damacu la koray, waxaan filayaa inay tahay sifayntii ama tilmaamidii ugu saraysay ee damaaciga lagu astayn lahaa, inta uu xoolihii dhulka oo dhan dhaafay ayuu doonay wixii cirka sare yaalay, alla ninku damaacisanaa, waxaan ku rajo weynahay in aanay jirin luuqad kale oo damaaciga sidaa u sifaysay in aanay jirin, waa arin u baahan daraasad qoto dheer in lagu sameeyo luuqada soomaliga iyo sifaynaha ay leedahay.     Qisadan waxa soo saaray Imam Al-Cajluuniyi kitaabkiisa "Al-fawaa'id Aldarariya" waxa sidoo kale
What are the effects of democracy and authoritarianism on development? Paper Study This Essay paper is submitted in partial fulfillment of the Master of Arts Governance and leadership. Abdiqani Mohamed Egeh Introduction: Development is a hot issue in the academic debates, Scholars rise many academic questions relating to developments including the meaning of development? and why some countries developed and other underdeveloped? Does the political system like democracy and authoritarian bring in development? Does Democracy lead a development or does economic development first before democracy? These questions and many other academic questions surrounding the development issue are on the debate. Therefore this paper does not answer many of these questions but here I would like to present the effects caused by two prominent political systems of the world, Democracy and Authoritarianism.  In this short easy we would like to focus on ways of effects they had in developme

Wasiirkii qurba jooga ahaa iyo ardaydii saadaasha wacnayd.

Image
     Waxa lagu jiray wakhti aad loo hadal hayay safar uu madaxweynu muddo ugu maqnaa cariga Ingiriiska, waxa safarka Madexweynaha  la socday koox wasiiro ah oo aad muhiim ugu ah xukuumadiisa. Sidoo kale Intii madaxweynuhu dalka ka maqnaa waxa aad loo hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirada, saami fiicana ka siin doono qurba joogta. Waa wakhti ay aad u kacsan tahay seefta mucaaradku oo fartii ay dawladu qaadaba ay dhaliilo xanaf leh ay daba dhigayaan, haddaba markii uu madaxweynuhu dib uga soo laabtay safarkaas muddada qaatay waxuu u sheegay  saxaafada sidii loogga bartay inuu guul ugu soo dhamaaday oo ay qadiyadii soomaliland gaadhsiiyeen madaxdii Midawga Yurub. Safarkaa Madaxweynaha Waxa la socday oo dalka u soo raacay qurba joog aad u badan oo dano kale duwan u socday, qaar mashaariic iyo dhaqaalo raadis ah, qaar mansab iyo wasiir raadis ah iyo qaar indho indhayn iyo dano kale u yimid. Mid ka mid ah qurbo joogtaa maalintaa dalka timi iyo koox