Posts

Showing posts from December, 2017

Trust, but Verify" -- weedh taariikhda gashay

Weedhan "Trust, but Verify" waa mid ka mid ah weedhaha taariikhda galay, fahankeeda iyo hab adeegsigeeda tolmoon ayaa sabab u noqday inay caan dunida ka noqto meelo badana loo adeegsado. Weedhan waxa ciwaano looga dhigay buuggaag iyo qoraale badan oo la daabacay, Tusaale ahaan "David T. Lindgren" ayaa ciwaan uga dhigay buuggiisa "Trust But Verify: Imagery Analysis in the Cold War. Ed. 2001" oo uu kaga hadlayo sida farsamooyinkii khiyaaliga loogu matalay ay saamayn ugu yeesheen siyaasada arimaha dibada Maraykan taasoo ka caawisay in ay horumiyaan farsamooyinkooda basaasida, dayaxgacmeedyada iyo qalabyada ciidamadaba ee kala duwan. sidoo kale waxa lagga sameeyay qoraalo badan ( academic papers) oo ku saabsan hababka fudud ee naftaada iyo shirkadaadaba looggaga hortago in loo dhaco emiladooda, waxa kale oo weedhan ay noqtay mid ka mid ah kuwii samaayeey inuu joogsado dagaalkii qaboobaa (cold war) ee Maraykan iyo Soofiyeeta u dhexeeyay. Weedhan "