Posts

Showing posts from 2016

Heshiiska wareejinta Dekada Berbera -> Falanqayn Madax-banaan (Qaybtii 4aad)

Image
Qoramadeenii hore waxaynu ku soo qaadanay heshiiska ‘Concession’ ka ah waxa uu yahay, waxaynu faaqidnay qaabka loo galay heshiiskan iyo habka loo marayo wareejinta dekada berbera, cid lagu wareejinayo dekada, waxaynu soo xusnay in dekada berbera lagu wareejinayo kambani ay labadda dhinac wada leeyihiin kaas oo saami qaybsigiisa lagu heshiisay. halkan ka eeg qormooyinkii hore [ Qaybtii 1 & 2aad ] [ Qaybtii 3aad ] Waxa kale oo aynu soo xusnay in heshiiskan ‘Concession”ka ahi ka kooban yahay 37 qodob kaas oo aynu sadex qodob soo qaadnay, oo kala ahaa 1) dhinacyada heshiiska (Parties) 2) Mashruuca(project) ama shaqada lagu heshiisay in la qabto waxa ay tahay iyo 3) wakhtiga bilaabida hawsha (commencement date), haddii alle idmo qormadeenan halkaas ayaynu ka sii qaadi doonaa. 4) Ku kali ahaanshaha Mashruuca (Exclusivity) -> Qodobkani waxa uu tilmaamayaa in aan cid kale la siin Karin mashruuc dakadeed oo la mid ah kana lagu heshiiyay inta ay dekada beriberi gaashay 75% isticmaa

Heshiiska Wareejinta Dekada Berbera -> Falanqayn Madax-banaan {Qaybtii 3aad}

Image
Qoraalkeenii hore waxaynu ku soo eegnay heshiiska Isfahan [Memorandum of understanding] ee dhexmaray Dawladda Somaliland iyo Dawladda Imaaradka Carabta. [ Halkan Riix ] Heshiiskaasi nuxurkiisu waxa uu ahaa iskaashi dhinacyo badan ah [areas of Cooperation] oo labada Dawladdood ah kana kooban 8 meelood oo ay baahi weyn u qabto Somaliland in lagala shaqeeyo, meelahaasi waxa ka mid ahaa beeraha, Shaqaalaynta, Tamarta, kaydinta shiidaalka, horumarinta warshadaha, Dekadaha, wadooyinka iyo dalxiiska. Meelahaas ayaa lagu heshiiyay in laga wada shaqeeyo, waxa kaloo heshiisku xusay in Dp-world oo ah shirkad weyn oo fadhigeedu yahay Magaalada Dubai, ay noqto fuliyaha koowaad ee heshiiskan si ay tusaale soo jiidasho leh ugu noqto ganacsatada reer Dubai. Qodobka 6aad ee heshiiskaas oo tilmaamaya in Dawlada Imaaradku ay Somaliland ka taageerto maalgalinta Dekada berbera ayaa ah ka ilaa hadda fulay, kaas oo Dawladda Somaliland iyo Dp-world ay kala saxeexdeen heshiis hordhac ah. Haddaba Hesh

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Image
Afeef: Qoraalkan koobani waa mid madax banaan, si guud iyo si gaar ahbana u qiimaynaya heshiiska is fahan ee dhexmaray Dawladda Imaaradka Carabta iyo Dawladda Somaliland, sidoo kale qoraalkani waxa sal u ah qoraalka soo gaadhay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland.[Qoraalka oo yara dheer ka raali noqo] Hordhac: Dekada Magaalada Berbera waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ilaha dhaqaalaha ee somaliland leedahay, Dekadu waxay ku taalaa goob muhiim ah marka la eego khariiradda juquraafiyadeed ee Somaliland dhacdo, waxa intaasba ka sii wanaagsan, Dekadu waxay wax siin kartaa dadyow badan oo geeska afrika ku nool sida Somaliya iyo dal weynaha Itoobiya. Fursadaha ugu waaweyn ee Dekadu leedahay waxa ka mid ah in ay 80 milyan in ka badan ay fursad u haysto in ay wax kala soo dagi karaan, kuwaas ay dhaqaalahoodu xawli ku socod. Dekada waxa markii ugu horaysay dhisay Midawgii soofiyeeti, waxa isna mar danbe balaadhiyay waddanka Maraykanka. Dekadu dhaqaalaha soomaliland wax weyn

Falanqaynta Qabyo-qoraalkii xubinimada Qaramada Midoobay loogu ogalaaday Soomalida (Former Italian Somaliland and British Somaliland). Q1aad

Image
Nuqul qabyo-Qoraal ah oo ka kooban 25 bog oo ay si wada jir ah u diyaariyeen dalalka Talyaaniga, boqortooyada ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo waddanka Tuuniisiya {oo ahayd xubinta ugu matalaysay qabyo-qoraalkan qaarada afrika} ayaa si wada jira ugu gudbiyay Qabyo-qoraal 05/07/1960 Xubanaha golaha joogtada ah ee qaramada midoobay, qabyo-qoraalkan oo ay ujeedadiisu ahayd in xubinimada loo ogaalado waddanka cusub ee ku soo biiray khariirada qaarada afrika, waa Somalida middowdaye, oo ka kooban middowgii labadii waddan ee Italian Somaliland oo 10 sano qaramada midoobay ay dawlada Talyaaniga masuul uga dhigay inay barto habka dawladnimada iyo British Somaliland oo xornimada heshay 26 June 1960. Gudbinta qabyo-qoraalkani waxa uu ka danbeeyay codsi (Telegram) ah oo ka yimid Madaxweynaha uu qabyo-qoraalku ku sheegay Mid aan wali rasmi noqon (provisional president) Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (AHN) ee dawlada Soomaaliya kuna taariikhaysan 01/07/1960 tixraaciisuna yahay S/4360.

Falanqaynta Qabyo-qoraalkii xubinimada Qaramada Midoobay loogu ogalaaday Soomalida (Former Italian Somaliland and British Somaliland). Q1aad

Image
Nuqul qabyo-Qoraal ah oo ka kooban 25 bog oo ay si wada jir ah u diyaariyeen dalalka Talyaaniga, boqortooyada ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo waddanka Tuuniisiya {oo ahayd xubinta ugu matalaysay qabyo-qoraalkan qaarada afrika} ayaa si wada jira ugu gudbiyay Qabyo-qoraal 05/07/1960 Xubanaha golaha joogtada ah ee qaramada midoobay, qabyo-qoraalkan oo ay ujeedadiisu ahayd in xubinimada loo ogaalado waddanka cusub ee ku soo biiray khariirada qaarada afrika, waa Somalida middowdaye, oo ka kooban middowgii labadii waddan ee Italian Somaliland oo 10 sano qaramada midoobay ay dawlada Talyaaniga masuul uga dhigay inay barto habka dawladnimada iyo British Somaliland oo xornimada heshay 26 June 1960. Gudbinta qabyo-qoraalkani waxa uu ka danbeeyay codsi (Telegram) ah oo ka yimid Madaxweynaha uu qabyo-qoraalku ku sheegay Mid aan wali rasmi noqon (provisional president) Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (AHN) ee dawlada Soomaaliya kuna taariikhaysan 01/07/1960 tixraaciisuna yahay S/4360. Co