Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Afeef:

Qoraalkan koobani waa mid madax banaan, si guud iyo si gaar ahbana u qiimaynaya heshiiska is fahan ee dhexmaray Dawladda Imaaradka Carabta iyo Dawladda Somaliland, sidoo kale qoraalkani waxa sal u ah qoraalka soo gaadhay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland.[Qoraalka oo yara dheer ka raali noqo]

Hordhac:

Dekada Magaalada Berbera waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ilaha dhaqaalaha ee somaliland leedahay, Dekadu waxay ku taalaa goob muhiim ah marka la eego khariiradda juquraafiyadeed ee Somaliland dhacdo, waxa intaasba ka sii wanaagsan, Dekadu waxay wax siin kartaa dadyow badan oo geeska afrika ku nool sida Somaliya iyo dal weynaha Itoobiya.

Fursadaha ugu waaweyn ee Dekadu leedahay waxa ka mid ah in ay 80 milyan in ka badan ay fursad u haysto in ay wax kala soo dagi karaan, kuwaas ay dhaqaalahoodu xawli ku socod. Dekada waxa markii ugu horaysay dhisay Midawgii soofiyeeti, waxa isna mar danbe balaadhiyay waddanka Maraykanka. Dekadu dhaqaalaha soomaliland wax weyn ayay ku biirisaa.

Marka Dekada la sheegayo wax yaabaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah qalabka yaala Dekada, Qalabka Dekada ee qaadista kontaynarka [Handling] waana 6 ilaa 12 qaadis saacadiiba taas oo mararka qaarna ka badata, horumarinta qalabka Dekada ee saacida maraakiibta in si fudud oo wakti yar iyo kharash yar ku qaata in alaab badan laga rogo waa mid soo jiidan karta maraakiib badan inay ku soo xidhaan dakada. Qaybta qaadista kaargooga fudud{Mobile cargo) waa {10 x Mobile cargo [waa nooca 70 mitir ah] 2 x forklifts (Forklifts waa mishiinka loo isticmaalo in qalabka lagu dalaco ama lagu riixo ama lagu jiido isna waa 32mt}. goobta kaydinta ee Dakadu baaxadeedu waa 5760 M2 taas oo qaadi karta 120, 000 mt (qaybta furan ee kaydinta waxay qaadi kartaa 64,000 m2) iyo waliba qayb la dhigi karo koontaynarada.

Sanadkii 2014 ayaa balaadhin lagu sameeyay Dekada qaybta qalalan dhul gaadhay 700m x 300m iyo qayb la dhigi karo koontaynarada lagga soo qaaday teerminaalka koontaynarada. Dakada waxa hadda ay dajisaa ilaa 35,000 tan oo alaab ah, balaadhinta Dekada berbera waxa lagu qiyaasay in ay ku kacayso 65 million oo doolar, kaas oo lagu kordhinayo 20 mitir oo biyaha badda ah kuwaas oo sahli kara in ay ku soo xidhan karaan maraakiibta ugu waaweyn dunida sida koontaynarada ugu waaweyn, hadda cabirka qodan ee biyaha markabku istaago waa 11.5 m (22yard).

Balaadhinta Dakada waxa laga diyaariyay macluumaad aad u balaadhan waxaana lagu qeexay Qorashaha horumarinta qaranka ee 2012–2016. Xaga amaanka Dekada, Ha'ayada Caalamiga ah ee Amaanka Maraakiibta[ISPS] iyo adeega Dekadaha waxay ku qiyaastay amaanka Dekada Berbera mid ah heerka koowaad (Level 1 Normal) kaas oo ah darajada ugu hoosaysa ee qiimaynta caalamiga ah. Si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho Dekada waxa aad booqtaa Macluumaad ku saabsan Dekada Berbera. http://dlca.logcluster.org/…/…/2.1.2+Somalia+Port+of+Berbera

Dekada Magaalada Berbera maaha mid qoraalkan lagu soo koobi karo lakiin ujeedka aan halkan ugu soo qaatay ayaa ah in aynu ogaano badeecada aynu iibinayno inta aynaan u galin heshiiska aynu la galanay Dp-world.

Dhawaan ayay xukuumada somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta ay gaadheen heshiish
isfahan kaas oo ay labada dhinac iska kaashanayaan meelo badan. inta aynaan u gelin qodobada heshiiska is fahan bal aan is yar dul taagno heshiiska. Ugu horayn Heshiisku waxa uu magac u bixiyay cida heshiiska wada galaysa, waxaana uu yidhi “ is fahamka heshiiskani waxuu u dhexeeyaa Dawlada Imaaraadka Carabta [United Arab Emirates] oo ay Matalayso Imaarada Dubai iyo Dawlada soomaliland [Government of Somaliland] kaas oo uu matalayo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland. Waa sidaas erayda u horaysa ee heshiiska Isfahan lagu qoray.

Somaliland waxa ugu jirta laba Faa’iido oo aad u qaali ah 1) In ay gashay heshiis caalimi ah magaca Dawladda Somaliland kaas oo ka dhigan in Dawalda Imaaradka Carabtu ay aqoonsi siisay Soomaliland heer kastaba ha ahaadee 2) In ay Somaliland Khayraadkii dalkeeda ay magaceeda ku doonatay maalgalin caalami ah.

Haddaba Dawalda Imaarada Dubai oo heshiiskan u matalaysa Midawga Imaaradaha Carabta (UAE) ayaa iyna PCFC [port & Free zone Security Corporation] ayay u xil saartay heshiiskan inay u sii matasho, lakiin sida qoraalka ku qoran mar walba waxa la xusayaa Imaraada Dubai.


Isfahanka heshiisku waxuu aqoonsanayaa muhiimada ay leedahay tixgalinta dhamaan xidhiidhkii ka dhexeeyay labada dal ee Somaliland iyo UAE, waxa kale oo uu tilmaamay iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa doonista iyo iskaashiga dhinacyada cilmiga, Tiknoolajiyada, khibrada, macluumaadka iyo horumarinta dhan walba ah, qaybahaas si loo gaadho iskaashi buuxa oo midho dhal ah. Waxa kale oo isfahanka heshiis (Memorandum of Understanding) ay xustay in isfahamkani uu maanka ku hayo dhamaan shuruucda iyo qaawaaniinta ee labada dal.

Isfahanka heshiiskani waxa uu ka kooban yahay saddex heshiis oo isku xidhan, waana sidan:

 1. Heshiiska Isfahan (Memorandum of Understanding) -> waxa uu u dhexeeyaa Dawlada Somaliland iyo UAE, waana heshiiska saldhiga u ah in DP-world ay soo gasho oo maalgalin ku samayso Dekada berbera, waxa uu ka kooban 8 meelood oo iskaashi ah oo labada dal u dhaxaysa {xaga hoose ayay ku xusan yihiin} qodobka 6aad oo ah in iskaashi laga yeesho Dekaha ayaa waxa ka farcamaya nooca heshiiska loo yaqaan concession agreements oo ah in ay Dawlada Imaaradka siiso shirkad macaash doon ah oo maalgalin ku samaysa Dekada kalana soo baxda faa’iido taasna loo qaybsado saami lagu heshiiyo. { waxa aynu si fiican ugu sharixi doonaa qormadeena labaad noocyda heshiisyadan].
2. Concession – waxa heshiiska wadda galay Dekada berbera iyo Dawlada Soomaliland oo dhinac ah iyo Dp-word oo dhinac kale ah, heshiiskan oo aynu qoraalka danbe ku faahfaahin doona waxa ku jira in sameeyo shirkada gaar ah oo maamusha Dekada berbera taas oo ay soomaliland leedahay 35% halka ay Dp-world na ay leedahay 65%, waxa lagu cadeeyay iyana qaabka loo samayn doona, xubaneeda iyo awoodaheeda heshiiska sadexaad ee heshiiska saami layda [share holders agreements]
3. Heshiiska saami layda [Share holders agreement] – waxa uu u dhexeeyaa Dekada berbera iyo Dp-world, heshiiskani waa soo urrurinta wax yaabaha la xidhiidha samaynta shirkada maamuli doonta Dekada berbera kuwaas oo ay wadda leeyihiin labada dhinac.
Heshiiskan Isfahan ee Somaliland iyo UAE ay gaadheen waxa kaliya ka suura galay waa qodobka 6aad ee ah Dekada berbera, waan sababta uu saaxada u qabsaday in loogu yeedho guud ahaan heshiiska inuu ku kooban yahay Dekada berbera lakiin uu dhab ahaan uga balaadhan yahay.

Heshiiskan oo ah mid aad u qurux badan [lucrative deal] aan bal u eegno qodob qodob, meelaha iskaashiga ee uu xusayo heshiiskan Isfahan (Areas of Cooperation).

1. Beeraha (Agriculture) -> Imaarada Dubai waxay taageeri doontaa xoolaha nool si kor loogu qaado noloshooda, waxay kale oo ay taageeri doontaa kaluunka soomaliland inuu noqdo il dhaqaale oo la mid ah ka xoolaha nool oo kale, sidoo kale waxa iyana taageero mug leh ay siin doontaa noocyada dalaga beeraha ee ay somaliland leedahay.
2. Shaqaalaynta (Employment) -> heshiisku waxa kale oo uu tilmaamay in shaqo la'aanta badan ee ka jirta somaliland lagu taageeri doono in la abuuro fursado shaqo kuwaas oo dadka reer soomaliland ay uga shaqaysan karaan imaarada Dubai.
3. Tamarta (Energy) -> kharashka badan ee ku baxa laydhka si Tamar loo helo ayay imaarada Dubia taageeri doontaa in la dhimo lana helo ilo kale oo Tamareed kuwaas oo ka mid ka yihiin Tamarta dabiiciga ah sida kuwa qoraxda, dabaysha, mawjahdaha biyaha, kulka iyo Tamarta dhulka hoostiisa laga dhaliyo.
4. Kaydinta Shiidaalka iyo Habka shidaal shubista (Fuel Storage and Bunkering) -> dawladda imaarada dubai waxay kaloo taageeri doonta horumarinta habka shidaal kaydinta iyo shidaal shubista ee maraakiibta iyada oo la keeni doono qalab la mid ah ka yaala suuqa Gobalka geeska Africa sida Jabuuti, iyo Kenya.
5. Horumarinta warshadaha (Industrial development) -> Horuminta adeega warshadaha somaliland waxa ugu horeeya samaynta adeega ka caagan cashuura (Free Zone) lagana samayn doono Magaalada xeebta ah ee berbera, adeegan ka caagan cashuurahu (Free Zone)-ku waa goobo la dhigo alaabaha ganacsiga loogu talagay kuwaas oo dib loogu farsamayn karo ama dib la isagu xidhxidhi karo si loogu dhoofiyo meel kala ama waddan kale, adeegani waxa uu soo jiita in meeshu ka hir gali karto kobac dhaqaale oo warshadeed kuwaas oo daba socda aagagan ka caagan cashuuraha. Inta badan dunida adeega freezone-ka waxa laga sameeyaa meelaha dekadaha, gagooyinka diyaaradaha iyo meelaha xuduudaha ah.

6. Dakadaha [ports]-> Dawladda imaarada dubia waxay taageeri doontaa korna u qaadi doontaa shaqada dekada berbera, maalgashiga iyo horumarinta dekada berbera iyada oo samayn doonta in loo dhiibo shirkad macaash doon ah lana wadaagi doona faa’iidada ka soo baxda, tani waxay kor u qaadi doontaa adeega dakada si gobalka oo dhan loogu adeego oo ay ku jirto dalalka aan haysan badaha (sida itoopiya oo kale). Halkan ayuu soo galayaa heshiiska ay DP world iyo Somaliland oo ay matalayso dakada berber ku galeen, qormada danbe ayaynu ku faahfaahin doona heshiiska iyo qaabka loo galay.
7. wadooyinka ( Roads) -> dadaalka ay Dawladda somaliland ugu jirto in la helo waddo isku xidha wajaale oo ah xadka Ethiopia iyo dekada berbera ayay dawlada imaarada dubai ay ka gaysan doontaa taageero mug leh waxayna dhisi doontaa jidkaas.

8. Dalxiiska (Tourism) -> dhanka dalxiiska ayay dawladda imaarada dubai ay ka taageeri doontaa Somaliland iyada oo la dhisi doono hoteelo casri ah lagana dhisi doono magaalooyinka hargaysa iyo berbera, waxa kale oo horumarin lagu samayn doonaa xeebta dalxiiska ee berbera si ay u soo jiidato dalxiisayaal badan.

Intaasi waa qodobada ay labada dawladood iska kaashan doonaan, si loo gaadho ujeedo mid ah. Haddaba qaabkee loo marayaa heshiiskan, waa ta aynu eegi doono hadda.
Qaabka fulinta iskaashiga labada dawladood.
  
Iskaashiga labada dawladood waxa loo fulin doonaa sidan;
  1. Dawladda Imaarada Dubai waxay DP-world u magacaabi doontaa inay noqto hogaamiyaha koowaad ee fulinaya heshiiskan iyada oo Tusaale wanaagsan iyo soo jiidashaba u noqonaysa Ganacsiyada kale ee ka jira Dubai,
  2. Iswaydaarsiga xogaha iyo siyaasadaha [information and policies exchange] ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska kaashado.
  3. In kor loo qaado wada hadalka iyo doodaha u dhexeeya Madaxda Dubai iyo Somaliland ee ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
  4. Isku duba ridka, fulinta, kala doorashada mashaariicda muhiimada ay leeyihiin awgeed, iyo ogaanshaha talaabooyinka hore loogu marinayo meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
  5. Maamulida si wadda jir ah hawlaha la ansixiyo ee ah in la wadda qabto ee ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
  6. In la sameeyo dariiq cad oo wadda hadal iyo xidhiidho joogta kuwaas oo qayb ka ah shaqada iyo wadda hadalka socda mar walba si loo abuuro jawi lagu gaadhi karo ujeedoonka guud ee lagga midaysan yahay.
  7. In la waddago khibrada, khubarada iyo xogta iyada oo mid walba la isku dayayo in loo isticmaalo sida ugu wanaagsan ee suurgal ah.
  
Dhanka Gacastada iyo bulshada waxay Dawlada soomaliland iyo UAE ay ku heshiiyeen in; 

A. Labada dawladdoodba ay ku marti qaadaan kuna dhiiri galiyaan urrurada ama haaydaha Ganacsi si kor loogu qaado in la sameeyo ganacsi la wadda leeyahay oo ka dhexeeya dadka labadda dawladdood.
B. Labadda dawladdoodba waa inay ku marti qaadaan urrurada ganacisga inay qaataan doorkooda hogaamineed si loo abuura fikir iyo hal-abuur cusub oo ku saabsan meelaha laggu heshiiyay.
C.  Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arinta iskaashiga ee u dhaxaysa Ganacsatada matalaysa labada shacab ay booqashadoodu noqto mid wakhti leh ah.


Dhinaca isku gudinta Aqoonta (Know-how) iyo Tiknoolajiyadu waxa la isla qaatay in

D.  La dhiiri galiyo doonista ganacsiga gaarka leeyahay kaas oo ku saabsan aqoonta (Know-how) iyo isu gudbinta Tiknoolajiyada la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
E. Labada dhinacba waxay isku raaceen in la raadiyo fursado maalgashiyo oo faa’iido u leh 
F. labada dawladood kuwaas oo la xidhiidh aqoonta (know-how) iyo Tiknoolajiyada.
G. Dhanka horumarinta iyo cilmi baadhista waxa labada dhinaca ilsa garteen in La sameeyo 
I. cilmi baadhis wax ku ool ah oo la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.

Waxa kaloo lagu heshiyay in  is waydaarsado xogta statistics ah ee la xidhiidha meelaha lagu heshiyay in la iska taageero. 
J. meelaha muran ka yimaado ee lagu kala duwaanaado xaga qaanuunka waxa lagu xalinayaa wadiiqooyin diblamaasiyadeed [diplomatic channels]. 
H. Dhanka muranka fulinta iyo fahamka ee la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero waxa loo celinayaa qaanuunka dal walba leeyahay, 
K. Luuqada heshiisku waa luuqada ingriisida, haddii luuqado kale loo baahdo waa laggu heshiin karaa labada dhinac.


Heshiiska is fahan ee labadda dawladood wakhatiga la galayo, wakhtiga uu ku egyahay iyo sida loo baa’bi'inayo heshiiskani waa;

a.      Heshiiska Isfahan wakhtigiisa waa 5 sano waana la cusboonaysiin karaa 5 sano oo kale haddii labadda dhican ay u arkaan dan. Labbada dawladood mid walba wuu ka baxi karaa heshiiskan qayb ka mid ah ama dhamaantiiba, iyada oo ogaysiin la bixinayo muddo dhan 6 bilood ka hor ka bixitaanka heshiiska.
b.      Heshiiskan Isfahan (Memorandum of understanding) lama cusuboonaysiin karo marka la reebo in labadda dhinacba ay saxeexaan qoraal ahaan wax ka badalka heshiiskan.
c.       Heshiiskan Isfahan (Memorandum of understanding) Waxa uu dhaqan galayaa maalinta ay saxeexaan labada dhinacba.

Heshiiskan Isfahan (Memorandum of understanding) ee labadda dawladeed dhanka  Somaliland waxa saxeexay Wasiirka Arimaha dibada soomaliland, dhanka kalana waxa u saxeexay Imaraada Dubai iyada oo wakiil ka ah Dawladda Imaaraadka Carabta (UAE). Waxa la saxeexay Heshiiskan Isfahan (Memorandum of understanding) 9 bishii may 2016.  

Guud ahaan marka la soo koobo heshiiskan isfahan waa mid aad u balaadhan kaas oo hadda kaliya uu ka hirgalayo qodobka 6aad ee meelaha isfahan ee labada dal[areas of cooperation} kaas oo ah Maalgalinta Dekada berbera, sidoo kale Fulinta ama maalgalinta Dekada berbera waxay fure u tahay in la helo ganacsto kale oo maalgashatay 7 qaybood ee kale ee lagu heshiiyay. 

Fiiro gaar ah.
Ilaa hadda waxay faaqidnay waa heshiiska isfahan [MOU] kaas oo aabo u ah heshiisyo tiro badan oo uu ka midka yahay kan Dp-world ay ku maalgalinayso dekada berbera. 

Waxa aynu Qoraale kale ku eegi doonaa heshiiska Dekada Berbera iyo ka saami qaybsiga ee ku saabsan shirkada la samayn doono.

Abdiqani Mohamed Egeh
MA Governance and Leadership- Candidate, research fellow. 
fmcige@gmail.com
00252634427711


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA