DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA

Kalmado iyo kulamo xusuus reebay: Qaybtii 3aad

"Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka
Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro, dhacart jiilaale
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraa
Hays dhigan nin nooloow hiddaadu, waysu dhimataaye"
Hadraawi, dhul gariir.

Qoramadeenii 2aad waxay inoo joogta iyada oo doodii u dhaxaysay Xoghayihii Arimaha dibada Maraykanka Mr. Henry Kissinger (September 22, 1973 – January 20, 1977) iyo Wasiirkii Macdanta iyo biyaha Soomaliya Muddane Xuseen Cabdiqadir Qaasim ay dood culus jilbaha is dhigeen, Muddane Qaasim waa ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya, waxay doodii qoramadeenii labaad inoo joogta iyada oo Kissinger uu su’aal galiyay dhulka Soomali galbeed iyo sheegashada dawladda Soomaliya, taas oo uu si fiican u sharaxay Wasiir qaasim, waxa kale oo Kissinger uu dooda Soo galiyay dhulka Kenya haysta ee Waqooyiga Kenya ee NFD loo yaqaano, waa kan Kissinger oo su’aal ku tuuray wasiir qaasim;


Kissinger: Waxa kaloo jira Soomali ku nool waqooyiga Kenya, halkaasna miyaad sheegaynaysaan?
Qaasim: Taasi waa xaqiiqo taariikheed in dadkaasi ay yihiin Soomali dadka Soomaliyeedna ay doonayeen inay la wadaagaan dawaladdnimada. Dawladda ingriisku waxay 1963kii gobalkaasi ay ugu yeedhaan gobolka waqooyi “Northern Frontier province” ka samaysay afti dadweynaha lagu waydiinayo halka ay doonayaan in xukunkoodu raaco, waxay dadkii 86% go’aansadeen inay ka mid noqdaan Dawladda Soomaliya, lakiin dawladda ingriiska ayaa go’aansatay inay xaquuqdooda aasto oo dhanka kale ee ah inay Kenya ku jiraan go’aansatay. Gobolkana waligiiba si gaar ah ayaa loo xukumi jiray oo ka madaxbanaan kenyada kale oo dhan, anigu ka Soomali ahaan ma canaanayno Kenya sababta oo ah gumaysiga ayaa dusha kaga keenay iyagana raaciyayna, Lakiin itoobiya waanu ku canaanaynaa waayo waxay ahayd una dhaqantahay sidii gumaystayaasha iyada oon waliba naga qarsan. Taas waxa aan ku haynaa waraaqo itoobiyaan ah oo cadaynaya arintaas. Markii dawladdaha reer yurub ay bilaabeen inay qayb qaybsadaan geeska Africa, boqorkii itoobiya Mililikgii 2aad warqad ayuu u qoray gumaystayaashii uu ku leeyahay “ aniguna (itoobiya) waxaan doonaynaa in aan qaybtayada qaadano”. Itoobiya sidoo kale waxay nagu gardarootay sanadkii 1963 iyo 1964, miyay dawladdaha dibadu soo farogaliyeen gardaradaas? Masiibo ayaa ka dhacday wakhtigaas labada dhanba.

Kissinger: waa wax yar waxa aan ka qaban karno taariikhdaas, lakiin sida aad ogtihiin, xidhiidhka aniga iyo itoobiya naga dhexeeya maaha mid sidaas u sii fog, ma ii sheegi kartaa waxa ka dhex socda itoobiya?

Qaasim: itoobiya waxa aanu nahay jaar, isfahamkayguna wuu soo wanaagsanaanayaa, dabcan way jiraa culaysyo dhan walba nagga imanayaa, waanad ogtahay in aanan wax kasta oo naga dhexeeya itoobiya kulankan aynaan ku soo qaadi Karin, waxaanu jecelnay in aynu ku koobnaan imika wax dhacaya, waxa aanu doonaynaa in aanu idin dhagaysano idinkuna aad na dhagaysataan. Sababta Isfaham la’aanta waddankayga Soomaliya iyo dawladdiina Maraykan u dhaxaysaa waxay ku qotontaa mashaakilaadka waddankayga ka jira, waxa aanu doonaynaa in aanu nabad ku xalino mushkiladayaas (Mushkilada uu sheegaa waa qadiyada xoraynta Soomali galbeed). Ka hore intii aan kacaanku dhalan 1969, waxa aanu u jeelanayn in isfaham lagu dhameeyo waxa na dhexyaala aniga iyo itoobiya. Madaxweynahagu waxa uu la kulmay madaxda itoobiyaanka si kor loogu qaado in la helo jawi isfaham oo xal waara u noqon kara arintaas, lakiin waligeed maanu helin jawaab na qancisa.

Arintayda nagala dhaxaysa itoobiya waa qadiyada shacabkaygu aad muhiim ugu ah oo aanay suuragal ahayn in ay dib uga laabano ilaa ay dadkaygaasi gumaysiga itoobiya ku hoos jiraa ay xoriyadooda helayaan, dawladdaydu uma dhaqmayso si cadaawad ku jirto.  Marka aan ku leeyahay kama laabanayno uma jeedno in aan ka faa’iidaysano awood darada itoobiya, lakiin waxa aan diyaar u nahay in aan xal u raadino qarankayga iyo ka gobolkaba. Ma rabno in aan dagaal la galno itoobiya, waliba si gaar ah dadka aan isku xidhanay ee itoobiyaanka ah (waxa uuu jeedaa dadka xuduudka dagan ee Soomalida ah), Waxa aan isku daynayn in aan ku dhamaysano arintayda afrika dhexdeeda, laga yaabaa inay timaado maalin afrika ay mushkiladeeda iyadu xalisato.

 Haddaba, aniga oo tixigalin weyn u hayn xidhiidhkeena labada dal waxa aan ku qanacsanayn in doorkiina yahay mid lagama maarmaan ah, waxa aan idinka rajaynaynaa in aad nabad, amaan, daganaansho iyo isfaham dhexdayda ka raadisaan. Waxa aan la soconaa in aad caawimo siisaan waddamo afrikaan ah, waxa aanu ku rajo weynay in caawimaddino ay ahaato dhanka horumarka ee aanay ahaan dhanka hubka iyo ciidamada.

Kissinger: Waxa laga yaabaa in aanu u qaadayany in aad ka hub iyo ciidanba wacan tihiin itoobiya, waxa laga yaabaa in sirdoonkaygu war aan sax ahayn noo soo tabiyay, lakiin waanu aragnaa in aad hub iyo saanado badano oo agab ciidan ah aad ka helaysaan midowga soofiyeeti.

Qaasim: Itoobiya way na weerartay 1963 iyo 1964 ba, itoobiya waxay dhaqan ka dhigatay inay ku raaxaysto in ay naga hub iyo ciidanba wacan tahay, dhanka qalabka iyo dhanka xajmiga ciidanba. Waxaan filayaa in aad dareen khaldan naga qaadateen.

Kissinger: bal aan dib ugu noqdo wararka mukhaabaraadkayga ee ku saabsan arintaas.
Qaasim: waxa aan rajo weyn ka qabnaa in aad door muuqda ka ciyaari kartaa arinta isfahamkayga anaga iyo itoobiya, waxa aanu si fiican uga dharagsanay taariikhdiina iyo shuruucdiinaba, wakhtiyo badan oo adag waad soo mateen, lakiin maanu fahmin macnaha ay idiin samaynayso cadaawadiina ku waajahan waddan aad u yar oo anaga oo kale ah, bal dib u fiiri wixii aad ka gaysateen wakhtigii adkaa ee abaartii na soo martay (abaartii dabo-dheer, 1974).

Kissinger: Talcott, Maxaynu ka gaysanay wakhtigaas abaarta?

Seellye (caawiyaha xoghaye Kissinger): waxa aynu u dirnay mucaawino.

Qaasim: haa, lakiin waxa aad nagu tidhaahdeen waxa aad midowga soofiyeeti siiseen saldhig milatari, si aanu taas u hubino waxa aanu idiin soo diraynaa khubaro soo hubiso idina soo eegta jirintaanka saldhigaas.

Kissinger: Haa taasi waa sax, dhamaantoodna waxay khubaradaasi noo soo xaqiijiyeen in aad saldhig siiseen midowga soofiyeeti, xataa taas waxa ku qancay kuwoyagii idinla mawqifka ahaa ee aan rumaysanayn in Soomalidu saldhig siiysay soofiyeetka, way ku qanceen jiritaanka saldhigaas.
Qaasim: adiguna miyaad rumaysatay sidaas?

Kissinger: waxa aan rumaysnahay in aan saldhig milatari u wanaasganay dhulka soomalida, lakiin wax waliba waxay ku xidhan yihiin sida aynu isula garano waxa looga jeedo“ saldhig milatari”, anagu saldhig waxaan u aragnaa meel ay dagan yihiin ciidan, saraakiil ciidan, qalab milatarina ay yaalaan, kaas ayaa ah saldhig milatari ah, bal u fiirso, waddanka filibiin, ka dib markii aan heshiis la galnay oo aanu saxeexnay in aanu saldhig ku yeelano, calanka waddanka filibiin ayaa ka dul babanayay saldhigayga milatari, mana dafirno in aan halkaas saldhig ku leenahay.

Qaasim: Malaha waxa ay wacnaan lahayd in aad wax badan kala socto hab-dhaqanka dadkayga, anigu waligayo saldhig milatari oo dal shisheeye leeyahay maanu bixin, mana lihin adeegyada ay leeyihiin saldhigyada milatari. Waxa aanu aragnay sawiro ay qaadeen dayax-gacmeedkiinu kuwaas oo ay ku sheegeen in ay yihiin in aan rakibnay gantaalo, markii aanu aragnay sawiradiina iyo doodiinaba waanu hubinay waxani waxa ay yihiin, waxna aanu ogaanay in waxa aad gantaalaha ku sheegteen ay yihiin miraaradihii masaajidayada.

 Kissinger: Lakiin, saw lagma yaabo in miraaradaha masaajidadaba aad gantaalo ku qariseen?

Qaasim: kooxdiina xaqiiqo raadiska ah markii ay dalkayga yimaadeen waanu u furnay masaajidada si ay u hubiyaan, ugna shaki baxaan, lakiin waxa aad ogtihiin in aanan haysan lacag aanu ku iibsano gantaalo sidaas ah.

Kissinger: isma lihin ganataalo ayaa halkaas ka maqan, lakiin aan mawduucaas halkaas ku dhaafno. Anigu wax cadaawad ah oo aan soomalida u qabnaa ma jirto, dareenkaasina naguma jirna, lakiin waxa aan aragnaa markasta idinka oo naga dhan ah doodaha caalamiga ah, waxa aad ka soo horjeesateen qorshahayagii afrikada koonfureed, Soomaliya waxay hormuud ka tahay kuwa na carqaladeeya mar walba, anigu waxa aan ka shaqaynaynaa nabad, xidhiidh wanaag iyo isu soo dhawaansho ay yeeshaan madaxda dawladaha safka hore. Anigu waxaan u furanay in aan xidhiidhkiina wanaajino, anaga oon ka soo horjeedin sheegashadiina dhulka aad itoobiya ku muransan tihiin, kaliya waxa aan ka soo horjeednaa in aydaan xoog ku raadina dhulkaas, waxa aanu idin soo jeedinaynaa idinkuna taageeraynaa in aad murankaas ku dhamaysaan wada-hadal.

Qaasim: waxa jirta sabab aynu xidhiidhkeena u wanaajin karno, taas oo ah fursad wacan in wakhtigan la sameeyo. Waxa aanu doonaynaa in ay cadaato muwaaqifta aynu kala taaganay, waxa aanu tabaynaa wada tashigiina, isla markaa dhexdhexaadnimadiina ma ah mid aanu ku qanacsanayn, waxa aanu rabnaa in aad door muuqda aad ka ciyaartaan xalinta khilaafka naga dhexeeya itoobiya.
Kissinger: waxa aan ka eegayaa su’aashaadaas dhanka isu dheelitiranka ciidanka ee idinka iyo itoobiya, ma jirto sabab aanu mid dhinac u saarno ama aanu xidhiidhkiina u xumayno idinka iyo itoobiya.

Qaasim: haddii aad isu dhigaysaan in aad dhexdhexaad ka tihiin arimaha afrika, maxaa idiin diiday in aad taageertaan oo aad ka qayb qaadataan nabad.

Kissinger: Haddii aan ku dhex milmo in badan mushkiladaha ka jira qaarada afrika, waxa aan luminayaa xikmadii aan ka leeyahay in aan xaalada afrika la socono. Bal dib baan uga fikiri doonaa arintaas.

Qaasim: anagu, waxa aan quud daraynaynaa in aad isbadal ku samaysaan dabcigiina aad kula dhaqantaan Soomalida iyo qaarada afrikaba.

Kissinger: waanu samayn karnaa, dibna waanu u qiimayn karnaa.
Qaasim: marka aan si daacad ah kuula hadlo, idinka ayaa sabab u ah in rasaasta qoriga ay ku jirto ama ay ama ay kala laba ahaato, taas waxaan uga jeedaa in aad colaada iyo nabad afrika aad idinku sabab u tihiin. Waxa aan soo jeedin lahayn in aad dib u qaabayn ku samaysaan siyaasadiina geeska afrika.

KISSINGER: idinku ma joojinaysaa hubka aad ka soo daabulataan midowga soofiyeeti, haddii aanu joojino taageerada aanu siino itoobiya?

Qaasim: anigu wax hub ah ama saanad militari ah kama helo midowga soofiyeeti, lakiin idinku sidaas baad haysataan, waxa aanu isku dayaynaan in aanu dhisno ciidankayga si ay awood ugu yeeshaan inay difaac xuduudahayga kuwaas oo ah kuwo aad u dheer. Sanadkii 1964 waana nala weeraray aniga oo aan is difaaci Karin, haddii uu dhinac hub ka helayo dunida aniguna aanan helayn hubkaas, saw arintu khatar nagu noqon mayso?

KISSINGER: haddii aan joojino in aan hub u dirno itoobiya, idinkuna aad hubka soo daabulataan midowga soofiyeeti saw arintu dagaal ku danbayn mayso?

Qaasim: lakiin, idinku 200 oo million oo dollar oo hub iyo saanado ciidan ah saw uma dirtaan itoobiya?

KISSINGER: taasi waa wax aan caqli gal ahayn, afrika oo dhan waxa aanu siinay waxa ku dhaw 60 milyan oo kaliya.

Qaasim: itoobiya waxay leedahay toban nooco oo “military divisions” ah, (military divisions waa kooxo ciidamo ah oo isku xidhan kana koobaan inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 30,000 oo askari). anigu aanu ka leenahay kaliya laba, sidaas darteed marka aad na leedahay joojiya kobcinta militariga, maxaad uga jeedaa? Ma hubka aan keensanayno ayaad u jeedaa mise kuwa aan hadda haysano?

KISSINGER: Talcott, imisa taageero ciidan ah ayaynu siinaa itoobiya?

SEELYE(caawiyaha xoghayaha): waxa aynu siinay inta u dhaxaysa $10 million ilaa $20 million sanadkan.

Qaasim: wali anigu taas ma rumaysnin waxna aanu u haysanaa in aad $200 oo milyan siisaan, waanaanu ognahay.

KISSINGER: Taasi waa waali iyo is yeel yeel. (halkan waxa uu uga jeedaa, wixii aanu diin sheegay haddii aad qaadan waydeen saw waali ma ah wax kale ee aad rumaysataan).

Waxa soo galay Philip C. HABIB oo ah ninka afraad ee wasaarada arimaha dibada markaykan (undersecretary of political affairs), si uu u dajiyo hadalka taagtaagmay iyo wararka la isku riixriixay.

Philip C. HABIB (undersecretary of political affairs): ma laga yaabaa in xisaabtu idinka qaldan tahay oo aad xisaabsanaysaa wixii aanu itoobiya siinaynay sanado badan, haddii aad xisaabiyo taageeradayadii sanadihii la soo dhaafay aanu itoobiye siinayan waxa laga yaabaa in tiro ku dhaw taa aad sheegay ay soo baxdo.

KISSINGER: Anigu sabab aanu been idiinku sheegno garan mayno,waxan aanu idiin sheegaynaa waa warkaygii oo dhab ah.

Qaasim: waa si wacan, waa in aanu tixgalinaa warkaas aad noo sheegteen.

KISSINGER: warkan aanu idiin sheegaynaa waa mid la heli karo ( public record) oo aan daah saarnayn, warka sidaas ahna in aad hesho aad bay u fududay (Kissinger halkan waxuu ku durayaa siyaasiyiinta iyo diblamaasiyiinta Soomalida ah in aanay xogba hayn xataa tan aan meel fog jirin ee la daabacay)

Qaasim: aniga waxa dareen qoto dheer nagu beeray oo aanu ka shakinay taageerada aadka u balaadhan ee aad siiseen itoobiya.
KISSINGER: waxaa u malaynayaa in aad na khalad fahantay.

Qaasim: ka soo qaad in idin khalad fahanay oo aad naga saxsan tihiin.

KISSINGER: hadda ma ii sheegi kartaa waxa la taaban karo oo aynu ka wada hadalno?

Qaasim: haa, waxaanu rajo weyn ka qabnaa dareenkiina togan ee ku waajahan Soomaliya, taas oo naga mudan in aan ka dareen celino, sidoo kale waxaan rajaynaynaa in uu meesha ka baxo dareenka kala shakiga ah ee labadeena waddan kala dhexyaala, laguna badalo in aan iskaashiga labada dal kor u qaadno.

KISSINGER: Sidee meesha looga saari karaa dareenkaas kala shakiga ah ee ina dhexyaal?

Qaasim: waxa looga saari karaa idinka oo joojiya taageerada ciidan ee aad siisaan waddanka itoobiya. (wasiir Qaasim waa Siyaasi ka soo jeeda dhalasho ahaan Soomali galbeed oo ay ka dhab tahay dareenka ay leedahay qadiyada Soomali galbeed)

KISSINGER: Adigu ma waxaad u dhaqmaysaa sidii Wasiir Arimo dibadeed oo Soomaliya matala? (Kissinger waxa uu ka yaabay dhiiranaanta Wasiir Qaasim ama waxa uu shaki weyn ka qaaday Wasiir ku sime Wasaarada Arimo dibadeed in ay sida tahay ama sida uu uga badheedhayo meelaha uu tabayo ee dareenka xanafta leh).

Qaasim: waxaan Madaxweynaha iyo wasaarada Arimaha dibadaba ka caawiyaa arimahan oo kale.

KISSINGER: waxa aan si guud ugala hadli doonaa safiirkayga dalkiina jooga sida aan ku hagaajin karno xidhiidhka inaga dhexeeya (labada dal), markaas ayaan garan karnaa halka aan uga sii dhaqaaqayno halkan. Idinka yaanu kala hadli karnaa arinkan? (Kissinger waxa uu rabaa inuu kulanka soo xidho isaga oo si dadban su’aal u galiyay xilkan ‘Ku Sime” ah ee uu Wasiir Qaasim hayo. Muddane Kissigner isaga oo og waddada loo maryo ayuu dalbanayaa cid arinka xidhiidhka labda dal lagala hadli karo, taas oo markale u eeg inuu durayo wasiir qaasim iyo aragtiisa siyaasadeed).

Waxa soo galay oo su’aasha Kissinger ka jawaabay Ambassador Caddo woo tilmaamay cida laga hadli doono siyaasada dibada ee Soomaliya.

Caddow: waxa aad kala hadli doontaa Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilka wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya qaban doono. (Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waa uu fadhiyaa kulanka walina xilka si rasmi ah looguma magaacib, waana Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaliya).

Doodu dhan kale ayay qabtay, waxa isu jawaabay Ambassador Caddow iyo Seelye oo xogahye Kissinger caawiye ku meel gaadh ah u ah lana socdo dhaqdhaqaaqa safiirkooda Soomaliya u fadhiya. Muddane Seelye oo u jawaabaya Amb. Caddow ayaa yidhi;

Seelye: Taasi maaha sax (in aanu la hadlno wasiirka cusub ee soo socda), safiirkiinu (adiga Caddow) waxa uu leeyahay galaangal badan sida adiguba (Wasiir Qaasim) aad u leedahay galaangal badan, sidaas darteed ma idiin helayno fursado badan, aniga dadkayga (madaxdayadu) aad bay u mashquul badan yihiin, marar badana waxa dhaca in aanu sugno afar ama sadex cisho in aanu helnoba. Sidaas darteed waa arin ay safiiradu qaban karaan sida caadiga ahba.

Kissinger:  safiirkayga ayaan u sheegi doonaa inuu diyaariyo kulan adiga aad qayb ka tahay oo la isku dhaafsado si guud aragtida la kala qabo iyo halka aynu kala taaganahay, si looga shaqeeyo isu soo dhawaanshaha labada dal. Haddaba, waxaan aad idiinka mahadcelinayaa dhamaantiin in aad kulanka ka soo qayb gasheen, waxaad ogaataan in aan anigu nagu jirin marnaba dareen cadaawadeed oo aan idiinma qabno, kaliya waxa aan dareensanay in aad naga soo horjeesataan mar walba taas oo ah mid aad qorshe ahaan ugu talo gasheen. Kulankiina intaas ayuu inoogu xidhan yahay. Waad Mahadsan tihiin.

Halkaas ayuu ku biyo shubtya kulankii iyo doodaas taariikhiga ah ee dhexmartay Xoghaye Kissinger iyo Wasiir Qaasim, waa taariikh iyo dhacdooyin aynu leenahay oo mudan in wax laga barto.  Wasiir Xuseen Cabdiqadir Qaasim alle ha u naxariisto waxa uu ahaa hal-adag iyo diblamaasi waxa uu yahay ku qanacsan oo danta dalkiisa marwalba difaaca.

"Xaajada halkaasaan dhigoo, dhaabad baw dihin.
In la sii dhaqaajay rabtaa, dhaygag badanley.
Oo loola dhaadhaco halkay, dhuux ka leedahay.
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo, dheeli tirihii.
Inta samaha dhuxulayn kartaa, waa dhif iyo kow"
Hadraawi, dhul.gariir.

…………….Dhamaad………..

W/Q: Cabdi Maxamed Cige


Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}