Posts

Showing posts from 2013

The love Behind Your Smile of happiness

Image
Eid Mubrak wishing you all a very happy eid,  please remember the people who are seeking the eye to join in your Happiness. .ا لسعادة : كاللؤلؤة في أعماق البحار، تحتاج إلى غواصٍ ماهر يُتقن صنعة الاكتشاف والغوص. .ابحث في داخلك ففي أعماقك السعادة، وفيها الينبوع الذي لا ينضب Happiness is the only goal on earth that all people without exception are seeking to attain; happiness is a state of mind or feeling characterized by love, satisfaction, pleasure, or joy . Research has identified a number of attributes that correlate with happiness: relationships and social interaction, marital status, employment, health, democratic freedom, optimism, religious involvement, income and proximity to other happy people. The   following are tips for the attainment of happiness : ©         Know that if you do not live within the scope of today, your thoughts will be scattered, your affairs will become confused, and your anxiety will increase.  ©         Forget the pa

Gorfeyn: Buugga “Culuumta Maansada”

Image
Suugaantu waa meel lagu cabiro tagtada iyo timaadada nolosha, Sugaanta soomalidu waxay in badan ku jirtay kaydna u ahaa quluubta suugaanyahanka soomaliyeed ee ku kala sugan inta soomali dagto, halkaas ayaa lagu hayn jiray, la isku waydaarsan jiray ilaa lakala dhaxlo qarniba qarniga ka danbeeyaa, waxay u ahayd dadka soomaliyeed aalad xog is waydaarsi, xikmad kala barasho, xaalad abuurid, xalin colaadeed iyo xulasho xuural-cayn dumar. Suugaantu waxay dhaxal ma guuran u ahayd una tahay Afka iyo ilaalintiisa. Somalidu waxa in badan la odhan jiray waa bulsho aan lahayn kayd taariikheed oo qoran iyo  kayd suugaaneed oo qoran, lakiin waxay leeyihiin kayd maskaxeed oo qiimo badan. Buugga uu magaciisu yahay “Culuumta Maansada” ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi” Waxa uu ka mid yahay buuggagta ugu qiimaha badan ee laga qoray suugaan soomaliyeed, waa buug soo kordhinayo waxyaabaha badan oo suugaantu leedahay, waxa uu si weyn uga duwan yahay buugaagtii laga qoray mawduuc

Agoomaynta Aqoonta

Image
Q eexida Erayga aqoon waa dood si weyn la isugu khilaafsan yahay walina socta horna u socon jirtay, doodani waxay u dhaxaysaa   aqoonyahankii dunida soo maray iyo kuwa maanta jooga gaar ahaan culimada Falsafadaha qaybta barashada aqoonta " Epistemology"   barshada, Falkinta iyo   fahamka aragtiyaha aqoonta ‘’Theory of knowledge". Eraygan Aqoon mar waxa lagu qeexay in ay tahay wax koobsanaya ama ay ku jiraan xaqiiqooyin, Xog, Faalo, xirfado lagu lehay laba dariiq midkood, barasho la bartay ama waayo aragnimo sanado badan soo jirtay , waxa laga yaabaa in aqoontaas lagu kasbaday mid loo soo joogay dhacdooyinkii dhacayay  isla wakhtiga ay dhacayeen ama mid la tijaabiyo lana talaalay. Barashada Aqoontu waa qayb ka mid ah barashada falsafadaha kala duwan ee aqoonyahanka dunida wareeriyay, filasoofarkii caanka ahaa ee Plato ayaa isu ku qeexay  '' Aqoonta" in ay saldhig u tahay sadex arimood, ka hore in Cadayn (Justification) loo helo shayga lagu tilma

Ubad wuu dayacan yahay, Ninka dayr-tan nooloow..!

Image
Qorshe la'aantu qof ilaa qaran waa qasaarooyinka nolosha umad ahaan iyo qof ahaan, duul aan qorshe lahaynini meel kama kaa gaadho qaabaynta nolasha.  Waxan uga socdaa arartan sare doodii uu  bilaabay Ahmed deeq ee gundhigeedu ahaa  Ubad badan uma baahinin   oo qorshe la'aan ku yimaada, Fikirka iyo doodaha badan ee la is dhaafsaday waxay tilmaan u tahay in miiska la wada fadhiisan karo oo qorshe lagu midaysan yahay loo heli karo wax kasta oo caqabad ku ah nolosha, waxay kale oo astaan u tahay dhamaadka casrigii qoriga iyo cahadigii fikirka kaliya ee soomali daashaday ama fikirkii kaligii talisnimada ahaa ee ku dhisnaa hadii tayda la diido qas baa xigi. Aan ku soo noqdo nuxurka dooda qurxuda badan ee dagalka Weedhsan.com ku dhex maraysa dhalinta qalin layda ah, ugu horayn sida aan u fahmay maqaalka kowaad ee Ahmed deeq ( Ubad badan uma baahinin) laba shay ayaa saldhig u ah dooda uu soo dhigay. 1. Joojinta guurka ama  yaraynta dhasha iyo 2. Qorshe la'aa

Sidaad isu taqaan ayay dadku kuu yaqaanan

Image
Duulaanka lagu qaado fikirka umadaha waxuu dhaawac weyn u gaystaa in badan oo ah fikirka toolmoon ee umadaas, Waxuu dhalin gadiyaa oo raad weyn kaga tagaa qiyamka nololeed, akhlaaqeed iyo fikireed  ee umadaas. Sida ku cad bogaga taariikheed ee dunida gaar ahaan taariikhada Islaamka, waxa qayb weyn ka qaatay fiditaankii islamku uu dunida ku faafay dhaqankii akhlaaqeed ee dadyawgii islaamka faafinayay ay kula dhaqmeen, sida tusaale ahaan ay  sheegaan taariikhyahandu, wadanka Malaysia waxa islamku ku gaadhay dhaqankii ay xambaarsanaayeen dadkii ganacsatada ahaa ee u tagay umadaas, maantana waa wadanada ugu badan tirada muslimiinta.  Isbadalka ku dhaca fikirka toolmoon ee umadaha ama qaadashada dhaqanada aan asalkoodii hore ku jirin waxuu in badan ka tarjumaa burburka xadaaradeed ee umadaas, tusaale ahaan sida dadka reer galbeedka ahi muslimiinta u yaqaanan marka ay sifaynayaan oo ah in ay ku tilmaaman dad xag jir ah oo haysta diin aan naxariista aqoon, ama dad u heelan had iyo

WAARI MAYSID WAR HA KAA HADHO

Image
"Falaqaynta Qaybo ka mid ah buug xiiso badan oo uu qoray Michael H.Hart’’ Sida ay tilmaaman Taariikhyahanada dunida badh badan oo ka mid ah in casir  kasta oo aad nooshahay waxa agagaarkaaga ka dhacayaa ( tariikhdan maant) in ay la mid tahay bog ka mid ah bogagii tariikhdii adiga kaa horaysay, oo ay kaliya tahay buugii oo dib loo daabacay. Taas macaneed waxa weeyee in ay dunida soo mareen waxa badan oo ka mid ah waxa ka dhacay hada dunida muslimiinta, sidaas dareed dadka tariikhda dunida faaleeya ay tilmaamaya in dadkii dunida kaga tagay raad aan ilaa iyo hada go’in ay suurta gal tahay inay soo maraan dad u dhigma dadkaas oo leh sifooyinkii ay ku gaadheen inay ku mutaystaan in ay ka mid noqdaan dadka dunida ugu samaaynta badan, waayo bay leeyihiin waxa ay suugaanta caalimga qaybeheeda dahabiga ahi timaaman in aanay waxa kale qaban dadkan guulaystay ee kaliya ay u qaybtaan si kale duwan arimah, waa xikmada tidhaa “ winners don’t do different things, but they do thi

Safarkii Gacan Libaax

Image
Dib u celi xusuusaha. Dabayaaqadii sanadkii 2007 ayaan booqasho dalxiis oo gaaban ku tagay Buurta caanka ah ee Gacan libaax, Maanta anigoo baadhay E-mailkayga ayaan helay Maqaal aan maalintaas ku qoray diiwankaga xusuus qorka, maqaalka oo aan ka diyaariyay sifooyinka layaabka leh ee aan ku soo arkay buurta Gacan libaax. ila wadaaga maalintaas iyo dalxiiskaas aan duugoobin. Waxa aan aad uga xumah ay in aan ka soo qaadin maalintaas sawiro. - Ninba waxuu ku taamaa - ama hees ka tiriyaa - tixo gabay ku sheegaa - halka lagu talaalee - hawadiisu taallee - uurkiisu tebeyee, - Gacan libaax waxay ku taalaa - xididdada tin iyo cidhib - tebinaaya dhiigee. Sida aynu wada ognahay buurta gacan libaax waxay ka mid tahay buuraha ugu caansan gayiga somaaliyeed, buurtu waxay ku talaa silsilad golis waxayna caan ku tahay xaga dalxiiska, waan goob soo jiidhasho leh oo u roon am dareen la yaab leh galinaynaya idhaha ku naaloonaya bilicsanaanta buurtan. Hadaba waxa maqaalkan uu qalinku sawirayaa sifooyink