Posts

Showing posts from September, 2013

Agoomaynta Aqoonta

Image
Q eexida Erayga aqoon waa dood si weyn la isugu khilaafsan yahay walina socta horna u socon jirtay, doodani waxay u dhaxaysaa   aqoonyahankii dunida soo maray iyo kuwa maanta jooga gaar ahaan culimada Falsafadaha qaybta barashada aqoonta " Epistemology"   barshada, Falkinta iyo   fahamka aragtiyaha aqoonta ‘’Theory of knowledge". Eraygan Aqoon mar waxa lagu qeexay in ay tahay wax koobsanaya ama ay ku jiraan xaqiiqooyin, Xog, Faalo, xirfado lagu lehay laba dariiq midkood, barasho la bartay ama waayo aragnimo sanado badan soo jirtay , waxa laga yaabaa in aqoontaas lagu kasbaday mid loo soo joogay dhacdooyinkii dhacayay  isla wakhtiga ay dhacayeen ama mid la tijaabiyo lana talaalay. Barashada Aqoontu waa qayb ka mid ah barashada falsafadaha kala duwan ee aqoonyahanka dunida wareeriyay, filasoofarkii caanka ahaa ee Plato ayaa isu ku qeexay  '' Aqoonta" in ay saldhig u tahay sadex arimood, ka hore in Cadayn (Justification) loo helo shayga lagu tilma

Ubad wuu dayacan yahay, Ninka dayr-tan nooloow..!

Image
Qorshe la'aantu qof ilaa qaran waa qasaarooyinka nolosha umad ahaan iyo qof ahaan, duul aan qorshe lahaynini meel kama kaa gaadho qaabaynta nolasha.  Waxan uga socdaa arartan sare doodii uu  bilaabay Ahmed deeq ee gundhigeedu ahaa  Ubad badan uma baahinin   oo qorshe la'aan ku yimaada, Fikirka iyo doodaha badan ee la is dhaafsaday waxay tilmaan u tahay in miiska la wada fadhiisan karo oo qorshe lagu midaysan yahay loo heli karo wax kasta oo caqabad ku ah nolosha, waxay kale oo astaan u tahay dhamaadka casrigii qoriga iyo cahadigii fikirka kaliya ee soomali daashaday ama fikirkii kaligii talisnimada ahaa ee ku dhisnaa hadii tayda la diido qas baa xigi. Aan ku soo noqdo nuxurka dooda qurxuda badan ee dagalka Weedhsan.com ku dhex maraysa dhalinta qalin layda ah, ugu horayn sida aan u fahmay maqaalka kowaad ee Ahmed deeq ( Ubad badan uma baahinin) laba shay ayaa saldhig u ah dooda uu soo dhigay. 1. Joojinta guurka ama  yaraynta dhasha iyo 2. Qorshe la'aa

Sidaad isu taqaan ayay dadku kuu yaqaanan

Image
Duulaanka lagu qaado fikirka umadaha waxuu dhaawac weyn u gaystaa in badan oo ah fikirka toolmoon ee umadaas, Waxuu dhalin gadiyaa oo raad weyn kaga tagaa qiyamka nololeed, akhlaaqeed iyo fikireed  ee umadaas. Sida ku cad bogaga taariikheed ee dunida gaar ahaan taariikhada Islaamka, waxa qayb weyn ka qaatay fiditaankii islamku uu dunida ku faafay dhaqankii akhlaaqeed ee dadyawgii islaamka faafinayay ay kula dhaqmeen, sida tusaale ahaan ay  sheegaan taariikhyahandu, wadanka Malaysia waxa islamku ku gaadhay dhaqankii ay xambaarsanaayeen dadkii ganacsatada ahaa ee u tagay umadaas, maantana waa wadanada ugu badan tirada muslimiinta.  Isbadalka ku dhaca fikirka toolmoon ee umadaha ama qaadashada dhaqanada aan asalkoodii hore ku jirin waxuu in badan ka tarjumaa burburka xadaaradeed ee umadaas, tusaale ahaan sida dadka reer galbeedka ahi muslimiinta u yaqaanan marka ay sifaynayaan oo ah in ay ku tilmaaman dad xag jir ah oo haysta diin aan naxariista aqoon, ama dad u heelan had iyo