Posts

Showing posts from July, 2017

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii [3]

Image
Loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? {3} Markii James Comey uu si daah furan ugu waramay Guddiga baadhista ee Aqalka odayaasha Maraykanka ayaa Jariirada Washtington post ay baahisay maqaal ay ku sheegayso in Madaxweyne Trump uu laba goor oo kala gaar ah waydiistay laba sarkaal oo khubro ku ah sirdoonka ah, Deniel Coates oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka iyo Adm. Micheal S. Rogers, agaasimaha haaydaha amaanka qaranka maraykanka, in ay ka caawiyaan inuu iska caabiyo baadhista FBI-da wado, waxuu Trump si cad ugu sheegay labada sarkaal inay toos u diidaan inay jiraan waxa cadayn ah oo tilmaamaysa farogalinta ruushku ku lahaa doorashadii 2016, lakiin waxa lagu soo waramay in masuuliyiintaas sirdoonku ay u arkeen codsigu in aanu ahayn mid haboon oo ay raaci karayaan. Toban Cisho ka dib, ayuu haddana Madaxweyne Trump mar kale James Comey telefoon kula xidhiidhay, waxa Comey sheegay in Madaxweyne Trump uu soo wacay March 30, isaga oo kala hadlay ari

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

Image
Loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? Loolanka siyaasadeed ee Comey iyo Madaxweyne Trump waxa si weyn loogala socday dunida gaar ahaa waddanka Maraykanka dhexdiisa, waxa isha si gaar ah ugu hayay dadka faaqida arimaha is xukunka dawladdnimada iyo ku dhaqanka hanaanka hufnaanta dawladdnimo, sidoo kale waxa xiise gaar ah u yeelay doorka saxaafada gaar ahaa jariiradaha mataanalaha ah ee Washigton post iyo New york times, kuwaas oo daabacay xogo kaalin muhiim ka ciyaaray loolanka Comey iyo Trump, bal haddaba aan sii waddno sheekada saamaynta ugu badan ku leh loolankood si aynu u gaadhno qodobo qof ahaan iyo qaran ahaaanba laga qaadan karo. Sheekadii inoo soctay waxay inoo joogtay Trump oo saldhigi la’a ka dib baadhista FBI-da ee Mike Flynn, La taliyihii amaanka qaranka ee Trump ee lagu qasbay inuu xilka ka dago, Trump ka dib waxa uu Aqalka Cad kula balamay James Comey. Haddaba Kulankani waa mid ka mid ah kuwa ugu xasaasisan 9 kii xidhiidh ee Comey iyo Tr

Maxaa laga baran karaa loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? Qaybta [1]

Image
Maxaa laga baran karaa loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? Qaybta [1] Waxa jira wax aad dhagaysto ama akhrido lakiin kaaaga duwan wararkii caadiga ee maalin kasta kuu soo mari jiray, marka aad aragto loolan dhexyaala Madaxweyne awood fulineed leh iyo agaasime maamula xafiis hoosaad hoos taga maamulka madaxweynahaas lakiin shaqo ahaan madax banaan, waxa aad Dhacdooynikaas iyo loolankaas ku gadmaanay la xasuusanysaa dalka iyo dawladdnimadda aad ku dhex nooshay, waxa is waydiinaysaa maxaad cashro laga baran kartaa?loolanka siyaasadeed ee dhexyaala Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump ayaynu qayb yar oo ka mid ahi ay si gaar ah u tilmaami doonaa. Bal aan si kooban u eegno waxa laga qaadan karo, hab-dhaqankii agaasime Comey uu kaga falceliyay kulmo sagaal ahaa oo uu la yeeshay Madaxweyne Trump intii uu xilka xafiiska Oval office-ka la wareegay iyo intii uu ku sugnaa daartiisa Trump Tower ee uu sugayay inuu xilka la wareego. Inta aynaan u g