Maxaa laga baran karaa loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? Qaybta [1]

Maxaa laga baran karaa loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? Qaybta [1]

Waxa jira wax aad dhagaysto ama akhrido lakiin kaaaga duwan wararkii caadiga ee maalin kasta kuu soo mari jiray, marka aad aragto loolan dhexyaala Madaxweyne awood fulineed leh iyo agaasime maamula xafiis hoosaad hoos taga maamulka madaxweynahaas lakiin shaqo ahaan madax banaan, waxa aad Dhacdooynikaas iyo loolankaas ku gadmaanay la xasuusanysaa dalka iyo dawladdnimadda aad ku dhex nooshay, waxa is waydiinaysaa maxaad cashro laga baran kartaa?loolanka siyaasadeed ee dhexyaala Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump ayaynu qayb yar oo ka mid ahi ay si gaar ah u tilmaami doonaa.

Bal aan si kooban u eegno waxa laga qaadan karo, hab-dhaqankii agaasime Comey uu kaga falceliyay kulmo sagaal ahaa oo uu la yeeshay Madaxweyne Trump intii uu xilka xafiiska Oval office-ka la wareegay iyo intii uu ku sugnaa daartiisa Trump Tower ee uu sugayay inuu xilka la wareego.

Inta aynaan u galin nuxurka qoraalkan kooban aan is dultaagno si gole ka fuul ah dhacdooyinka saamaynta taban ku lahaa inuu agaamise Comey la yimaado hab-dhaqanka gaarka ah ee aanu u socono.

Ugu horayn Diicanber 29, 2016 ayuu Madaxweyne Obama ku dhawaaqay in talaabooyin cunqabtayn ay ku jirto uu ka qaadayo Waddanka Ruushka oo lala xidhiidhiyay inuu farogalin ku lahaa doorashadii Maraykanka ee Trump ku guulaystay, waxa uu qaaday talaabo ah inuu caydiyo diblamaasiyiin ruush ah. waxa xigtay talaabdaas in u qaybsanaha la taliyaha Madaxweyne cusub ee Trump ee amaanka Qaranka Maraykan in uu xidhiidh telefoon ah la sameeyay safiirka ruushka ee Washington u fadhiya ruushka, waxa uu balqaaday in cunqabtaynta Obama saaray la dabcin doono marka Trump xilka la wareego, telefoonkaas waxa dabagal ku hayay haayadaha sirdoonka Maraykanka.

January 6-deedii 2017 ayuu agaasime Comey warbixin xog sir ah siiyay Trump, xogtaasi iyo arimo la la xidhiidhay faragalinta ruushka ee arimaha doorashada maraykanka ayuu la soo qaaday, Agaasime Comey waxa xogtaas ku sheegay in aanu Trump oo aan xilka wali la wareegin aanuu si shaqsi ah baadhitaan ugu socon isaga faragalinta ruuska awgeed, kulankaas oo ka dhacay daarta Trump Tower ee New-york waxa Agaasime Comey ka dib kulanka qoray qoraal xafiiseed (memo letter) uu la wadaagay hogaanka sare ee xafiiska FBI-da waxna uu ku qoray laabtop FBI-du leedahay oo ku jiray gaadhigiisa oo dibada hore ee daarta Trump Tower yaalay.
Comey oo sharci dajiyaaasha hortagay si su’aalo looga waydiiyo kulankaas ayaa sababta qoraalka uu uga sameeyay ku dooday in uu ka cabsi qabay in Madaxweyne Trump uu been ka sheego nooca kulankooda.
14 cisho ka dib kulankaas ayaa Donald J. Trump loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynihii 45aad ee Maraykan, lakiin 2 cisho uun ka dib dhaarintii xilka Madaxweynenimo ayuu Agaasmiye Comey ku qaabilay munaasibad Aqalka Cad ka dhacaday, waxa uu madal ilyartu isqabatay kula kaftamay in Agaasmiye Comey ka caansan yahay isaga oo Madaxweyne ah (he’s become more famous than me), tan waxa uu ka dibaaqayay Tuhun uu Trump qabay maalmo uun ka hore in ay FBI-du heshay macluumaad cusub oo la xidhiidh fadeexadii email-da ee Hilary Clinton, tan waxa Trump uu ku badhxayay fadeexda cusub ee Flynn ( La taliyaha amaanka qaranka ee Madaxweyne Trump).
Ka dib kulankaas 3 cisho uun ka dib January 24, ayay FBI-du waxa ka waydiisay Flynn xidhiidhkiisii isga iyo Ambassador Kislyak, safiirka ruushak maraykanka u fadhiya. Tani waxay sas ku riday Madaxweyne Trump
FBI-da oo ah xafiis qaabilsan sirdoonka iyo amaanka Qaranka Maraykanka, waxa hogaamiye Agaasime James Comey, waxa xilka loo doortaa 10 sano inuu hogaamiye, waxay sharci ahaan hoos tagtaa una warbixiyaan waaxda Cadaalada Maraykanka (Department of Justice), lakiin shaqo ahaan way madax banaan yihiin, FBI-du waxay ka mid tahay bahaha sirdoonka maraykan.

Haddaba Jan/26 keedii ayay Sally Yates oo ah ku simaha xeer ilaaliyaha guud, lana socdaan caawiyaasheedu ay u sheegtay la taliyaha Aqalka cad ee Trump Don McGahn in arimo cunoqabataynta ruushka la xidhiidha ay ku jireen wadda sheekaysigii Flynn iyo ambassordorka ruushku Kislyak, taas oo sababi karta ayay Yates in la taliye Flynn uu u nuglaado in ruushku uu shaadhka ka gubo Flynn (blackmailing).

Isla maalintii xigtay ayaa markale Sally Yates looga yeedhay Aqalka cad si loo sii faaqido arinka Fylnn iyo ruushka, Yates waxay sheegtay in arinta aanay cid kale oo aqalka cad ah ogayn marka laga tago iyada, la taliyaha aqalka cad, lakiin isla maalintiiba waxa wariyaasha lagu wargaliyay in Madaxweyne Trump lala socdiisyay arinta Flynn, waxa lakiin taas cadho ka muujiyay la taliyaha aqalka cad Don McGahn oo ku dooday sababta aqalka cad arinta loo dhex wado ee loogu dayn wayay inay hogaamiso waaxda Cadaalada Maraykan.

Intaasi markii ay dhacday maalinimadii 27kii January, Madaxweyne Trumpna maqalay in baadhitaan culus lagu hayo Flynn taas oo la xidhiidh balaqaadyo uu Trump uga sido ruushka ayaa Kulankii 3aad dhex maray habeenkii 27-ka Madaxweyne Trump iyo agaasime James Comey, kulanku waxa uu ka dhacay Aqalka cad oo casho lagu lahaa, kulanka cida codsatay Trump mise Comey isku si umay sheegin, Trump waxuu sheegay in Comey doonayay kulanka si uu xilka agaasime ee FBI-da u sii joogo, lakiin Comey waxuu sheegay Madaxweynu martiqaaday isaga iyo xaaskiisaba lakiin markii danbe uu kaligii yidhi ii kalaay mar kale ayaan xaaska iyo adiga ku marti qaadiye.

..... La soco qaybta 2aad
Qoraale kale ka Eeg Bloga:


Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA