Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii [3]

Loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump? {3}

Markii James Comey uu si daah furan ugu waramay Guddiga baadhista ee Aqalka odayaasha Maraykanka ayaa Jariirada Washtington post ay baahisay maqaal ay ku sheegayso in Madaxweyne Trump uu laba goor oo kala gaar ah waydiistay laba sarkaal oo khubro ku ah sirdoonka ah, Deniel Coates oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka iyo Adm. Micheal S. Rogers, agaasimaha haaydaha amaanka qaranka maraykanka, in ay ka caawiyaan inuu iska caabiyo baadhista FBI-da wado, waxuu Trump si cad ugu sheegay labada sarkaal inay toos u diidaan inay jiraan waxa cadayn ah oo tilmaamaysa farogalinta ruushku ku lahaa doorashadii 2016, lakiin waxa lagu soo waramay in masuuliyiintaas sirdoonku ay u arkeen codsigu in aanu ahayn mid haboon oo ay raaci karayaan.

Toban Cisho ka dib, ayuu haddana Madaxweyne Trump mar kale James Comey telefoon kula xidhiidhay, waxa Comey sheegay in Madaxweyne Trump uu soo wacay March 30, isaga oo kala hadlay arinta farogalinta doorashada ee ruushka, Comey waxa uu sheegay in Madaxweyne Trump uu ku tilmamay arinta ruushka Dhas Cloud haysta maamulkiisa taas oo wiiqaysa inuu shaqadiisa Madaxweynimo si wacan u guto, waxa Trump ku dooday in aanay jirin wax la taaban karo oo ruushku sameeyay ama aanay jirin waxa is dabo marin ah oo ruushku ku sameeyay doorashadii uu ku guulaystay.

waxa kale oo Trump u sheegay Comey in uu filayo in telefoonadiisa la duubi jiray wakhtigii olalaha doorashada, sidaas darteed waxaan Trump ahaan kaa codsanayaa in aad Dhaskaa aad qaado Lift the Cloud.

James Comey waxuu u sheegay in uu ugu sheegay Trump sidoo kale uu u sheegay hogaanka kongresska shakhsiyaadka la baadhayo, taasna uu markale Madaxweynaha xasuusinayo, intaas ka dib waxa Trump codsaday in uu xaqiiqda dagdag u soo saaro, waxa kale oo Trump sheegay malaha inay jira satalatyo si khaldan wax u sameeyeen, lakiin aanuu isgu wax lug ah ku lahayn arinkaas.

Laba iyo toban cisho ka dib maalintaas ayuu Comey sheegay in mar kale uu Trump telefoon ka soo wacan, kaas oo ahaa xidhiidhkii ugu danbeeyay ee isaga iyo Trump dhex mara, Waxa uu Trump ka codsaday wax uu ka qabtay codsigiisii hore ee ahaa in xaqiiqada dagdag loo soo saaro, Comey waxa uu u sheegay in uu fariin ugu dhaafay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka lakiin aanu war ku soo celin, Comey ayaa fariin Trump ugu dhiibay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud isaga oo sheegay in aanu mar danbe u dulqaadan doonin in Trump telefoon kala soo hadlo oo wax shaqada ay hayaan khuseeyaa kala hadlo, lakiin haddii Madaxweynuhu raba inuu shaqada war ka helo uu soo maro wadadda sharciga ah oo ah Waaxda Cadaalada Maraykanka ama xafiiska xeer ilaalinta oo FBI-du ay u mariso xogta Madaxweynaha marka laga reebo inay si gaar ah war u siiyaan Madaxweynaha taas oo qorshe cad iyana ku timaada.

May 2-deedii ayuu Trump Twitter-kiisa ku eedayay Comey isaga oo tilmamay in Comey uu fursado badan oo saxaafada ah siiyay Hillary Clinton, lakiin taas Comey waxa uu kaga jawaabay in uu Koongrasska Maraykanka u sheego in aanu siin wax fursada ah ama aanay rumaysnayn in baadhistoodii Hillary Clinton aanay wax saamayn ah ku yeelan doorashada taasna hadda la laabayba, lakiin ay hadda waddayaan baadhista ruushka ee farogalinta doorashada ah.

Lix cisho ka dib, May 8, ayuu Trump u sheegay Xeer ilaalihaya iyo ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, General Jeff Sessions iyo General Rod J. Rosentein inuu rabo inuu shaqada ka caydiyo James Comey. General Rod J. Rosentein, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa soo qoray soo jeedin ku saabsan in Shaqada laga eryo James Comey, in kasta oo mar danbe cida codsigaas samaysay shaki la galiyay, Comey waxa erigiisa sabab looga dhigay in xafiiska FBI-du ay hoos u dhacday sumacadiisu loona baahday in qof cusub oo haga loo xulo, dalabka warqada General Rod J. Rosentein lama sheegin cid ka codsatay inkasta oo saxaafadu sheegtay in Trump ka dambeeyay.

Sagaalkii Bishii May, ayaa Comey loo sheegay in maanta wixii ka danbeeya aanuu sii waddi doonin hogaanka FBI-da, warqada lagu erayay ayaa lagu xusay in aad loogu mahad celinayo sidii uu saddex goor oo kala duwan ugu sheegay Madaxweyne Trump in aanuu baadhis shaqsi ah ku wadin, taas oo u muuqta in Trump uu tixraacayo kulamadii January 6, 27 iyo March 30-keedii.

Maalin ka dib caydinta Comey waxa Trump uu Aqalka Cad kula kulmay Wasiirka Arimaha dibada iyo Safiirka Washington u fadhiya ruushka, Madaxweyne Trump waxa uu u sheegay masuuliyiinta Ruushka in uu Comey shaqada ka erayay sababta oo ah inuu kala kulmay culays dheeri ah arintiisa ruushka awgeed, sidoo kale Trump waxa uu masuuliyiinta Ruushka la wadaagay xog sir ah oo sare taas oo gadaal laga sheegay in Isreal u soo gudbisay Maraykanka, waxa kale oo Trump u xaqiiyiyay in aanu isagu shaqsiyan baadhisi ku socon.

Dhamaan ficiladani waxa ay la kulmeen cabaarayn Madaxweyne Trump loo jeediyay. Ku xigeenka Xoghaya saxaafada ee Aqalka cad ayaa sheegtay May 10, in eriga Comey laga fikirayay ilaa maalintii Trump xilka la wareegay, waxa sidoo kale Madaxweyne Trump u sheegay Telefishanka NBC in eriga Comey uu isagu rabay arinta ruushkan uu maanka ku hayay, marka meel la iska dhigo soo jeedinta xeer ilaalinta guud, Gudoomiyaha iyo xigeenkiisaba, waxa uu sheegay in FBI-du ay ku dhex dabaalatay qas walina aanay ka soo kaban.

lakiin baadhayaasha saxaafada ee xaqiiqda warka (Fact checkers) ayaan ganafka ku dhuftay sheegashada Trump, Sidoo kale laba cisho ka dib ku simaha agaasimka FBI-da Anderw McCabe ayaa gudidda Senate-ka ee baadhista wadday u sheegay in Comey uu wali haysto taageeradooda.

Dhanka kale loolanka Comey iyo Trump waxa garab socday baadhis ay bilaabeen Gudidda sirdoonka ee Aqalka sare ee odayaasha Maraykanku (Senate). Gudiddan oo si gaar ah loo soo xulo waxa markii ugu horaysa la aasasay sanadkii 1976, waxay korka kala soctaa isla markaan ay baadhis ku samaysaa hawlaha sirdoonka ee Maraykanka, Gudiddu waxay baadhistoodu u gudbisaa iyada oo qoraal ah Aqalka Sare ee odayaasha Maraykanka, kaas oo ka kooban 100 xubnood oo laba xubnood oo kastaa ay matalaan 50-ka maamul gobaleed (States) ee Waddanka Maraykan, xubin walba oo Aqalka sare ee Senate-ka ahi waxay matashaa celcelis ahaa in ka badan 3 million oo qof oo maraykanka ah, sidaas darteed waa xubno aad looga fiirsaday inay Aqalkan ka mid noqdaan.

Gudiddani waxay ka kooban tahay 15 xubnood, 8 xuboond waxay ka yimaadaan xisbiga leh aqlabiyada Golaha, 7-na waxay ka yimaadaan xisbiga kale ee leh kuraasta yar ee Golaha, Shaqo ahaan Gudiddu waxay u samaysan tahay mid aan tixigalin nidaamka xisbinimada (nonpartisan) si ay uga turjunto danaha shacabka maraykanka. Hogaanka Gudiddu waxa uu ka yimaadaa xisbiga leh aqlabiyada Golaha iyo ku xigeenka oo ka yimaada xisbiga kuraasta yar leh, sidoo kale waxa Guddida ku jira xubin hawl gab ah oo leh darajada ugu saraysa ee ciidamada qalabka sida iyo xubnaha golaha ee leh khibrada ugu badan ee xidhiidhka arimaha dibada, iyo nidaamka cadaalada waddanka, dhamaan xubnahaas iyo Guddoonkoodu waxay hubiyaan habsami u socodka hawlaha Guddida.

Guddidu waxay galaangal u leedahay hawlaha sirdoonka ee sida gaarka ah loo kaydiyay (Classified Intelligence), waxa kale oo ay awood u leeyihiin inay xidhiidh la sameeyaan goobaha sirdoonka, nidaamka koobiyuutarda iyo qaababka kala duwan ee xog helista sirdoonka. Shaqada Gudidda ama nidaamka ay u shaqayso waxa ka mid ah;

1) In ay dhagaysi samayso (Hearings) – Guddidu waxay kulantaa week-gii ama labadii week-ba mar si ay xog dhagaysi ah uga hesho xubnaha sar sare ee Sirdoonka Maraykanka, ama xubnaha hoose ee sirdoonka. Xubnaha Sirdoonka ee Gudiddu u yeedhdo waxay ka jawaabaan suaalo qaato 1 saac ilaa 2 saac iyo badh.
Qodobada inta badan la waydiiyo waxa ka mid ah, habka hawlka sirdoonka, qaabka xog ururinta sirdoonka, qalabka ay adeegsadaan si ay xogtaas u saxal tiraan iyo qaabka ay u tabiyaan marka ay hubiyaan. Qaabka waraysiga xubnaha sirdoonka ee gudiddu waxa uu ku yimaadaa qaab xidhan oo aan dhagaysiga dadweynaha la ogalayn lakiin mararka qaar ayaa si daahfuran oo telefishanka laga baahiyo ay u qabtaan kulanka suaal waydiinta ee gudidda. Kulamadaas waxa ka mid ahaa kii James Comey lala yeeshay.

2) Shaqada Gudidda waxa kale oo ka mid ah inay samayso xeerar (Legislation) xadiddaya hab-dhaqanka xubnaha sirdoonka iyo xeerarka hab isticmaalka qalabka waxa lagu basaaso.

3) Shaqadda Gudiddan waxa kale oo ka mid ah in ay baadhis samayo (Investigations and Reviews), Gudiddu waxay awood u leedahay inay baadhis furto marka ay dhacdo arin la xidhiidha sirdoonka, sida arinta ruushka ee faro galinta ruushka.

4) Shaqada Gudidda waxa kale oo ka mid ah inay hubiso xubnaha Madaxweynuhu u soo magacaabo inay noqdaan ama hogaamiyaan sirdoonka, Gudiddu waxay warbixin (Recommendations) siisaa Golaha Aqalka sare si codka kalsoonida ah loogu qaado. Waxay dhawaan baadhi doonaa qofka FBI-da hogaamin doona isla markaan xilka kaal wareegi doona James Comey oo shaqda laga caydhiyay.

Haddaba sababta inoo keentay in aynu waxa ka ogaano shaqada Gudiddu ayaa ah doorka ay Gudiddu ku leedahay arinta baadhista FBI-da ee Madaxweyne Trump uu isku dayay inuu is hortaago taas oo ah haddii ay cadaato in baadhis Cadaaladeed uu Donald Trump is hortaagay in ay noqnayso in Madaxweyne Trump uu jabiyay Qodob Dastuuri ah oo ay ka dhalanayso in maamuus ka xayuubi uu la kulmo.

Haddaba, Gudiddu iyada oo Shaqadeeda Gudanaysa ayay u yeedhay Madaxii hore FBI-da si suaalo u furan looga waydiiyo shaqada FBI-da, xidhiidhkii isaga iyo Trump iyo wixii macluumaad ah ee uu ka ogyahay arinta farogalinta Ruushka ee Doorashada Maraykanka.

Ka hore intii aanuu Comey hor iman Gudidda waxa iyna Gudiddu u yeedhay Sally Yates oo ahayd ku simihii xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka ka hore intii aan Trump xilka ka qaadin, Gudiddu waxay Sally Yates waxa ka waydiisay arinta Mike Flynn iyo xidhiidhkiisa ruushka, waxa kale oo gudidda u yeedhay Jefferson B. Sessions oo noqday xeer ilaaliyaha guud ka dib caydhintii Sally Yates.
James Comey intii aanuu hore iman Gudidda waxa uu saxaafada u dusiyay xog ku saabsan kulankii isaga iyo Madaxweyne Trump ee ka dhacay Ovel office-ka, Comey waxa uu u sii mariyay xogtaas saxaafada profisoor culuumta siyaasada ka dhiga Jaamacada Columbia. Comey oo Gudiddu waydiisay sababta keentay inuu dusiyo macluumaadkan ayaa ku gaabsaday inuu rajo ka qabay in bandhiga xogtaasi ay sabab karto in cid gaar ah loo magacaabo arinta ruushka.

May 17-keedii ayuu Xeer ilaaliye xigeenka Maraykanku Mr. Rod Rosenstein uu u magacaabay Robert S. Mueller inuu noqdo u qaybsanaha gaarka ah ee arinta ruushka, taas oo noqtay sidii Comey wax u waday. Robert S. Mueller waa looyer khabiir ah oo magac dheer ku leh waddanka Maraykanka, waa madaxii hore ee James Comey xilka FBI-da ku wareejiyay, sidoo kale waa masuulkii ugu wakhtiga dheeraa ee xafiiskaas FBI-da soo mara isaga oo joogay 10 sano oo loo doortay inuu xafiiska FBI-da hogaamiyo iyo 2 sano oo dheeraad ah oo Madaxweyne Barak Obama uu ugu kordhiyay inuu shaqada FBI-da sii waddo.

Magacaabista Mueller waxa laga soo dhaweeyay guud ahaa waddanka Maraykanka, gaar ahaa xisbiyada Jamhuuriga iyo dimuquraadiga, waxa loo arkay inuu ka midho dhalin karo shaqada gaarka ee loo xilsaaray inuu hogaamiyo. Mueller waxa uu si gaar ah u eegi doonaa arinta ruushka iyo guud ahaa shaqada FBI-da ee la xidhiidha arinta ruushka iyo doorka Aqalka Cad ee arintan.

Mueller markii uu shaqada bilaabay waxa uu qortay looyero khibrad dheer lagu tuhmayay kuwaas oo qaarkood lala xidhiidhiyay inay xisbiga dimuquraadiga taageereen marar badan, taasi waxay ka cadhaysiiyay Madaxweyne Trump oo bartiisaa Twitter ku cabiray dareenka uu ka qabo shaqada iyo shaqaalaha Mueller, lakiin muddo yar ka dib waxa soo if baxay in Mr. Robert S. Mueller uu baadhayo suuragalnimada ah in Madaxweyne Trump uu sameeyay is hortaag cadaaladeed (Obstructions of Justices) taas oo qaanuunka dastuuriga ah ee Waddanka Maraykanka ka hor imanayso.

Madaxweyne Trump waxa uu wareer dhanka Twitter-ka ah ku qaaday ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud kaas oo Trump uu ugu duur xulay in ninkan (Rosenstein) ee kula taliyay inuu Comey eryo uu isaga (Trump) baadhis ku hayo, waa dagaal iga dhan ah ayuu Trump ku gabagabeeyay Tweet-kiisa. Madaxweyne Trump waxa uu tan ka tixraacayay baadhista la sheegay in Mueller uu ku hayo Trump.

Dhanka kale, James Comey ayaa hortagay Gudidda sirdoonka ee Aqalka Cad, Comey waxa uu galay laba dhagaysi oo kala ahaa mid qoraal ah oo 7 bog ka kooban (written Testimony) kaasoo uu kusoo koobay kulamadii isaga iyo Trump dhex maray, waxay is yidhaahdeen iyo sida uu uga fal celiyay. James Comey waxa qoraalka ka dib la waydiiyay (Comey Hearings) suaalo qaatay 2 saac iyo 45 daqiiqo kaas oo 15-ka xubnaha gudidda ahi ay wax kasta oo la xidhiidha arinta ay waydiiyeen.

Comey waxa si weyn u caawiyay una suura galiyay inuu si aan hakad lahayn uga gudbo qoraal xafiiseedkii uu ka sameeyay kulamadkii xasaasigaa ahee isaga iyo Trump dhex maray kuwaas oo si weyn loo tixgaliyay maadaama uu ahaa masuul xil saarnaa intii uu qoraalka qorayay sidoo kalna aanay jirin arimo badan oo gadaal ka dhacay sida caydhintii shaqada uu ka caydhiyay Trump.

La soco qaybta u danbaysa iyo xogaha gaarka ee laga qaadan karo.


Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA