Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

Loolanka Agaasime James Comey iyo Madaxweyne Donald Trump?

Loolanka siyaasadeed ee Comey iyo Madaxweyne Trump waxa si weyn loogala socday dunida gaar ahaa waddanka Maraykanka dhexdiisa, waxa isha si gaar ah ugu hayay dadka faaqida arimaha is xukunka dawladdnimada iyo ku dhaqanka hanaanka hufnaanta dawladdnimo, sidoo kale waxa xiise gaar ah u yeelay doorka saxaafada gaar ahaa jariiradaha mataanalaha ah ee Washigton post iyo New york times, kuwaas oo daabacay xogo kaalin muhiim ka ciyaaray loolanka Comey iyo Trump, bal haddaba aan sii waddno sheekada saamaynta ugu badan ku leh loolankood si aynu u gaadhno qodobo qof ahaan iyo qaran ahaaanba laga qaadan karo.

Sheekadii inoo soctay waxay inoo joogtay Trump oo saldhigi la’a ka dib baadhista FBI-da ee Mike Flynn, La taliyihii amaanka qaranka ee Trump ee lagu qasbay inuu xilka ka dago, Trump ka dib waxa uu Aqalka Cad kula balamay James Comey.

Haddaba Kulankani waa mid ka mid ah kuwa ugu xasaasisan 9 kii xidhiidh ee Comey iyo Trump dhexmay, kulanku waxa uu kaliya dhex maray Trump iyo Comey cid kale kuma aysan wehelinin, wixii dhex maray oo saameeyay ficilo badan oo madmadow galiyay hanaanka isla xisaabtan Waddanka Maraykan ayaa ka dhigay in si qoto dheer loo faaqido xogta kulankan iyo sida ay labada dhan ee kulmay (Trump iyo Comey) midba u sheego xog ka duwan ka kale, halkaas marka ay marayso hufnaanta xogtu waa aasaaska dooda cid loo iilanayo ama la qaadnayo warkeeda, haddaba sidee wax u dhaceen, ugu horayn kulanku waxa uu ku bilaabmay jawi dagan oo taxdar badan uu ka muuqdo Agaasime Comey, sababta taxdarka dheer galisay ayaa ah xafiiska uu joogo ee FBI-da iyo baadhista uu gacanta ku hayo ee Flynn oo sababi karta inay raadayso Trump.

Sida uu sheegay Comey, markii uu horfadhiy gudida baadhista aqalka odayaasha (Senate),waxa Madaxweyne Trump uu kulankaas waydiisatay Agaasime Comey inuu rajo ka qabo inuu sii joogo xafiiska FBI-da iyo in kale, waxa uu yidhi Comey waan la yaabay waxa aanan gartay in sababta cashadu laygu yeedhay ay tahay in xilkayga FBI-da la iga waraysto in aan sii joogayo iyo in kale, tani waxay ii muujisay in Madaxweynuhu doonoyo in uu xidhiidh dhaw ila sameeyo, taasi waxay ii muujisay ayuu haddan comey yidhi in aan dareen xoogan qaato iyada oo dhaqanka caanka baxay ee FBI-du ahaa in uu madax banaanado, waxaan ku afgoobaadsaday in aanan cidna siyaasin taageero u hayan ee aan dhex u ahay taasna ay shaqda FBI-du I farayso.

lakiin in yar ka dib ayuu Trump si cad ii waydiistay in aan daacad dhab ah u noqdo, taas oo na galisay labadayba in aanu dariiqado kala aamusno, waxa aan ku idhi aniga oo dabin dhawranaaya in aad daacadnimo iga heli doontid taas oo aan uga jeeday in aan wax aad leedahay kaa qaadin wax aanad lahayn kuugu eexan. Dhawr goor ayuu arinkaas soo celceliyay in aan daacad u ahaado ana intaas uun baan ugu jawaabayay, habeenkaas waxa kale oo Comey madaxweynaha u sheegay in aanu baadhis ku wadin isga lakiin mike Flynn iska la baadhayo.

Jaho-wareerka Aqalka cad wuu sii socday, 3 cisho ka dib habeenkaas waxa shaqada uu Trump ka erayay Sally Yates oo ku sime ka ahayd xeer ilaaliyaha guud, waxa laga raacay warkii xidhiidhka Flyyn ee ruushka ee ay Aqalka cad soo gaadhsiiyay oo saxaafaduna heshay, waxa kale oo ay diiday inay difaacdo go’aanka Madaxweynu uu kaga joojiyay 7-ba dal oo u badan Muslim in ay soo galaan Maraykanka, go’aankaas Madaxweynaha (Excutive Order) oo Sally Yates ay ku tilmaamtay mid aan sharciga waaqasannay, waxaanaa mar danbe laashay Maxkamadaha federaalka ah.

Arinta La taliye Flyyn waxay laf-dhuun gashay ku noqtay Aqalka cad iyo Trump, waxay sidoo kale baadhis xoog leh bilaabay FBI-da iyo laamaha sirdoonka Maraykan ee kale, doorka saxaafada ayaa iyana aad u sareeyay kwaas oo helayay soo bandhigayay xogaha qarsoon ee ay ka helayeen ilo wareedyo badan oo xidhiidh dhaw la leh aqalka cad iyo kaydadka xogaha ee kale duwan.

Saddex iyo toban cisho ka dib caydhintii Sally Yates, February 13, ayaa Jariirada Washington post ay daabacday maqaal dheer oo ay ku faaqidayso in Flyyn uu marin habaabiyay Madaxweyne Xigeenka Maraykanka iyo Aqalka Cad isaga oo ka been sheegay nooca kulan ee uu la qaatay Ambassador Kislyak iyo sidoo kale xidhiidhkiisii dhanka telefoonka (phone calls) ee uu la yeeshay safiirka ruushka, saacado ka dib daabacada maqaalka Washington post ayaa Flynn lagu qasbay inuu xilka isga dago (resign), xil ka dagista mike Flynn waxa dadka Maraykanka u xaqiijiyay Spicer, Xoghaya saxaafada Aqalka cad, sababta xil ka tagista waxa lagu sheegay in Flynn uu lumiyay kalsoonida Madaxweynaha iyo Madaxweyna xigeenka Maraykanka.

Maalin ka dib iscasilaada Mike Flynn ayaa haddan ay dib ugu kulmeen agaasime James B. Comey iyo Madaxweyne Trump, Kulanka oo ka dhacay xafiiska Madaxweynaha Maraykanka ee Oval Office loo yaqaano ayaa haa mid sii qorshaysnaa kaas oo Comey isaga oo gudanay waajibkiisa qaranka uu Madaxweyne Trump la socdsiinayay hawlaha sirdoon ee Madaxweynaha Khuseeya sida waxa ay ugu yeedhaan ka hortaga argagixisada (Counterrorism).

Lakiin sida James Comey sheegay markii kulankaas uu la qaatay Trump dhamaaday ayaa Madaxweynuhu ii sheegay in aan fadhiyo dadkiina ka codsaday ina ka baxaan oo loo xidho albaabka loo yaqaano grandfather, markii la xidhay ayuu Trump ii sheegay inuu doonayo inuu igala hadlo arinkii Mike Flynn, waxa uu igu yidhi Madaxweynuhu in aanuu Mike Flynn wax khaldan samayn arintiisa la xidhiidha ruushka, lakiin uu Flynn si xun u marin habaabiyay Madaxweyne xigeenka oo uu xogtaas ka qariyay ka hore magacaabistiisa (Waxa xusid muddan in Flynn magaacbistiisa ay ahayd ka hore intii aanuu Trump xilka loo dhaarin, taas oo Madaxweyne xigeenku ahaa Madaxa kooxda kala guurka ee labada xukuumaddood).

Comey waxa uu sheegay in Madaxweyne Trump u sheegay in Flynn yahay nin wanaagsan, waxa uu ku celceliyay in aanuu wax khaldan samayn arinkiisa ruushka, aniga, Comey, waxa aan ku celiyay in Flynn yahay nin wanaagsan aniga oo sheegay shakhsi ahaan lakiin aan waxba uga jeedin in arinkiiisa ruushka aanu waxba samayn.

James Comey oo Guddida baadhista sharci dajiyayaasha ay su’aal waydiisa la xidhiidha sida uu u qaatay amaantaas uu tilmaamay Madaxweynaha ee ah in Mike Flynn yahay nin wanaagsan wax khaldan aanu samayn arinkiisa ruushka, ayaa Comey ku jawaabay inuu u qaatay sifaynta Madaxweyna qaab “Tilmaan ah (Directive)” lakiin Garyaaanada Trump ayaan tilmamay in aan loo qaadan Karin Tilmaan weedhaha Madaxweynaha.

Qaska iyo jahawareerka Trump wuu sii socday, 18 cisho ka dib, March 4 ayuu Trump Twiterkiisa oo dhigay in Madaxweyne Obama uu duubay khadkiisa Telephone-ka wakhtigii uu doorashada ku jiray Trump, Maalin ka dib ayaa Jariirada New York Times ay baahisay xog ku saabsan in Comey uu waaxda Cadaalada Maraykan ka codsaday in aanay dag jalaq u siin sheegashaada aan daliilka lahayn ee Trump ku sheegayo in la duubay telefoonadiisa.

March 20 keedii ayuu Comey sheegay in Waaxda Cadaalada Maraykanku (Depertmet of Justice) ku war galisay in aanay helin xog ku filan oo taageerta sheegasada Trump ee ah in la duubay Telefoonadiisa sidaasna ay ku laabtay kiiskaas, waxa kale oo Comey sheegay in isla maalinkaas ay FBI-du baadhaysa nooc xidhiidh ee ka dhexeeyay shakhsiyaadkii ku jiray olalihii doorashada ee Trump iyo dawladda ruushka, waxay FBI-du baadhaysay in uu jiro nooc xidhiidh ah ee ka dhexeeyay olalaha Trump iyo isku dayga ruushka ee farogalinta doorashada Maraykanka.

Sidoo kale, markii James Comey uu si daah furan ugu waramay Gudidi waxa Trump qaaday….

La soco qaybta 3aad iyo sheekada oo meel xasaasi ah gaadhay



Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA