Posts

Showing posts from August, 2013

WAARI MAYSID WAR HA KAA HADHO

Image
"Falaqaynta Qaybo ka mid ah buug xiiso badan oo uu qoray Michael H.Hart’’ Sida ay tilmaaman Taariikhyahanada dunida badh badan oo ka mid ah in casir  kasta oo aad nooshahay waxa agagaarkaaga ka dhacayaa ( tariikhdan maant) in ay la mid tahay bog ka mid ah bogagii tariikhdii adiga kaa horaysay, oo ay kaliya tahay buugii oo dib loo daabacay. Taas macaneed waxa weeyee in ay dunida soo mareen waxa badan oo ka mid ah waxa ka dhacay hada dunida muslimiinta, sidaas dareed dadka tariikhda dunida faaleeya ay tilmaamaya in dadkii dunida kaga tagay raad aan ilaa iyo hada go’in ay suurta gal tahay inay soo maraan dad u dhigma dadkaas oo leh sifooyinkii ay ku gaadheen inay ku mutaystaan in ay ka mid noqdaan dadka dunida ugu samaaynta badan, waayo bay leeyihiin waxa ay suugaanta caalimga qaybeheeda dahabiga ahi timaaman in aanay waxa kale qaban dadkan guulaystay ee kaliya ay u qaybtaan si kale duwan arimah, waa xikmada tidhaa “ winners don’t do different things, but they do thi

Safarkii Gacan Libaax

Image
Dib u celi xusuusaha. Dabayaaqadii sanadkii 2007 ayaan booqasho dalxiis oo gaaban ku tagay Buurta caanka ah ee Gacan libaax, Maanta anigoo baadhay E-mailkayga ayaan helay Maqaal aan maalintaas ku qoray diiwankaga xusuus qorka, maqaalka oo aan ka diyaariyay sifooyinka layaabka leh ee aan ku soo arkay buurta Gacan libaax. ila wadaaga maalintaas iyo dalxiiskaas aan duugoobin. Waxa aan aad uga xumah ay in aan ka soo qaadin maalintaas sawiro. - Ninba waxuu ku taamaa - ama hees ka tiriyaa - tixo gabay ku sheegaa - halka lagu talaalee - hawadiisu taallee - uurkiisu tebeyee, - Gacan libaax waxay ku taalaa - xididdada tin iyo cidhib - tebinaaya dhiigee. Sida aynu wada ognahay buurta gacan libaax waxay ka mid tahay buuraha ugu caansan gayiga somaaliyeed, buurtu waxay ku talaa silsilad golis waxayna caan ku tahay xaga dalxiiska, waan goob soo jiidhasho leh oo u roon am dareen la yaab leh galinaynaya idhaha ku naaloonaya bilicsanaanta buurtan. Hadaba waxa maqaalkan uu qalinku sawirayaa sifooyink

Qalinka iyo Qoraaga

   Sida aynu la socono qalinku waa aasasska iyo hormamarka ay umadi samayso ta u qiimaha badan, waxa kale uu astaan u yahay bulshada hiigsanyso in ay soo saarto dad iyo dal ku dhisan aqoon amaba hadaynu sida kale u dhigno dal ay dadkeedku ku hamiyaya inay qalinka qaatan, hadaad aragto bulsho ay dadkeedu ama faceedu    ka daalaan inay qalinka adeegsadaan, runtii waxaa la odhan karaa waxaa umad gadaaal u socta. Qalinku waa aalada loo adeegsado in isbadal midho dhal ah lagu sameeyo, taasi waxay meesha ka saaraysaa baqihii laga qabay xaga aminga waayo waxa isbadlka wakhtigii hore lagu samayn jiray amba dhaliyradii wakhtiyadii hore u adeegsan jireen ay ahayd xaga qoriga iyo in qas iyo qalalase ku gaadhaan himiladooda, halka ay maanta dhaliyaradu rabaan inay isbadlka u adeegsadaan oo ay ku sameeyaan qalinka. Waxaan odhan karnaa waxaa la gaadhay wakhtigii uu caqligu ina hogaamin    lahaa, waktigaasi waa xiliga aad aragtid waxa loo yaqaano kacaankii qalinka ee somalalind   (Somaliland p

Qisadii Xajaaj Binu Yuusuf iyo Wiilka yar

Image
Qiso dhex martay Xajaaj Binu Yusuuf oo ahaa amiirkii ciraaq iyo shaam iyo wiil yar oo Illahay xikmad iyo cilmi ku manaystay oo ka dhashay qabiilka reer binu Haashim.   Qalinkii :  Abdiqani Ege  Fmcige@gmail.com   Qisadani waxay dhax martay Xajaj binu Yuusuf al-saqafi oo aad wada garanysaan oo amiir ka ahaa dhulka ciraaq dawladii umaawiyiinta xiligeedii iyo will yar oo ka dhashay reer Binu Haashi, xajaaj waxaa abtiyaal u ahaa reer binu umaya oo mucaawiye ka dhashay, wiilkuna waxaa uu isir ahaan ka soo jeeday binu haashi oo cali binu abuu daalib ka soo jeedo dagaalna uu ka dhaxeeyay labdan qolo ee reer binu haashim iyo reer binu umaya.   Qisadu waxay ku bilaabmaysaa in maalin maalmaha ka mida ah uu xajaaj binu yusuf alsaqafi oo amiir ka ahaa wadanka ciraaq uu maalin u baxay ugaadhisi si uu ugaadhsi u soo samaysto,xajaaj markii uu banaanka magaalda uu maraayo ayaa waxa uu la kulmay wiil yar oo gacanta ku haya xadhig ay sagaal  EY  ku xidhan yihiin, xajaaj waxa uu soo dul