Waraabaha iyo siyaasigu xagay iska shabahaan?

Waraabaha iyo siyaasigu xagay iska shabahaan?

Bulsho kasta oo dunida ku nooli waxay la falgashaa hab-nololeedka deegaan ee ay ku nooshahay, kaasna waxa laga dheehdaa marka la darso hab-dhaqankeeda iyo suugaanteeda taas oo ay ku tilmaansanto nolosheeda, isguna gudbiso fac ka fac.

Soomalidii hore ee raacatada ahayd waxa ugu badan ee qofku maalintii iyo habeenkii arko ama maqloba waxay ahaayeen dhir iyo xayawaan, taas waxa sabab u ah in xaywaanku halis ku ahaa noloshooda iyo jirtaankoodaba. Libaaxa, waraabaha, dacwada, xuushada, biciidka iyo boqolal xaywaan oo kale ayay siyaabo kala duwan ugu sifeeyaan hab-dhaqankii ay kala kulmeen intii ay ku wehelka la ahaayeen, taas oo ay ku cabireen sheekooyin ama suugaanba.

Waraabaha oo ka mid ah xaywaanka ay Soomalidii hore ay aad u baratay hab-dhaqankiisa iyo qaabka uu u noolyahay ayay ku sheegaan in uu leeyahay sifooyin ay ka mid yihiin, nacasimo, hunguri weyni, kaligii noole, dantiisa oo u adeegsado waraabahayaasha kale iyo qaar kale oo aynu halka ku xusi doono.

Waraabuhu suugaanta Soomalida waxa uu ku leeyahay XIKMADA aad u balaadhan taas oo isaga loo tiiriyo, Xikmadahaas laga guntay hab-nololeedkiisa waxa ay soomalidii hore ee raacatada ahayd u adeegsan jirtay inay ku saxto iskuna hogo tusaalayso hab-nololeedkooda iyada oo isku boorin jirtay in qofku ka fogaado sifooyinkaas waraabaha, tusaale ahaan in aan lagu sifoobin hunguri weynaan, si ay taas bulshadu u qabato una hirgasho waxay samaysteen odhaah si fudud bulshadu u qabato markastana adeegsato, waxay ugu astaysteen tilmaan hungri xumi markhaati u ah “ hebal waa waraabe” oo looga jeedo waa qof aan waxba hambayn oo agtiisa lagu qado.

Dhaqanka hunguri weynida ee loo tiiriyaa waraabaha waxa laga weriyaa sheekooyin waraabaha loo tiiriyo, waxay soomalidu tidhaa, waraabe ayaa bari yidhi waxa aan doonayaa in magaca waraabe la iga badalo oo AAMIN lay bixiyo, madaxda reerkana la igu daro, hawraarsan ayaa la yidhi, waxaanse ogayn adiga oo waraabe ah oo aan waxba hambayne waxa aad samaysaa Wankaa raac oo haddii aad soo nabad hoyso maanta madaxda reerka ayaa lagugu darayaa, waraabihii waxa uu la joogo maalintiiba wankiina kolba uu ursado ayuu wankii cunay, ileen waa waraabe sidisiii ayuu maqribkii kali yimi, waar wankii meeyay ayaa la yidhi, waxa uu ku dooday in siduu uga cararay isna islahaa u qabo oo u ilaali in uu gacantiisa ku baxay oo markaas ka dib is yidhi cid kaaga xaq lihi ma jirto hilibkiisa, Waraabe ileen waa waraabe uun. Maalintaas ayuu magacii AAMIN sidaa ku waayay, madaxna looga dhaartay.

Soomalidu iyada oo dhaqankaas waraabaha ka duulaysa ayay Soomalidu astaanta hunguri weynida waraabe ugu tilmaansatay, “Hebla waa waraabe”. Xaasidnimadu iyana waa sifo kale oo waraabaha loo tiiriyo, soo qaado sheekadii caanka ahayn ee “ maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa”

Sheekooyinkaas aynu soo xusnay ta hore waxa si farshaxan sare leh suugaan ugu soohay, abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi”,  waxa uu yidhi;

Muslinkiyo waraabaha
Madmadowgiyo tuhunkiyo
Mashaqada dhex taallaa
Inay tahay is maandhaaf
[Marageedu waxuu yahay]
Mudaaga xoolahu
Marka ay la kunantee
Muuqiisa aragtay
Lugaaheeda maashaa
Isna waxuu majiiraha
Uga daba maleegtaa
Celi maganta baadida
Is maqiiqiddiisiyo
Mintidkiyo dadaalkuu
Haddaba muruq u siibtaa
Dee muxuu sameeyaa
Ilkahaa u midigoo
Micidaa u gacanee.

Sida ay sheegaan dadka waraabe yaqaanka ahi, waraabuhu waxa uu leeyahay qabiilooyin kala duwan kuwaas oo sida qabiilooyinka Soomalida is colaadiya, waxa la yidhaa haddii waraabayaal raq ku foogani uu waraabe kale oo qabiil kale ahi uu u yimaado isna yidhaa raqda la cun in ay u diidaan oo eryaan ilaa ay naftaba ka jaraan, lakiin haddii waraabaha ugu weyn ee boqorka u ahi uu yidhaa waar iska daaya ha idinla cunee way iska daayaan oo wuu la cunaa raqdooda.

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaliya iyo waayo-aragnimadii laga dhexlay dhaqanka siyaasiga Soomaliga ah ayaa tilmaan wacan u ah in ay yeesheen qaar ka mid ah dhaqanada waraabaha lagu tilmaansado, bulashadii shacabka ahaydna waxay ku soo kooban tay in la caayo siyaasiga soomaliga ah oo ulna ama cid tidhaa “ waar xoolaha ummadda ee aad rifayso daa” la waayo, waxa aad moodaaba in ay si dhaw isu shabahayso odhaahdii Soomalidii raacatada ahayd ay waraabah ku tilmaameen ee ahayd “ waraabe cayna waxba lagaga qaadi waayaa, ulna lala gaadhi waa”, siyaasigu cayna xoolihii ummadda ku dayn waa, cid ulaysana ama ka qabtana waa.

Indheer-garadka dhaqan-yaqaanka ahi waxay xidhiidh dhaw ka dhexaysiiyaan siyaasiga kursiga ku fadhiya ee nicmada sida waraabaha u jagaya iyo waraabaha raqda ku foogan oo isna intuu kolba hareer eego laf-dheer hilib leh ama gomod rudhaya, waxay la yidhaahdaa marka ay u yimaadaan waraabayaal kale oo aan kuwii uu yaqaanay ahayn in uu qaylo ku dhufto oo geel dhaaq laga maqlo codkiisa wadno gariirka ah, waxa uu leeyahay baa la yidhaa, haddii aynu reer cali-lug yara nahay waxba la inooma ogola oo waataas la ina dhacayo ee ka soo kaca, sidaas oo kale siyaasiga soomaliga ah marka xoolaha ummadda ee uu laba liqayo la yidhaa soo dhaaf waxa uu bilaabaa qaylo iyo haddii aanu nahay reer hebal waxba la inooma ogala, hadda reer hebal waxba kumay qabin markuu xukunka ku fadhiyay, waa sida waraabah oo kale.

Abwaan Axmed Colaad Qorane ayaa isna gabay si farshax sare leh ugu soo bandhigay xidhiidhka ka dhexeeya siyaasiga damaca xun ee kursi jacelayka madax maray iyo dhaqanada waraabaha, waxa uu yidhi;

Shacbiyahoow godaha laga rujee, riiqdi ka idlaatay.
Markuu bahal ratiga kaa diloo, ood dhaawac kaga reebto.
Mid kaloo iskaba raaciyaad, raarta galisaaye.
Waraabaha hilbaha lagu rartiyo, sii rabaqidiisu.
Isba waxuu la rayn raynayaa, waa siduu rabaye.
Afka yaa rig-rigi, saw markuu eego rudhi mayo.

Abwaanku waxa uu halkan inagu hogo tusaalaynayaa in isbadalka siyaasiga ee kolba uu shaadh inoo xidhanayo aanuu ahayn xalka bulshada, si aynu taas u garano ayuu tusaale kooban inooga dhigay in haddii neefkaaga oo bahal is yidhi cun aad dhaawac kaga reebto oo aad eegaysay in aad daawayso, haddii kii aad u gayso ee aad is tidhi dhibtaada ha kuu xaliyo uu yahay waraabe ka waran, abwaanku wax inoo tilmaamayaa in uu maalintaas aad u gayso ay rayn- rayni u bilaabmayso oo ku farxayo inuu neefkan aad dhaawaca kaga reebtay in uu isa sii kaba raaciyo, si uu taas daliil inoogu raadiyo ayuu soo qaatay sheekadii aynu xaga sare ku xusnay ee waraabuhu yidhi “AAMIN ha la iibixiyo” taas oo natiijadii noqtay “Afka yaa rig-rigi saw, markuu eego rudhi mayo.

Abwaanku sidoo kale wax uu tilmaan kooban ka bixinayaa dhaqanka habar-dugaaga iyo sida aanuu habar-dugaagu u aqoon xoolaha ay cunayaa yaa leh, ma agoon baa leh? ma rajo ayaa leh? ma masaakiin aan dabka loo saarin baa leh? Habar-dugaag waxba kama geli cida leh xoolaha ee waxay kaliya ka fikiraan maxaan cunaa oo calaalinaa.

 Dhaqanka caynkaas ah ee habar-dugaag oo waraabuhu maqaalkeenan astaan ugu yahay ayay ummadda
ha siyaasiiyiintoodu qaar ka mid ahi yeeshaan ha u badnaadaan madaxdoodee, xoolihii ummadda ee ay lahaayeen agoon, rajo, miskiin aan dabaka loo saarin ayaa madaxdu iska raambuustaa oo aanay u eeginba in cidna wax loo hambeeyo, Riximkiyo iyo agoomaha, ileen hal uma reebaan, marka ay madaxdu ay sidaas u gasho ayuu abwaanku ina su’aalayaa in aan kurayga ka hoos shaqaynayaa aanu isna uga raynayn ee isna ka qayb ahaanayo. Waxa uu yidhi abwaanku;

Raxan habar-dugaag ahi, hadday xoolo wadda raacdo.
Raray iyo irmaan kol ay ku tahay, neef rajadu maasho.
Iyo raasamaalkiyo riyaha, reerku ku cadaysto.
Riximkiyo iyo agoomaha, ileen hal uma reebaane.
Wax la rudho, wax lagu raad gatiyo, qaar la rubad gooyo.
Iyo qaar ragaad lagu eryoo, rayska laga oodo..
Rabi uma tibeeyaan, markay madaxdu raambuusto.
Miyuu kuraygu uga raynayaa, saw rafacin maayo.

Qofka kasta oo xil dawladdeed qabta waxa ku gadaaman saddex damac oo is huwan, damaca shakhsiga ah (personal interest), damaca cida aad xidheenka u tahay (constituent interest) waa danta ay leeyihiin gobal ama dagmo aad matasho, iyo damaca qaran (national interest).

labada hore (personal interest iyo constituent interes) waxa lagu xadidaa hanaanka dawladdnimad, waliba si gaar ah danta gaarka ah (personal interest) ayaa si gaar ah loo eegaa in aan qofku xilka dawladdnimada uga faa'iidaysan inuu ku helo dantiisa gaarka ah, in badan ayaad maqashaa waddamad dunida oo xadida hantida masuuliyiinta dawladda, dawladda qaar oo ay teena Somaliand ku jirto ayaa diida in madaxweynu ganacsi galo intuu madaxweyne yahay. taa badalkeeda hanaanka dawladdnimadu waxa uu kobciyaa in qofku ka fikiro danta qaranka iyo damaca waddankiisa in uu noqodo waddan ka mid ah kuwa ugu wacan dunida.

Haddaba maxaa dhaca haddii la xaddidi waayo danta gaarka ah (personal interest) ee qofku leeyahay marka uu xil dawladdeed qabto, qofka waxa duufsada damaciisa shakhsiga ah, waxayna dhaxalsiisaa in uu yeesho dhaqanada waraaabah ee ku salaysan inuu kaligii noolaado oo wax kasta cuno ama uu la soo baxo hunguri weyni badan oo xoolaha ummadda uu ku xaalifiyo.

Mar kale aan soo qaadano Abwaan Qorane oo inoo tilmayaa in marka qofku xilka qabto inuu ka dhigan yahay sidii awr gool ah oo waraabe loo xidhay, markaas sida looga celiyo ayuu ka yeelaa waraabahaas goolka loo xidhay, haddii yuur la yidhaahdo wuu daayaa lakiin haddii cidi ka celin waydo wuu cunaa oo caruurtiisa ayuu goolkaas u loogaa, xerta ku xeeranina rufucooda ayuu u tuuraa oo ay sidaas ayay ku raacdaa in la dhaxal wareejiyo hantidii qaranka.

Waraabaha siyasiga ahi uma naxo hantida markuu cidla ka helo ee waxuu ka rudhaa halka ugu macaan ee wax weyn laga goosan karo, sidaas oo kale waraabahu haddii uu qof cuno meesha ugu horaysa ee uu ka cunaa waa madaxa si uu markaba u dhimato ka diba uu laflaf u qaybsado. Abwaanku isagoo mar kale sawiraya waxa uu  yidhi;

Haddaba gool la raygalay, haddii la midi roorteeyo.
inkastuu u roonyoo, waxuu dhalay u raaxeeyo.
ragga sariyo soo raacyadiyo, habaqlihii raaska.
iyo kuwa rakuubka u wadiyo, roondadiyo gaadhka.
rabac markii cantuuguu, hamada ruqa yidhaahdaaye.
kolba rabaca tabantaabiyuu, raashinka u cuuro.
rawiska u gudoonshaa, markuu rooska ka hiraabsho.
xertu waxay ku raacdaa, waxuu aabahood rabee.

Waraabe waxa uu dhalaa waa waraabe uun, waxa uu tababaraana waa waraabe yaqaana sida wax loo cuno uun, waraabahaasi marka uu duqoobo xilka kama dago ee ruugga ayuu ku adkeeyaa xilka, bal in yar eeg Afrikadan waxa ka haysta iyo da'da madaxweynenimo, Somalilandna eeg, ilaa ruufku soo dumo kama tagaan xilka, abwaanku isaga oo sawiraya waxa uu yidhi;

dadka oo ramiimka ah, waxay dabo raqleeyaanba.
waxay soo rakoocdaba, markay kala ruqii gaadho.
kolba reer galbeediyo, waxay ruush u caraaranba.
haddaba beelo reerood, waxay badh u rixlaystaanba.
kolba kooxda raysee, siduu rabay u naafeeysa.
isagoo ka raaliya, waxay waftiga u raacaanba.
dharaartuu raqoobee dhurwaa, roori kari waayo.
inkastoo ruqdoo, raaquboo riishadu istaagto.
xilka kama ruqsaystee, kursiga ruugga ku xabaalye.
nafta waxuu la rooraa, markuu ruufku soo dumee.

Bulshooyinka dunida waa laba mid uun, qolo xakamaysa damac qofka sidaasna kaga badbaaday in qofka siyaasiga ah ee xilka u haya ummaddu uu yeesho sifooyinka ama dhaqnada waraabah, iyo bulsho dhistay ama waraabe hilib ku raratay, waraabahaas cida afka qabanaysa ayaa la isku hayaa marka uu hantida ummadda eegaba ileen wuu saliilyoonayaaye, waraabahas hilibka lagu raray waxa laga rajaynayo waad qiyaasi karaa.

Abdiqani Egeh

Comments

Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA