DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay: Qaybtii 2aad Qoramadeenii hore ( halkan ka eeg )waxaynu soo ku soo qaadanaynay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dhexmaray labadal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, waxaynu soo tibaaxnay in siyaasada arimaha dibada ee Soomaliya ay ug digo rogtay inay dhex ka ahaato loolanka quwadaha dunida (non-alignment policy) taasna uu Madaxweyne siyaad barre u xaqiijiyay 9kii Janaanyo 1976 Madaxweynihii Maraykanka. Dawladda Kacaanka ee Soomaliya waxay qaadatay hanti wadaag, waxayna xulufo la gashay midowga soofiyeeti taas oo ay taageero ciidan iyo saanado ciidan oo faro badan kaga heshay midwoga soofiyeeti, wakhtigaas waxa la isla ogal yahay in dawladda Soomaliya ay ka ciidan iyo qalab fiicanayd waddanka itoobiya oo maraykanku taageeri jiray. Siyaasiiyinta iyo diblamaasiyiinta Soomalidu iyga oo taas og ayaa kulankana qarsoodiga ah kaga qayb galeen, sida la qiyaasi karo ama ay tibaaxayaan wararka sirdoonka ee midowga soofiyeeti waxa hoteelka dagan...