Posts

DIBLAMAASIYADDA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA

Image
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay:  Qaybtii 3aad "Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro, dhacart jiilaale Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraa Hays dhigan nin nooloow hiddaadu, waysu dhimataaye" Hadraawi, dhul gariir. Qoramadeenii 2aad waxay inoo joogta iyada oo doodii u dhaxaysay Xoghayihii Arimaha dibada Maraykanka Mr. Henry Kissinger (September 22, 1973 – January 20, 1977) iyo Wasiirkii Macdanta iyo biyaha Soomaliya Muddane Xuseen Cabdiqadir Qaasim ay dood culus jilbaha is dhigeen, Muddane Qaasim waa ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya, waxay doodii qoramadeenii labaad inoo joogta iyada oo Kissinger uu su’aal galiyay dhulka Soomali galbeed iyo sheegashada dawladda Soomaliya, taas oo uu si fiican u sharaxay Wasiir qaasim, waxa kale oo Kissinger uu dooda Soo galiyay dhulka Kenya haysta ee Waqooyiga Kenya ee NFD loo yaqaano, waa kan Kissinger oo su’aal ku tuuray wasiir qaasim; Kissinger: Wax...

DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:

Image
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay:  Qaybtii 2aad Qoramadeenii hore ( halkan ka eeg )waxaynu soo ku soo qaadanaynay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dhexmaray labadal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, waxaynu soo tibaaxnay in siyaasada arimaha dibada ee Soomaliya ay ug digo rogtay inay dhex ka ahaato loolanka quwadaha dunida (non-alignment policy) taasna uu Madaxweyne siyaad barre u xaqiijiyay 9kii Janaanyo 1976 Madaxweynihii Maraykanka.  Dawladda Kacaanka ee Soomaliya waxay qaadatay hanti wadaag, waxayna xulufo la gashay midowga soofiyeeti taas oo ay taageero ciidan iyo saanado ciidan oo faro badan kaga heshay midwoga soofiyeeti, wakhtigaas waxa la isla ogal yahay in dawladda Soomaliya ay ka ciidan iyo qalab fiicanayd waddanka itoobiya oo maraykanku taageeri jiray. Siyaasiiyinta iyo diblamaasiyiinta Soomalidu iyga oo taas og ayaa kulankana qarsoodiga ah kaga qayb galeen, sida la qiyaasi karo ama ay tibaaxayaan wararka sirdoonka ee midowga soofiyeeti waxa hoteelka dagan...

DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA:

Image
Kalmado iyo kulamo xusuus reebay Qaybta 1aad Wakhtigu waa goor galab ah, saacaduna waa afartii oo rubuc dhiman, waa bishii oktoober ee sanadkii 1976 -kii, waxa balansan wafti dawladda Soomaliya ka socda iyo masuuliyiin Maraykan ah, goobtu waa goob khaas ah (Apartment) oo ku taala hoteelka caanka ee Waldorf-Astoria ee magaalada New York, goobtani waxay gaar u tahay xog-hayah Arimaha dibada Maraykanka Henry Kissingerm, kaas oo kulmada gaarka ah ku qabsada, waa meel u gaar  ah xoghayaha iyo shaqaalihiisa oo kaliya.  Siyaasiinta Soomalida ee kulanka ku sugani waxay taageero u raadinayaa in dawladda maraykanku ay taageerto in dadka Soomaliyeed ee ku hoos jira xukunka itoobiya ay hesho xornimo iyo in kor loo qaado xidhiidhka Soomaliya iyo dawladda Maraykanka. Kulanku waa mid si qarsoodi loo diyaariyay, waxa uu ku soo beegmay wakhti ay kacsan yihiin xiisada siyaasadeed ee waddamada Soomaliye iyo itoobiye, waxa soo uraya saansaanta dagaalkii 1977kii dhexmaray Soomaliya i...