Agoomaynta Aqoonta
Qeexida
Erayga aqoon waa dood si weyn la isugu khilaafsan yahay walina socta horna u
socon jirtay, doodani waxay u dhaxaysaa aqoonyahankii
dunida soo maray iyo kuwa maanta jooga gaar ahaan culimada Falsafadaha qaybta
barashada aqoonta "
Epistemology" barshada,
Falkinta iyo fahamka aragtiyaha aqoonta ‘’Theory of knowledge".
Eraygan
Aqoon mar waxa lagu qeexay in ay tahay wax koobsanaya ama ay ku jiraan xaqiiqooyin, Xog, Faalo, xirfado lagu lehay
laba dariiq midkood, barasho la bartay ama waayo aragnimo sanado badan soo jirtay, waxa laga yaabaa in aqoontaas
lagu kasbaday mid loo soo joogay dhacdooyinkii dhacayay isla wakhtiga ay dhacayeen ama mid la
tijaabiyo lana talaalay.
Barashada
Aqoontu waa qayb ka mid ah barashada falsafadaha kala duwan ee aqoonyahanka
dunida wareeriyay, filasoofarkii caanka ahaa ee Plato ayaa isu ku qeexay ''
Aqoonta" in ay saldhig u tahay sadex arimood, ka hore in Cadayn (Justification) loo helo shayga lagu tilmaamayo aqoon, ka labaadna
in uu yahay waxaasi mid leh xaqiiqo (
True) sal loo raaci karo, iyo ka
sadexaad oo ah in waxaas la rumaysan
karo (Belief). Aragtidani waa mid
dunida ka caan ah oo ku jirta tariikhda aqoonta iyo horumarkii uu sameeyay
aqoonta binu-aadamku, waxa loo soo gaabiyaa afka qalaad ‘’Justified true belief’’. Aragtidan
Plato mudo ayay shaqaynaysay ilaa
markii danbe si fudud loogu buriyay aragtida kale ee loo yaqaan GattierCase.
Aragtiyaha aqoonta waxa kale oo soo galay
culimada caanka ku ah aqoonta Tilmaanta, Codadka, adeegsiga Muuqaalka iyo
duubista walxaha codeeya iyaga oo waji kala ka eegay, lakiin waxa si weyn la
isgu raacsanyahay horumarka ay samaysay aqoontu intii la daahfuray
adeegsiga qoraalka iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshooyinkii kala duwanaa.
Raadka uu yeeshay qoraalku waxa buugiisa “The Origins of Writing’’ ku qaada
dhigay Andrew Robinson oo timaamay in
qoraalka lagu gudbin karo wax ka badan inta hababka kale oo dhan lagu gudbin
karo, waxa kale oo uu tilmaamay in qoraalka
lagu gudbin karo ujeedo sax ah iyo mid aan sax ahayn. “ dadka waxa ay helayaan
maalin kasta war cusub oo ay moodayaan in ay tahay aqoon lakiin xaqiiqo ahaan
aan lahayn sal loo raaco oo aqoon ku qotoma taasina waxay maskaxdooda ku
reebaysaa in ay aqbalaan hadii lagu celceliyo”
Horumarka
aqoontu wuxuu sii laba kacleeyay markii ay kusoo biirtay aqoonta saynisku oo si
ka duwan u qeexay warka loo qaadanayo in uu yahay aqoon iyo in kale, aqoonta
saynisku waxay soo kordhisay in wax kasta oo aqoon la moodo la galiyo tijaabo
lagu wado qanci karo hadii uu ka baxana tijaabadaas uu noqdo aqoon saafi ah oo
basharka lagu kala xukumi karo, cidna lagu difaaci karo, cidna lagu diidi karo.
Aqoonta saynisku waxay noqtay mid saldhig u ah dhamaan aragtiyihii kala duwanaa
ee la soo maray, qaar si fudud ayaa looga talaabsaday iyadoo lagu burinayo
dariiqooyinka sayniska ee kala duwan, Halka qaar kalna qaybo ka mid ahna la diiday
qaybo ka mid ah la ogalaaday, aragtiyaha sida weyn loo buriyay waxa ka mid ah
aragtidii Charles Darwin ee tilmaamaysan
tadawurka iyo in bini-aadamku uu ka yimid daanyeerka, waana aragti ilaa iyo
hada aqoonta sayniska lagu buriyo.
Maktabadaha
dunida maanta waxa yaala maalyiin buug oo ka waramaya nooc kasta oo aqoon ah
kuna qoran luuqado aad u tiro badan, culimadii islaamku markii ay diinta
islaamku soo dagtay ayaa iyana sameeyay aqoon ka duwan tii hore la yaqaanay, waxay
aad sare ugu qaadeen qiimaha aqoontu leedahay iyo in qofka aqoonta bartay uu agtooda
ka lahaa sharaf gaar ah, muslimiintu waxa u arkayeen aqoonta in ay tahay wax Alle
loogu dhawaado, laguna caabudo dadkana ilaahay loogu dhaweeyo, culimada Islaamku
aqoonta ay soo kordhiyeen waxay badashay
fikirkii laga qabay aqoonta iyo gubinta waxa aan sal lahayn.
Maanta Aqoonyahanka muslimka ah ee dunida ku nooli waxay u adeegsadeen horumarka aqoonta sayniska sameeyay in ay ku cadeeyaan Risaalada Nabi Muxamed (CSM) iyo in Nabi Muxamed (CSM) uu ahaa Nabigii ugu danbeeyay ee Alle (Swt) soo diro, waxayna aad u xoogaysta sanadihii u danbeeyay ee ay kor u kacay aqoonta tiknoolagiyadu, iyada oo aqoon yahayn badan oo caqilga ka xor ahi ay Islaamka qaateen markii loo bandhigay aqoon saafi ah oo cilmigii ay yaqaaneen sharax badan ka bixinaya.
Aqoonta
dunida horumarka ay samaysay ka dib waxa la isla qaatay in dugsiyo wax lagu
barto la furto oo aqoon la korodhsado si loo helo miisan sax oo aragtiyahan
badan loogu kala saari karo, taasi waxay saldhig u noqtay in waxbarsho la
bilaabo, Barashadu waa kordhasiga wax cusub, waxa aad hore u taqaanay lakiin si
kale oo ka duwan sidii aad ku taqaanay loo dhigay, ama wax hore u jiray oo dib
loo cusboonaysiiyay kaas oo noqon kara dhaqan, xirfada, ama mabada. waxbarashadu binu-aadamka waxay u noqtay
horumar shaqsiyeed oo ah mid ku timaada tababar uu qaato binu-aadamku.
Dunida
maanta waxa la isku raacay in qofku uu raaco barnaamij waxbarsho oo noqon kara
mid dunidu isku raacsan tahay (Curriculum Standards) ama bulsho meel ku nooli
dhigatay oo ah miqyaas lagu kala saaro qofka wax-bartay iyo ka aan wax-baran, waan
qaabkan caanka ah ee maanta la yaqaan, dugsi hoose, dhex, sare, Jamaacad
shahaadda koowaad (First Degree),
Shahaadadda labaad (Master) &
Shahaadada sare (Phd), intaas waxa
raaca shahaadooyin sharafeedyo la siiyo cidii mutaysata ee bulshada wax u qabta,
lakiin tan danbe waxay dunida marka kale ka dhex abuurtay buuq ku saabsan cid
xaq u leh sida lagu xulayo.
Shahaado Sharafeedka sida caadiga ah waxa lagu bixiyaa
xafladaha qalin jabinta ardayda, iyada oo lagu soo casuumo cidii loo garto in
la siiyo shahaado sharafeedka, halkaas ayuuna qofku si cad uga sheegaa in uu
aqbalay shahaado sharafeedka la gudoonsiiyay. Dalal badan oo Jaamacadahood
bixiyaan shahadaddan ayaa diiday inay isticmaalaan erayga ah Doctor (Dr) iyaga oo sabab uga dhigaya in aanay
ahayn Shaahado si barasho ah lagu gaadhay lakiin taas badalkeed waxa
isticmaalan in laga horaysiiso Erayga ah “Honorary
Doctor”, Jaamacadaha qaar sida Oxford
& Cambridge Universities ayaa bixiya Shaahado sharafeedyo Master Degree ah Lakiin jaamacadaha Maraykanka
sida Massachusetts Institute of
Technology, Cornel University, Vanderbilt University, Stanford University iyo
qaar kale ayaa diiday inay bixiyaan shahaado sharafeedyo Degree ah iyagoo taasna ku cadeeyay siyaasada ay ka qabaan
bixinteeda.
Kasbashada aqoontu waa dariiqo qofka ka dhigta in loo
aqoonsado qof bulshada wax tari kara, lakiin aqoonyahan badan oo dunida ah ayaa
ku doodaya in bixinta shahaado sharafeedku ay tahay mid marin habaabinaysa
aqoonta, tusaale ahaan jaamacadaha sida weyn u diiday waxa ka mid ah jaamacadii ugu horaysay ee cari maraykan laga
furo, waa University of Virginia, waxay si cad u diiday bixinta shahaado
sharafeedka degree-ga ah.
Si
kastaba ha ahaateed sababaha ugu waaweyn ee loo diidayo in la bixiyo shahaado
sharafkeedu waa in jaamacadu ay ku raadsato dhaqaale badan iyo dane kale oo u
qarsoon iyaga oo siinaya qof aan aqoon waxbarsho oo hore lahayn, siyaasiyiin
badan oo helay shahaadadan waxay ardaydii iyo jaamacadooda ka dhex abuurtay muran
& cadho aad u xoogan oo sigtay in la qaadaco jaamacada guud ahaanba. dadka
loo diiday in la siiyo shahaadadan waxa ka mid
ahaa.
- Madaxweynihii
hore ee Maraykanka George W. Busho ( Bush-ka yar) ayaa 2001 ka helay jaamacada Yala University Shahaado sharaf, isaga
oo ka diyaariya isla jaamacada waxbarshadiisii koowaad (First Degree) sanadkii 1968. Lakiin ardaydii jaamacada ayaa gabi
ahaanba qaadacaday bixinta shahaadaas oo ku jiro xog-hayiisii shaqaalaha Aqalka
cad ee wakhtigiisii (2001-2006) isaga oo
la qaba cadhada xoogan ee ardayda Yala
University.
- Sanadkii 1985 ayaa jamaacada University of Oxford ay u codaysay in
loo diido shahaado sharaf la siinlaah Margaret
Thatcher raysal wasaarihii hore ee Ingriiska, iyaga oo kaga soo horjeeda
dhimista miisaaniyada waxbarshada.
- Sanadkii
2009 bishii apriil ayaa Arizona State
University ay diiday in ay siiso shahaado sharaf Madaxweynaha Maraykanka ee
hada jooga Barack Obama iyaga oo ku
sababeeyay in aanay muuqan sabab lagu siin karo ilaa hada oo uu dadka reer
Maraykan u qabtay, Taas badalkeeda waxa uu Barack Obama helay Shaahado sharaf
muran badan dhalisay oo ay siisay Notre Dame awarding iyada oo
badalkeeda uu taageeray Obama olalihii ay ku jireen ee ahaa in hooyadu ay ilmaha
yar iska soo ridi karto.
- Shahaadooyinka
Muranka badan dhaliyay waxa ka mid ah tii la siiyay Rosmah Mansor xaaska
raysalwasaaraha Malaysia, Najib Razak.
Iyadoo la sameeyay bogagg badan oo facebook-ga ah oo lagu diidan yahay siinta
shahaadaas.
Isku
soo wada duuboo, luuqada casriga ah ee dunidu waxay tilmaamaysaa in aqoonta
ay tahay barasho, hadiise qofka loo
garto in uu bulshada wax wacan u qabtayna waxa la siin karaa shahaado sharaf
loogu mahad naqayo guulaha uu ka gaadhay waxqabadkiisa bulshada.
Gayiga
soomaliyeed waxbarashadii ugu horaysay ee lagu dhigto habka iskuulada maanta waxa
ay timid markii ay gumaystaashu qabsadeen Geeska Africa, inkasta oo ay
waxbarashu yarayd hadana dadaalka ma yarayn oo aqoonta waa la jeclaa taas waxa
marag ma doon u ah sida ay bulshadii soomaliyeed u jeclayd waddaadkii diinta
faafinayay, qaabkii wax loo baran jiray waagii hore waxay ahayd in qofku safar
dheer u galo sidii uu aqoon u soo kordhsan lahaa, waxna loo safri jiray laba
meelood oo ahaa saldhigii aqoonta. Ma jirin waagaas cid intay iska fadhiisatay
shahaado sharaf heshay.
Maanta
oo laga joogo in ku dhaw qarni waxbarashada aqooneed ee gayiga soomaliyeed aad
ayay u tiro badan tahay balse tayda ayaa ilaa hada su’aal weyni ka taagan
tahay. Ka dib intii la dawladoobay oo ku sinaan 1960 kii ayaa ifka aqoontu sare
u kacday, kacaankii dalka qabsadayna ma xumayn ee halkii abid ugu saraysa ayuu
gaadhsiiyay.
Intii
ka danbaysay burburka iyo dagaalada sokeeye meelo badan ayaa laga furay dugsiyo
waxbarshado ilaa la soo gaadhay jaamacado bixiya shahaadada koowaad (First Degree), guulahan waaweyn ee la
gaadhay waxay astaan u noqdeen in la helo bulsho nabad ku wada noolaata, waxa
astaan u ahayd “meel qalinku shaqeeyo waa meel qorigii la tuuray” waa weedho in
badan laga maqlayay ardayga soomaliyeed, aqoonyahanka soomaliyeed ee seeka u ahaa
waxbarshada curdinka ah.
Magaaloyin
badan oo ay ka mid tahay magaalada Hargaysa waxa sii kordhaya jaamacadaha ilaa
ay xukuumada soomaliland ay soo saartay amar ay ku xayirayso furashada jaamacado,
sababta loo joojiyayna waa mid ay u cadayd dadka oo ah in ay sii lumisay
tayadii waxbarshadu lahayd,
Ugu
danbaytii, Iyada oo laga dayrinayo tayda waxbarshada ay bixinayaan jaamacadaha
kala duwan ee ku sii badanaya magaalooyinka soomaliyeed ayaa waayadan danbe la
arkayay in ay ku darsadeen in ay bixiyaan shahaado sharafyo aanay jaamacadaha
laftigeedu bixin, dadka ay siinayaan ayaan iyana ahayn dadkii u qalmay in ay
qaataan Shahaado sharafta noocan oo kale ah,
tusaale ahaan waxa ay bixiyeen shahaadada sare ee PHD iyaga oo jaamacadu gaadhsiisnay in ay bixiso shahaadada labaad (Master)
ama ay yartay in qof ka mid ah jaamacadaas oo jooga uu gaadhay shahaadada PHD
waa arin yaab leh oo ku keentay agoomayn aqoontii.
Alle Mahad leh.
Abdiqani Mohamed Ege