Ubad wuu dayacan yahay, Ninka dayr-tan nooloow..!
Qorshe la'aantu qof ilaa
qaran waa qasaarooyinka nolosha umad ahaan iyo qof ahaan, duul aan qorshe
lahaynini meel kama kaa gaadho qaabaynta nolasha.
Waxan uga socdaa arartan
sare doodii uu bilaabay Ahmed deeq ee gundhigeedu ahaa Ubad badan uma baahinin oo qorshe la'aan ku yimaada, Fikirka iyo doodaha badan
ee la is dhaafsaday waxay tilmaan u tahay in miiska la wada fadhiisan karo
oo qorshe lagu midaysan yahay loo heli karo wax kasta oo caqabad ku ah
nolosha, waxay kale oo astaan u tahay dhamaadka casrigii qoriga iyo
cahadigii fikirka kaliya ee soomali daashaday ama fikirkii kaligii talisnimada
ahaa ee ku dhisnaa hadii tayda la diido qas baa xigi.
Aan ku soo noqdo nuxurka
dooda qurxuda badan ee dagalka Weedhsan.com ku dhex maraysa dhalinta qalin
layda ah, ugu horayn sida aan u fahmay maqaalka kowaad ee Ahmed deeq ( Ubad
badan uma baahinin) laba shay ayaa saldhig u ah dooda uu soo dhigay.
1. Joojinta guurka ama yaraynta dhasha iyo
2. Qorshe la'aanta loo dhalayo ubadka aan daryeelkii nolosha loo diyaaarin.
Waxa aad moodaa iyo aad loo qaada dhigay qodobka kowaad oo ah joojinta guurka ama yaraynta dhasha oo ay xasaasiyad badan kicisan erayga ah Joojiya Guurka ama yareeya si ubadka mustaqbalka daryeel ku filan looogu helo, lakiin uu qoraaga dooda bilaabay wali leeyahay joojina guurka ama yaranytaba waxa asal u ah qodobka labaad ee ila fahma qorshe la'aanta loo dhalayo ubad aan diyargawgii nolosha looga baahnaa loo samayn. Horta ismaan dhaafka doodu waa halkaas ayuu saldhigiisu yahay uu nin walba garashadiisa ka dhiibta, dadka qaar ayaa keenay dooda ilaa odaygii asalka fikiradan lahaa ee Thomas Malthus iyaga oo dhamaan fikirkan u xawilay odaygaas bilaabay fikirka qarniyo ka hor.
1. Joojinta guurka ama yaraynta dhasha iyo
2. Qorshe la'aanta loo dhalayo ubadka aan daryeelkii nolosha loo diyaaarin.
Waxa aad moodaa iyo aad loo qaada dhigay qodobka kowaad oo ah joojinta guurka ama yaraynta dhasha oo ay xasaasiyad badan kicisan erayga ah Joojiya Guurka ama yareeya si ubadka mustaqbalka daryeel ku filan looogu helo, lakiin uu qoraaga dooda bilaabay wali leeyahay joojina guurka ama yaranytaba waxa asal u ah qodobka labaad ee ila fahma qorshe la'aanta loo dhalayo ubad aan diyargawgii nolosha looga baahnaa loo samayn. Horta ismaan dhaafka doodu waa halkaas ayuu saldhigiisu yahay uu nin walba garashadiisa ka dhiibta, dadka qaar ayaa keenay dooda ilaa odaygii asalka fikiradan lahaa ee Thomas Malthus iyaga oo dhamaan fikirkan u xawilay odaygaas bilaabay fikirka qarniyo ka hor.
Sidaas
daraadeed hadii aan aragtiday gaaban cabiro, ugu horayn dhamaanteen mid waan
qiraynaa sir iyo caadba waana daruufaha naxdinta leh ee haysata ubadka
soomaliyeed qaarkood lakiin xalka iyo qaabka mushkiladan loo xalinayo waan ku
kala aragti duwanahay qof walibana meesha ay aqoontiisu siisay ayuu wax ka
eegayaa, tusaale ahaan qoraaga dooda ina dhex dhigay waxa uu xalka u arkaa
marka aad isku soo xooriso maqaaladiisii dhawrka ahaa ee doodan ku saabsaan in
guurka la iska daayo ama la yareeyo ama mid iyo laba aan laga badin ileen waxa
ku sugaya ubadkii hore loo dayac ee adeerkaa ama edadaa dhashay ama Somali
maxamedba dhashay.
Waa aragtid
aad u qaldan marka diinta lagu qiyaaso waayo waxa aan haysanaa Nas quraan ah oo
in faraya in noole kasta oo dunida ku soo kordhaa uu Alle risqiisa sii qoray oo
ay isku sar go’antahay noolaha ku nool iyo khayraadka dul yaal dunida.
sida uu tilmaamayo naskan quraanka ahi (وقدر فيها أقواتها ) فصلت سورة iyo axaadiista nabiga (NNKHA)
ee tirada badan ee dhiiri galinaya taranka dhasha iyo guurkaba.
Isku soo wada duuboo dooda iyo nuxurkeeda, mid waa laga garaabi karaa oo ah dayca badan ee ka muuqda ubadka soomaliyeed iyada oo ay dayaceen in badan masuuliyada waliidkii dhalay, taasina waxa sabab looga dhigi karaa qaskii iyo burburkii ku dhacay umada soomaliyeed maskax ahaan iyo maal ahaaanba, dayac muuqdaa waxa uu ilaa xad gaadhay in hooyada soomaliyeed ay suuqa u gasho dareeylka jidheed ee ubadkeeda, lakiin uu dayacmo kabcintoodii aqooneed, akhlaaqeed iyo nafsaadeed ee ay xaq u lahaa ubadkani. maanta waa laga wada dharagsan yahay dhibta ay ku hayaan dumarkii dukaanka milixda looga diri jiray, waa aynu ognahay inta qof ee Mobile raqiis ah lagu dilay ama lagu dhaawacay xataa qaar ayaa lagu garaacay maxaad mobile lagaa qaado u qaadan wayday, waa dhib ka jirta magaalooyinka soomaliyeed, waxa sababna waa iska cadahay oo waa dayac bulsheed ilaa qaran.
Aan ku soo dhawaado biyo dhaca doodayda, dunidan aan ku noolahayn waxay ku soctaa qorshaha rabi, qof guurka iska daayayna kama ridi karo tiradeeda hal qof, mid dumar badan guursadayna kuma soo kordhin karo waxa alle u qoray mooyane, waa qaacido ay diintu ina barayso.
Waxa jirta qiso caan ah oo ku dhacday nin diktoora ah oo masri ah, ninkani waxa uu la dhacay fikiradan ah qorshaha qoyska qaybteeda yaraynta dhasha, waxa uu ku qancay in uu mid ama laba dhalo inta uu nool yahay, waxuu wakhtigu is guraba waxa la gaadhay maalintii ay gabadhiisii uurka qaaday ilaa maalintii danbe uu dhakharka geeyay si looga umuliyo, ninkii diktoorka ahaa oo fadhiya goobta lagu sugo bukaan socdka dhakhtarka ayaa kalkaalisadii ugu bushaaraysay in xaaskiisii ay will dhashay, hadana in yar ka dib ayaa kalkaalisadii ay hadna u sheegatay diktoorkii in ay wiil kale ay dhashay oo mataanaysay, waa uu yaabay mataano aaa....!!! Hadna waxa mar sadexaad ku soo noqtay isla kalkaalisadii iyadoo sida bushaaro kale oo ah wiil sadexaad in ay dhashay xaaskiisii....!!.yaab oo fakar ka dib garay in aan dhasha lagu joojin karin guur la'aan iyo guur yarayn.
Dhacdadan cajiibka ah waxay ka turjumaysaa in dhasha eebe hayo oo laba kasta oo isku tagaa anay waxba dhalin, balse ay ku xidhan tahay qadarta eebe.
Usoo noqo dulucda maqaalka, qoraaga dooda ina dhex dhigay waan la qabaa in dayac badni ka muuqdo ubadkeena maanta iyo ka bariba hadii aan sidan wax laga badlin, lakiin waxa aan kaga aragti duwanahay xalka sida uu arkay ee ah joojinta guurka ama yaraynta dhasha ee ku dhisan taagtaa talaaabso.
hadba sideen u xalinaa
mushkiladan, waxaan u arkaa in qodobadni ay wax ka tari karaan ama si uun waxa
uga badli karaan.
Ø Guud ahaan waxa ku waajiba qof kasta in uu qaado
masuuliyadii la saaray taas oo Eebe waydiin doono in uu uga soo baxay sidii
loogu diray iyo in kale.
Ø In lagu dadaalo in ubadka si wacan loogu barbaariyo
akhlaaqda suuban,dhaqanka wanaagsan, iyo barshada cilmiga gaar ahaan cilmiga
sharciga ah.
Ø Joojinta mukhaadaraadka dalka iyo dadka dhaashaday oo
sabab weyn u ah dayac ubadka.
Ø in qof kasta u dadaalo kafaynta baahida ubadka uu
dhalayo waayo shinbirtuba waa ay kalahdaa subax hore iyadoon waxba meel ku
ogayn Allena waa arsaaqaa, ogoow qofkasta oo dadaal la yimaada rabi ma hoojiyo
ee dadaalkiisa waa uu ka abaal mariyaa, waan sababaha lagu kasban karo arsaaq
xalaal ah.
Ø in la barto in dhulka wax laga soo saari karo si looga
maarmo gacan hoorsiga ina daashaday. Rabina la talo saarto.
Ø iyo waxa kasta oo qof nolashiida sare u qaadi karo.
Ugu danbayntii waxa aan ku
soo gababaynayaa, in guurka la joojiyaa ama la yareeyaa xal uma aha
mushkiladan mana ah qadiyad laga iibin karo ama lagu qancin karo qofka
soomaliyeed bale waa ay uga siii darayaasaa arinka, xalkuna waxa weeyee in
qofka soomaliyeed damiirkiisa diiniga ah, dabciga iyo kiisa raganimoba sare loo
kicyo si loo dabooli karo dayaca badan ee ubadkeena haysta.
Alle Mahad leh.
Abdiqani Mohamed Ege