Sidaad isu taqaan ayay dadku kuu yaqaanan

Duulaanka lagu qaado fikirka umadaha waxuu dhaawac weyn u gaystaa in badan oo ah fikirka toolmoon ee umadaas, Waxuu dhalin gadiyaa oo raad weyn kaga tagaa qiyamka nololeed, akhlaaqeed iyo fikireed  ee umadaas.

Sida ku cad bogaga taariikheed ee dunida gaar ahaan taariikhada Islaamka, waxa qayb weyn ka qaatay fiditaankii islamku uu dunida ku faafay dhaqankii akhlaaqeed ee dadyawgii islaamka faafinayay ay kula dhaqmeen, sida tusaale ahaan ay  sheegaan taariikhyahandu, wadanka Malaysia waxa islamku ku gaadhay dhaqankii ay xambaarsanaayeen dadkii ganacsatada ahaa ee u tagay umadaas, maantana waa wadanada ugu badan tirada muslimiinta.

 Isbadalka ku dhaca fikirka toolmoon ee umadaha ama qaadashada dhaqanada aan asalkoodii hore ku jirin waxuu in badan ka tarjumaa burburka xadaaradeed ee umadaas, tusaale ahaan sida dadka reer galbeedka ahi muslimiinta u yaqaanan marka ay sifaynayaan oo ah in ay ku tilmaaman dad xag jir ah oo haysta diin aan naxariista aqoon, ama dad u heelan had iyo jeer in ay wax dilaan oo dadka bara kiciyaan, Waa aragtida gaalada kuwooda caqliga liita ay ka qabaan islaamka ama aan aqoon badan u lahayn diinta islaamka ee ku dhisan naxariista, cadaalada iyo in dadka ay ka badbaadiso Naar.

Si kastaba ha ahaato fikirka qaloocan ee ay ka haystaan islaamka iyo dadkiisa dhaqanka wanaagsan leh, waxuu arinku sii dhabqay markii  ay qaybo ka mid ah bulshada islaamka  ay ku dhawaaqeen erayo dhaawac ku ah jiritaanka umuda islaamka waa mid aad looga murugooda in fikirkii toolmoonaa ee umadu qaldamo oo ay sababta in la helo kooxo la fikir ah, sida kuwa reer galbeedku ku tilmaaman umuda islamka ah ee ay ka mid ka yihiin Xag jir, Argagxiso, Islamka qunyar socdka ah, Islamka dimuquraadiga ah IWM.
Bal u fiirso sheekan uu qoray ninkan carabka ahi oo isagu isu qiraya wixii gaaladu ku sifayn jirtay umada islaamka.

Pic1: Bisadani waxa isu haystaa Libaax halka Ey-guna uu isu arko wax yar. 
Sida aan ka daalacday mid ka mid ah bogaga carabta Sheeko uu qoray nin carab ah oo ka dhacday sida uu sheegay qoraagu beer ku taala magaalada New York ee cariga maraykan.
Maalin ayaa waxa soo maray beer ku taala magalaada New York nin carab ah, waxa uu arkay ilma yar oo Ey weyni uu jiid-jiidanayo rabana in uu cuno, ninkii si dagdag ah ayuu ugu cararay ilmihii yaraa waanu la dagaalamay Ey-gii ilaa uu dilay waana uu badbaadiyay ilmihii yaraa ee waalidkii kaga tagay beerta lagu raaxaysto.

Markii uu ninkii badbaadiyay ilmihii yaraa kana soo jeestay ayaa Waxa meel aan ka fogayn kala socday dhacdadan naxdinta leh iyo sida ay wax u dhaceen askari boolis ah oo ka tirsan booliska magaalada New York.

Askarigii booliska ahaa ayaa u mahad celiyay ninkii hawsha weyn ee uu qabtay, waxuu u sheegay ninkii in hawshan weyn ee uu qabtay darteed lagu soo qori doono bogaga hore ee jariiradaha New York. Lakiin arinka xiisaha badni waxa uu ahaa dooda dhex martay askariga iyo ninkii ilmaha yar badbaadiyay oo ku saabsanayd ciwaanka laga dhigi doono kaas oo askarigu ku sheegay in loo qori doono “Nin Geesi ah oo reer New York ah oo badbaadiyay ilmo yar ka dib markii uu weeraray Ey Halis ahi’’ Ninkii waxa ugu jawaabay lakiin anigu ma ihi reer New York, ninkii askariga ahaa ayaa yidhi hadba ciwaanka waxaan ka dhigi doonaa “Nin Maraykana oo Geesi ah ayaa badbaadiyay ilmo yar ka dib markii uu weeraray Ey Halis ahi’’ ninkii ayaa hadna u sheegay askarigii in aanuu ahayn Maraykan, askarigii ayaa waydiiyay maxaad ahayd? Waxa uu ugu jawaabay waxaan ahay nin carab ah, ninkii askariga ahaa u sheegay in ciwaanka loo badali doonaa sida tan. ‘’ Nin Carab ah oo xag jir ah ayaa Ey aan waxba galabsan ku dilay magaalada New York’’.

Akhriste, waxa laga yaabaa in sheekadani ay tahay mid malaha awaal ah ama ay tahay sheeko dhab ah oo dhacday, si kastaba ha ahaatee sheekadan waxa qoray oo qalinka u qaatay nin carab ah waxna lagu qoray mid ka mid ah bogaga carabta, waxa laga yaabaa in ay maskaxdeena ay ku soo dagdagto in gaaladu ay neceb yihiin Islaamka iyo carabtaba waana sida in badan aynu qalbiga ku hayno. si kale marka loo eego miyaan loo fasir karin waxa aad isu taqaan ka carab ahaan ayay dunidu kuu taqaanaan, waxa laga hayaa nin xikmad badnaa xukun alle siiyay in umad kastaa tahay waxa ay iska dhigto ama isu aragto. قال احد الحكماء كما ترى نفسك يراك الاخرون

Pic 2: Sidaa isu taqaan ayaa laguu yaqaanaa
Waxa aad ii soo jiidatay faalo uu ka qoray nin Diktoor ahi sheekadan, faaladaasi waxa ahayd nuxurkeedu ‘’ Sidaad isu taqaan ayay dadku kuu yaqaan” ka carab ahaan ama Somali ahaan sida aad sheekadan isugu qirtay Nin Carab ah oo xag jir ah ayay dadka kale ee aan carabta ama soomalida ahayni ay kuu yaqaanan.

Waa xaqiiqo in sida aad isu taqaan ay duniduna kuu taqaan, bal u fiirso bulshada soomalida waxa ay isu yaqaanan dad aan heshiin Karin hadii ay meel isugu yimaadaan dunida kalana sidaas ayay u taqaanaa, somalidu waxay in badan sugaan waa deeq dibada ah  oo lagu caawiyo duniduna waxa u taqaanaa umad la caawiyo oo tabaalaysan una baahan gargaar binu-aadamino, somalidu waxa in badan jecel yihiin oo ay wax badan waydiiyaan dadkooda dibada wax ku soo bartay iyagoo indhaha kala lalinaya aqoonta gudaha lagu bartay duniduna waxa waxbarshada gudaha ee somalida u taqaanaa mid aan meel gaadhsiisnayn.

Isku soo wada duuboo in umad ahaan lagu faano waxa aad haysto habo yaraadee waa laga maarmaan, hadii aad adigu sharaf u yeesho waxa gacantaada ku jirta dadka kalana wuu kula qiimanayaa hadii aad hoojisana cidi hadh u jiidmayso.

Aynu qiimayno qiimaha nolasheena.

Alla Mahad Leh

Abdiqani Mohamed Ege




Popular posts from this blog

Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.

Qisadii Xajaaj Binu Yuusuf iyo Wiilka yar

Maxaa laga baran karaa.. Qaybtii {2}