Agoomaynta Aqoonta

Q eexida Erayga aqoon waa dood si weyn la isugu khilaafsan yahay walina socta horna u socon jirtay, doodani waxay u dhaxaysaa aqoonyahankii dunida soo maray iyo kuwa maanta jooga gaar ahaan culimada Falsafadaha qaybta barashada aqoonta " Epistemology" barshada, Falkinta iyo fahamka aragtiyaha aqoonta ‘’Theory of knowledge". Eraygan Aqoon mar waxa lagu qeexay in ay tahay wax koobsanaya ama ay ku jiraan xaqiiqooyin, Xog, Faalo, xirfado lagu lehay laba dariiq midkood, barasho la bartay ama waayo aragnimo sanado badan soo jirtay , waxa laga yaabaa in aqoontaas lagu kasbaday mid loo soo joogay dhacdooyinkii dhacayay isla wakhtiga ay dhacayeen ama mid la tijaabiyo lana talaalay. Barashada Aqoontu waa qayb ka mid ah barashada falsafadaha kala duwan ee aqoonyahanka dunida wareeriyay, filasoofarkii caanka ahaa ee Plato ayaa isu ku qeexay '' Aqoonta" in ay saldhig u tahay sadex arimood, ka hore in Cadayn (Justification) loo helo shayga lagu tilma...