Posts

Kalmad ayaa noloshiisa Gadisay.!

Image
Waxay ahayd ku sinaan badhtamihii 2005 tii mar aan fasax gaaban ku jooga deegan miyi ah, waa wakhti aan dhameeyay waxbarshadii Dugsiga Sare isuna diyaarinayay bilowga Jaamacad. Habeen habeenada ka mid ah ayaa sheekh kitaab Fiqi ah Masjidka Tuulada noogu marin jiray aniga oo meesha safar ku ahaa iyo ninka kale oo deegaan ahaa, ayuu sheekhu iga codsaday in aan dhalinyarada Tuulada wixii laga heli karo isgu yeedho Masjidka Bacda Maqrib si waano iyo wacdi loogu jeediyo, Kitaab yar oo Caqiido ahna loogu bilaabo cidii diyaar u ah, Intii Alle  Swt iga waafajiyay ayaan u yeedhay habeenkaas waano iyo wacdi ayuu sheekhu ku akhriyay una soo bandhigay kitaab uu rabo inuu bilaabo, hawraarsan ayay ku qaabileen dalabkii sheekha. Goortii kulanku gabogabo ku dhawaa ayuu sheekhii kalmad dardaarna ah iga codsaday maadaama aan ka yara weynaa dhalinyarada goobta joogtay, maan badinine  waxaan ku soo koobay "saaxiibayaal maanta sidaad u dhaqanto, u fakarto, una barato cilmiga maadi iyo di...

Turkey: Siraha Qarsoon.!

Image
“ kullan sir ah oo dhex maray Madaxweynihii Turkiga Kamel At-turk iyo Danjihii Ingriiska u fadhiyay Istanbul wakhtigaas Sir Precy” Summada Qofnimo ee aad leedahay waxay ku xidhan tahay cidda aad tahay, cidda aad u hayb sheegato, waa ta aakhrika ku dhaxalsiisa in aad si dhab ah u jeclaato waddankaaga kuguna beerta waddaniyada dhab ah. yaraantaadii ilaa maanta oo tintu ku cadaatay kuna soo dhex jirtay xaaladda ah jeclaansho waddaniyadeed  way adagtay in aad si sahal ah uga guurto kuna badlato waxa ka qiimo liita, haddaba sidee qof uga tanaasulaa qiimihii wadankiisa uguna hibeeyaa cid aan ehel u ahayn, qisadani waa mid ka waramaysay qiimo umaddeeda oo qof kale loo hibaynayo.  Bogga taariikheed waxa kaa yaabiya ma waydid, marka aad mid aragtaba tii hore ayay ku ilawsiinaysaa sida ay u kala cajiib san tahay darteed, waana sidaa ilaa giraanta taariikhdu ka istaagayso. Waxa qalinku isdultaagi doonaa mid ka mid ah taariikhda diblamaasiyada kuwa ugu cajabta badan, loo...

Taag Lahaw ama Tab iyo Xeel

Image
Bulshadu kala mudan, Maskax Maal mar buu ka mudan yahay mid Maal la yuururra, marka uu wakhti ku haboon iyo goob ku haboon Maskaxda tuujiyo Murgiyo dhib jira ama soo socta bulshadiisa ku dhaafiyo ama gaarad sare ugu hogaamiyo barwaaqo iyo horumar. Isku xidhnaanta bulshadu waxay kobcisaa aqoonta iyo horumarka deegan kasta oo degal wad yaal, sida bulshadeenii Miyigu u ilaalin jirtay gaaradka ubadkooda yar yar waxa kaaga filan in aad dhugato sheekooyinka xusuusteen ilaa hada ku jira ee aynu wada naqaano, waa xusuus wadareedka aynu wada leenahay. Talow Maanta maxaa lagu maaweeliyaa caruurteen? Wali ii maqan maaweeladoodu?   Ma looga sheekeeyaa sheekooyinkii xiisaha badnaa ee adiga awowgaa kaaga sheekayn jiray markii aad yarayd? Waa ta ilaa hada aad xusuusan tahay. xusuus waddareedka dadka soomaliyeed waa meelaha ugu hodansan ee ay leedahay bulshada ku hadasha afka soomaligu, xusuus waddareedku waa dhacdooyin ay dadka soomaliyeed wadaagaan, xusuustaasi waxay noqon ka...

The love Behind Your Smile of happiness

Image
Eid Mubrak wishing you all a very happy eid,  please remember the people who are seeking the eye to join in your Happiness. .ا لسعادة : كاللؤلؤة في أعماق البحار، تحتاج إلى غواصٍ ماهر يُتقن صنعة الاكتشاف والغوص. .ابحث في داخلك ففي أعماقك السعادة، وفيها الينبوع الذي لا ينضب Happiness is the only goal on earth that all people without exception are seeking to attain; happiness is a state of mind or feeling characterized by love, satisfaction, pleasure, or joy . Research has identified a number of attributes that correlate with happiness: relationships and social interaction, marital status, employment, health, democratic freedom, optimism, religious involvement, income and proximity to other happy people. The   following are tips for the attainment of happiness : ©         Know that if you do not live within the scope of today, your thoughts will be scattered, your affairs will become confused, and your anxiety wi...

Gorfeyn: Buugga “Culuumta Maansada”

Image
Suugaantu waa meel lagu cabiro tagtada iyo timaadada nolosha, Sugaanta soomalidu waxay in badan ku jirtay kaydna u ahaa quluubta suugaanyahanka soomaliyeed ee ku kala sugan inta soomali dagto, halkaas ayaa lagu hayn jiray, la isku waydaarsan jiray ilaa lakala dhaxlo qarniba qarniga ka danbeeyaa, waxay u ahayd dadka soomaliyeed aalad xog is waydaarsi, xikmad kala barasho, xaalad abuurid, xalin colaadeed iyo xulasho xuural-cayn dumar. Suugaantu waxay dhaxal ma guuran u ahayd una tahay Afka iyo ilaalintiisa. Somalidu waxa in badan la odhan jiray waa bulsho aan lahayn kayd taariikheed oo qoran iyo  kayd suugaaneed oo qoran, lakiin waxay leeyihiin kayd maskaxeed oo qiimo badan. Buugga uu magaciisu yahay “Culuumta Maansada” ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi” Waxa uu ka mid yahay buuggagta ugu qiimaha badan ee laga qoray suugaan soomaliyeed, waa buug soo kordhinayo waxyaabaha badan oo suugaantu leedahay, waxa uu si weyn uga duwan yahay buugaagtii laga qoray maw...