Posts

Falanqaynta Qabyo-qoraalkii xubinimada Qaramada Midoobay loogu ogalaaday Soomalida (Former Italian Somaliland and British Somaliland). Q1aad

Image
Nuqul qabyo-Qoraal ah oo ka kooban 25 bog oo ay si wada jir ah u diyaariyeen dalalka Talyaaniga, boqortooyada ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo waddanka Tuuniisiya {oo ahayd xubinta ugu matalaysay qabyo-qoraalkan qaarada afrika} ayaa si wada jira ugu gudbiyay Qabyo-qoraal 05/07/1960 Xubanaha golaha joogtada ah ee qaramada midoobay, qabyo-qoraalkan oo ay ujeedadiisu ahayd in xubinimada loo ogaalado waddanka cusub ee ku soo biiray khariirada qaarada afrika, waa Somalida middowdaye, oo ka kooban middowgii labadii waddan ee Italian Somaliland oo 10 sano qaramada midoobay ay dawlada Talyaaniga masuul uga dhigay inay barto habka dawladnimada iyo British Somaliland oo xornimada heshay 26 June 1960. Gudbinta qabyo-qoraalkani waxa uu ka danbeeyay codsi (Telegram) ah oo ka yimid Madaxweynaha uu qabyo-qoraalku ku sheegay Mid aan wali rasmi noqon (provisional president) Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (AHN) ee dawlada Soomaaliya kuna taariikhaysan 01/07/1960 tixraaciisuna yahay S/4360....

Falanqaynta Qabyo-qoraalkii xubinimada Qaramada Midoobay loogu ogalaaday Soomalida (Former Italian Somaliland and British Somaliland). Q1aad

Image
Nuqul qabyo-Qoraal ah oo ka kooban 25 bog oo ay si wada jir ah u diyaariyeen dalalka Talyaaniga, boqortooyada ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo waddanka Tuuniisiya {oo ahayd xubinta ugu matalaysay qabyo-qoraalkan qaarada afrika} ayaa si wada jira ugu gudbiyay Qabyo-qoraal 05/07/1960 Xubanaha golaha joogtada ah ee qaramada midoobay, qabyo-qoraalkan oo ay ujeedadiisu ahayd in xubinimada loo ogaalado waddanka cusub ee ku soo biiray khariirada qaarada afrika, waa Somalida middowdaye, oo ka kooban middowgii labadii waddan ee Italian Somaliland oo 10 sano qaramada midoobay ay dawlada Talyaaniga masuul uga dhigay inay barto habka dawladnimada iyo British Somaliland oo xornimada heshay 26 June 1960. Gudbinta qabyo-qoraalkani waxa uu ka danbeeyay codsi (Telegram) ah oo ka yimid Madaxweynaha uu qabyo-qoraalku ku sheegay Mid aan wali rasmi noqon (provisional president) Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (AHN) ee dawlada Soomaaliya kuna taariikhaysan 01/07/1960 tixraaciisuna yahay S/4360. Co...

Qisadii Kunka Diinaar iyo damaaciga..!

Image
Mar kasta oo aad dhugato baalasha iyo bogga taariikhda dunida, mar kasta oo aad dabciga dadyawgii dunida soo maray dib ug fiirsto waxaad helaysaa qisooyin Cajab badan oo aan damaaciga ka madhnayn. Qisadan kooban waxaynu ku eegi doonaa nin damacu la galay xoolo nin kale leeyahay oo isu waalay dharkana u jeexjeexay sidii uu ku heli lahaa maalka ninkaas. Soomalida ayaa ku maahmaada " hebal waa xool cir doon" intuu kuwii dhulka dhaafay ayuu cirka damacu la koray, waxaan filayaa inay tahay sifayntii ama tilmaamidii ugu saraysay ee damaaciga lagu astayn lahaa, inta uu xoolihii dhulka oo dhan dhaafay ayuu doonay wixii cirka sare yaalay, alla ninku damaacisanaa, waxaan ku rajo weynahay in aanay jirin luuqad kale oo damaaciga sidaa u sifaysay in aanay jirin, waa arin u baahan daraasad qoto dheer in lagu sameeyo luuqada soomaliga iyo sifaynaha ay leedahay.     Qisadan waxa soo saaray Imam Al-Cajluuniyi kitaabkiisa "Al-fawaa'id Aldarariya" waxa sidoo kale...
What are the effects of democracy and authoritarianism on development? Paper Study This Essay paper is submitted in partial fulfillment of the Master of Arts Governance and leadership. Abdiqani Mohamed Egeh Introduction: Development is a hot issue in the academic debates, Scholars rise many academic questions relating to developments including the meaning of development? and why some countries developed and other underdeveloped? Does the political system like democracy and authoritarian bring in development? Does Democracy lead a development or does economic development first before democracy? These questions and many other academic questions surrounding the development issue are on the debate. Therefore this paper does not answer many of these questions but here I would like to present the effects caused by two prominent political systems of the world, Democracy and Authoritarianism.  In this short easy we would like to focus on ways of effects they had in devel...

Wasiirkii qurba jooga ahaa iyo ardaydii saadaasha wacnayd.

Image
     Waxa lagu jiray wakhti aad loo hadal hayay safar uu madaxweynu muddo ugu maqnaa cariga Ingiriiska, waxa safarka Madexweynaha  la socday koox wasiiro ah oo aad muhiim ugu ah xukuumadiisa. Sidoo kale Intii madaxweynuhu dalka ka maqnaa waxa aad loo hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirada, saami fiicana ka siin doono qurba joogta. Waa wakhti ay aad u kacsan tahay seefta mucaaradku oo fartii ay dawladu qaadaba ay dhaliilo xanaf leh ay daba dhigayaan, haddaba markii uu madaxweynuhu dib uga soo laabtay safarkaas muddada qaatay waxuu u sheegay  saxaafada sidii loogga bartay inuu guul ugu soo dhamaaday oo ay qadiyadii soomaliland gaadhsiiyeen madaxdii Midawga Yurub. Safarkaa Madaxweynaha Waxa la socday oo dalka u soo raacay qurba joog aad u badan oo dano kale duwan u socday, qaar mashaariic iyo dhaqaalo raadis ah, qaar mansab iyo wasiir raadis ah iyo qaar indho indhayn iyo dano kale u yimid. Mid ka mid ah qurbo joogtaa maalin...

Sheeko Gaaban: Dhaqan wacan dhab Hooyaa laga bartaa.

Image
Nolashu way wajiyo badan tahay, wayna imtixaano badan tahay. Marka uu kula kulmo imtixaan nolosha ku saabsan ayuu soo baxaa qofka aad tahay, sida aad u maarayso ayaa inta badan tilmaanta cida aad ka tirsan tahay. Waxa jira qisooyin badan oo imtixaanka nolosha ka warama, sida sadexdii nin ee reer binu Israa'il iyo imtixaankii nolosha ee ay soo mareen, waxa ka mid ahaa nin Alle swt Maal siiyay oo xumaan kaga doonay gabadh baahi nololeed u keentay. Lakiin markii danbe Alle xasuusisay oo sidaa kaga badbaaday fitnadaas. Abdiqani Ege Qisadan yar ee hoose waxay ku saabsan tahay imtixaan nolosha ah oo kulmiyay xanuun hooyo iyo baahi lacageed oo aanay lahayn, waa maalmo soo maray Amal iyo hooyadeed oo xusuustooda mudan;Amal waa gashaanti yar oo agoon ah oo suuqa ku iibisa xalwada iyo bagaashka yaryar oo ay ehelkeedu ka raadsadaan nolol maalmeedkooda, waxa uu aabaheed geeriyooday iyada oo yar, waxay ku barbaartay dhabta iyo dhididka hooyadeed macaan ilaa ay noqotay gaashaan qaad lagu n...

Biyaha Afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada

Image
Amuuraha aduunyada ayaa iska badane, bari ayaa nin iyo afadiisii mahadho dhex martay, duqa reerku waxuu ahaa waayeel  kaalintii raganimo, Odaynimo iyo masuulnimo si wacan u qaatay kana soo baxay xilkii uu  20 Gu’ ka hore ku gudoomay geedka hadhka weyn ee gabdhaha beesha lagu kala gudoomo. Xaaji Casar waa dhaqan yaqaan in badan laga yaqaan deegaanka beeshu dagto, waxa loogu xusuustaa Gartii uu laba Gu’ ka hor ku xaliyay khilaaf soo kala dhex galay lab raasoo ood-wadaaga ah, waa waayeel sayn cadaa ah oon dabadii hadal la furin, Malaha taas waxa xan hoose lagu yidhaa laguna majeertaa talada iyo garashada dheer ee afadiisa caqliga badan ku siiyo guriga. Xaaji Casar & dahabo cadar  maalintii loo mashxaraday ilaa maanta oo tintu cadaatay khilaaf sooma kala dhex galin iyagoo taas in badan ku mahadiya Eebe. Reer Casar waa qoys  maal aduun leh, guunyo xoolaadna bixinteeda aan lagu xaman, Dahabo cadarna gacan furnaanta odaygeeda waa mid ku dhiirisa mar walba, ...