Heshiiska Dekada Berbera --- Falanqayn Madax banaan.
Afeef:
Qoraalkan
koobani waa mid madax banaan, si guud iyo si gaar ahbana u qiimaynaya heshiiska
is fahan ee dhexmaray Dawladda Imaaradka Carabta iyo Dawladda Somaliland, sidoo
kale qoraalkani waxa sal u ah qoraalka soo gaadhay qaybo ka mid ah bulshada
Somaliland.[Qoraalka oo yara dheer ka raali noqo]
Hordhac:
Dekada
Magaalada Berbera waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ilaha dhaqaalaha ee
somaliland leedahay, Dekadu waxay ku taalaa goob muhiim ah marka la eego
khariiradda juquraafiyadeed ee Somaliland dhacdo, waxa intaasba ka sii
wanaagsan, Dekadu waxay wax siin kartaa dadyow badan oo geeska afrika ku nool
sida Somaliya iyo dal weynaha Itoobiya.
Fursadaha
ugu waaweyn ee Dekadu leedahay waxa ka mid ah in ay 80 milyan in ka badan ay
fursad u haysto in ay wax kala soo dagi karaan, kuwaas ay dhaqaalahoodu xawli
ku socod. Dekada waxa markii ugu horaysay dhisay Midawgii soofiyeeti, waxa isna
mar danbe balaadhiyay waddanka Maraykanka. Dekadu dhaqaalaha soomaliland wax
weyn ayay ku biirisaa.
Marka Dekada la
sheegayo wax yaabaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah qalabka yaala Dekada, Qalabka
Dekada ee qaadista kontaynarka [Handling] waana 6 ilaa 12 qaadis saacadiiba
taas oo mararka qaarna ka badata, horumarinta qalabka Dekada ee saacida
maraakiibta in si fudud oo wakti yar iyo kharash yar ku qaata in alaab badan
laga rogo waa mid soo jiidan karta maraakiib badan inay ku soo xidhaan dakada. Qaybta
qaadista kaargooga fudud{Mobile cargo) waa {10 x Mobile cargo [waa nooca 70
mitir ah] 2 x forklifts (Forklifts waa mishiinka loo isticmaalo in qalabka lagu
dalaco ama lagu riixo ama lagu jiido isna waa 32mt}. goobta kaydinta ee Dakadu
baaxadeedu waa 5760 M2 taas oo qaadi karta 120, 000 mt (qaybta furan ee
kaydinta waxay qaadi kartaa 64,000 m2) iyo waliba qayb la dhigi karo
koontaynarada.
Sanadkii 2014 ayaa
balaadhin lagu sameeyay Dekada qaybta qalalan dhul gaadhay 700m x 300m iyo qayb
la dhigi karo koontaynarada lagga soo qaaday teerminaalka koontaynarada. Dakada
waxa hadda ay dajisaa ilaa 35,000 tan oo alaab ah, balaadhinta Dekada berbera
waxa lagu qiyaasay in ay ku kacayso 65 million oo doolar, kaas oo lagu
kordhinayo 20 mitir oo biyaha badda ah kuwaas oo sahli kara in ay ku soo xidhan
karaan maraakiibta ugu waaweyn dunida sida koontaynarada ugu waaweyn, hadda
cabirka qodan ee biyaha markabku istaago waa 11.5 m (22yard).
Balaadhinta Dakada
waxa laga diyaariyay macluumaad aad u balaadhan waxaana lagu qeexay Qorashaha
horumarinta qaranka ee 2012–2016. Xaga amaanka Dekada, Ha'ayada Caalamiga ah ee
Amaanka Maraakiibta[ISPS] iyo adeega Dekadaha waxay ku qiyaastay amaanka Dekada
Berbera mid ah heerka koowaad (Level 1 Normal) kaas oo ah darajada ugu hoosaysa
ee qiimaynta caalamiga ah. Si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho Dekada waxa
aad booqtaa Macluumaad ku saabsan Dekada Berbera. http://dlca.logcluster.org/…/…/2.1.2+Somalia+Port+of+Berbera
Dekada Magaalada
Berbera maaha mid qoraalkan lagu soo koobi karo lakiin ujeedka aan halkan ugu
soo qaatay ayaa ah in aynu ogaano badeecada aynu iibinayno inta aynaan u galin
heshiiska aynu la galanay Dp-world.
Dhawaan ayay
xukuumada somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta ay gaadheen heshiish
isfahan kaas oo ay labada dhinac
iska kaashanayaan meelo badan. inta aynaan u gelin qodobada heshiiska is fahan
bal aan is yar dul taagno heshiiska. Ugu horayn Heshiisku waxa uu magac u
bixiyay cida heshiiska wada galaysa, waxaana uu yidhi “ is fahamka heshiiskani
waxuu u dhexeeyaa Dawlada Imaaraadka Carabta [United Arab Emirates] oo ay
Matalayso Imaarada Dubai iyo Dawlada soomaliland [Government of Somaliland]
kaas oo uu matalayo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland. Waa sidaas erayda u
horaysa ee heshiiska Isfahan lagu qoray.
Somaliland waxa ugu
jirta laba Faa’iido oo aad u qaali ah 1) In ay gashay heshiis caalimi ah magaca
Dawladda Somaliland kaas oo ka dhigan in Dawalda Imaaradka Carabtu ay aqoonsi
siisay Soomaliland heer kastaba ha ahaadee 2) In ay Somaliland Khayraadkii
dalkeeda ay magaceeda ku doonatay maalgalin caalami ah.
Haddaba Dawalda
Imaarada Dubai oo heshiiskan u matalaysa Midawga Imaaradaha Carabta (UAE) ayaa
iyna PCFC [port & Free zone Security Corporation] ayay u xil saartay
heshiiskan inay u sii matasho, lakiin sida qoraalka ku qoran mar walba waxa la
xusayaa Imaraada Dubai.
Isfahanka heshiisku
waxuu aqoonsanayaa muhiimada ay leedahay tixgalinta dhamaan xidhiidhkii ka
dhexeeyay labada dal ee Somaliland iyo UAE, waxa kale oo uu tilmaamay
iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo
ganacsiga. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa doonista iyo iskaashiga
dhinacyada cilmiga, Tiknoolajiyada, khibrada, macluumaadka iyo horumarinta dhan
walba ah, qaybahaas si loo gaadho iskaashi buuxa oo midho dhal ah. Waxa kale oo
isfahanka heshiis (Memorandum of Understanding) ay xustay in isfahamkani uu
maanka ku hayo dhamaan shuruucda iyo qaawaaniinta ee labada dal.
Isfahanka
heshiiskani waxa uu ka kooban yahay saddex heshiis oo isku xidhan, waana sidan:
1.
Heshiiska Isfahan (Memorandum of Understanding) -> waxa uu u dhexeeyaa
Dawlada Somaliland iyo UAE, waana heshiiska saldhiga u ah in DP-world ay soo
gasho oo maalgalin ku samayso Dekada berbera, waxa uu ka kooban 8 meelood oo
iskaashi ah oo labada dal u dhaxaysa {xaga hoose ayay ku xusan yihiin} qodobka
6aad oo ah in iskaashi laga yeesho Dekaha ayaa waxa ka farcamaya nooca
heshiiska loo yaqaan concession agreements oo ah in ay Dawlada Imaaradka siiso
shirkad macaash doon ah oo maalgalin ku samaysa Dekada kalana soo baxda
faa’iido taasna loo qaybsado saami lagu heshiiyo. { waxa aynu si fiican ugu
sharixi doonaa qormadeena labaad noocyda heshiisyadan].
2.
Concession – waxa heshiiska wadda galay Dekada berbera iyo Dawlada
Soomaliland oo dhinac ah iyo Dp-word oo dhinac kale ah, heshiiskan oo aynu
qoraalka danbe ku faahfaahin doona waxa ku jira in sameeyo shirkada gaar ah oo
maamusha Dekada berbera taas oo ay soomaliland leedahay 35% halka ay Dp-world
na ay leedahay 65%, waxa lagu cadeeyay iyana qaabka loo samayn doona, xubaneeda
iyo awoodaheeda heshiiska sadexaad ee heshiiska saami layda [share holders
agreements]
3.
Heshiiska saami layda [Share holders agreement] – waxa uu u dhexeeyaa
Dekada berbera iyo Dp-world, heshiiskani waa soo urrurinta wax yaabaha la
xidhiidha samaynta shirkada maamuli doonta Dekada berbera kuwaas oo ay wadda
leeyihiin labada dhinac.
Heshiiskan
Isfahan ee Somaliland iyo UAE ay gaadheen waxa kaliya ka suura galay waa
qodobka 6aad ee ah Dekada berbera, waan sababta uu saaxada u qabsaday in loogu
yeedho guud ahaan heshiiska inuu ku kooban yahay Dekada berbera lakiin uu dhab
ahaan uga balaadhan yahay.
Heshiiskan
oo ah mid aad u qurux badan [lucrative deal] aan bal u eegno qodob qodob,
meelaha iskaashiga ee uu xusayo heshiiskan Isfahan (Areas of Cooperation).
1. Beeraha (Agriculture) -> Imaarada Dubai waxay taageeri doontaa
xoolaha nool si kor loogu qaado noloshooda, waxay kale oo ay taageeri doontaa
kaluunka soomaliland inuu noqdo il dhaqaale oo la mid ah ka xoolaha nool oo
kale, sidoo kale waxa iyana taageero mug leh ay siin doontaa noocyada dalaga
beeraha ee ay somaliland leedahay.
2. Shaqaalaynta (Employment) -> heshiisku waxa kale oo uu tilmaamay in
shaqo la'aanta badan ee ka jirta somaliland lagu taageeri doono in la abuuro
fursado shaqo kuwaas oo dadka reer soomaliland ay uga shaqaysan karaan imaarada
Dubai.
3. Tamarta (Energy) -> kharashka badan ee ku baxa laydhka si
Tamar loo helo ayay imaarada Dubia taageeri doontaa in la dhimo lana helo ilo
kale oo Tamareed kuwaas oo ka mid ka yihiin Tamarta dabiiciga ah sida kuwa
qoraxda, dabaysha, mawjahdaha biyaha, kulka iyo Tamarta dhulka hoostiisa laga
dhaliyo.
4. Kaydinta Shiidaalka iyo Habka shidaal
shubista (Fuel Storage and Bunkering) -> dawladda imaarada dubai waxay kaloo taageeri doonta
horumarinta habka shidaal kaydinta iyo shidaal shubista ee maraakiibta iyada oo
la keeni doono qalab la mid ah ka yaala suuqa Gobalka geeska Africa sida
Jabuuti, iyo Kenya.
5. Horumarinta warshadaha (Industrial
development) -> Horuminta
adeega warshadaha somaliland waxa ugu horeeya samaynta adeega ka caagan
cashuura (Free Zone) lagana samayn doono Magaalada xeebta ah ee berbera,
adeegan ka caagan cashuurahu (Free Zone)-ku waa goobo la dhigo alaabaha
ganacsiga loogu talagay kuwaas oo dib loogu farsamayn karo ama dib la isagu
xidhxidhi karo si loogu dhoofiyo meel kala ama waddan kale, adeegani waxa uu
soo jiita in meeshu ka hir gali karto kobac dhaqaale oo warshadeed kuwaas oo
daba socda aagagan ka caagan cashuuraha. Inta badan dunida adeega freezone-ka
waxa laga sameeyaa meelaha dekadaha, gagooyinka diyaaradaha iyo meelaha
xuduudaha ah.
6. Dakadaha [ports]-> Dawladda imaarada dubia waxay taageeri
doontaa korna u qaadi doontaa shaqada dekada berbera, maalgashiga iyo
horumarinta dekada berbera iyada oo samayn doonta in loo dhiibo shirkad macaash
doon ah lana wadaagi doona faa’iidada ka soo baxda, tani waxay kor u qaadi
doontaa adeega dakada si gobalka oo dhan loogu adeego oo ay ku jirto dalalka
aan haysan badaha (sida itoopiya oo kale). Halkan ayuu soo galayaa heshiiska ay
DP world iyo Somaliland oo ay matalayso dakada berber ku galeen, qormada danbe
ayaynu ku faahfaahin doona heshiiska iyo qaabka loo galay.
7. wadooyinka ( Roads) -> dadaalka ay Dawladda somaliland ugu
jirto in la helo waddo isku xidha wajaale oo ah xadka Ethiopia iyo dekada
berbera ayay dawlada imaarada dubai ay ka gaysan doontaa taageero mug leh
waxayna dhisi doontaa jidkaas.
8. Dalxiiska (Tourism) -> dhanka dalxiiska ayay dawladda imaarada
dubai ay ka taageeri doontaa Somaliland iyada oo la dhisi doono hoteelo casri
ah lagana dhisi doono magaalooyinka hargaysa iyo berbera, waxa kale oo horumarin
lagu samayn doonaa xeebta dalxiiska ee berbera si ay u soo jiidato dalxiisayaal
badan.
Intaasi
waa qodobada ay labada dawladood iska kaashan doonaan, si loo gaadho ujeedo mid
ah. Haddaba qaabkee loo marayaa heshiiskan, waa ta aynu eegi doono hadda.
Qaabka
fulinta iskaashiga labada dawladood.
Iskaashiga
labada dawladood waxa loo fulin doonaa sidan;
- Dawladda Imaarada Dubai waxay DP-world u
magacaabi doontaa inay noqto hogaamiyaha koowaad ee fulinaya heshiiskan iyada
oo Tusaale wanaagsan iyo soo jiidashaba u noqonaysa Ganacsiyada kale ee ka jira
Dubai,
- Iswaydaarsiga xogaha iyo siyaasadaha
[information and policies exchange] ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la
iska kaashado.
- In kor loo qaado wada hadalka iyo doodaha u
dhexeeya Madaxda Dubai iyo Somaliland ee ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in
la iska taageero.
- Isku duba ridka, fulinta, kala doorashada
mashaariicda muhiimada ay leeyihiin awgeed, iyo ogaanshaha talaabooyinka hore
loogu marinayo meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
- Maamulida si wadda jir ah hawlaha la ansixiyo
ee ah in la wadda qabto ee ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska
taageero.
- In la sameeyo dariiq cad oo wadda hadal iyo
xidhiidho joogta kuwaas oo qayb ka ah shaqada iyo wadda hadalka socda mar walba
si loo abuuro jawi lagu gaadhi karo ujeedoonka guud ee lagga midaysan yahay.
- In la waddago khibrada, khubarada iyo xogta
iyada oo mid walba la isku dayayo in loo isticmaalo sida ugu wanaagsan ee suurgal
ah.
Dhanka
Gacastada iyo bulshada waxay Dawlada soomaliland iyo UAE ay ku heshiiyeen in;
A. Labada dawladdoodba ay ku marti qaadaan
kuna dhiiri galiyaan urrurada ama haaydaha Ganacsi si kor loogu qaado in la
sameeyo ganacsi la wadda leeyahay oo ka dhexeeya dadka labadda dawladdood.
B. Labadda dawladdoodba waa inay ku
marti qaadaan urrurada ganacisga inay qaataan doorkooda hogaamineed si loo
abuura fikir iyo hal-abuur cusub oo ku saabsan meelaha laggu heshiiyay.
C. Labada dhinac waxay ku
heshiiyeen in arinta iskaashiga ee u dhaxaysa Ganacsatada matalaysa labada
shacab ay booqashadoodu noqto mid wakhti leh ah.
Dhinaca isku gudinta
Aqoonta (Know-how) iyo Tiknoolajiyadu waxa la isla qaatay in
D. La
dhiiri galiyo doonista ganacsiga gaarka leeyahay kaas oo ku saabsan aqoonta
(Know-how) iyo isu gudbinta Tiknoolajiyada la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay
in la iska taageero.
E. Labada
dhinacba waxay isku raaceen in la raadiyo fursado maalgashiyo oo faa’iido u
leh
F. labada
dawladood kuwaas oo la xidhiidh aqoonta (know-how) iyo Tiknoolajiyada.
G. Dhanka
horumarinta iyo cilmi baadhista waxa labada dhinaca ilsa garteen in La
sameeyo
I. cilmi baadhis wax ku ool ah oo la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay in la
iska taageero.
Waxa kaloo lagu heshiyay in is waydaarsado xogta statistics ah ee la
xidhiidha meelaha lagu heshiyay in la iska taageero.
J. meelaha muran ka yimaado ee lagu kala duwaanaado xaga qaanuunka waxa
lagu xalinayaa wadiiqooyin diblamaasiyadeed [diplomatic channels].
H. Dhanka muranka fulinta iyo fahamka ee la xidhiidha meelaha lagu
heshiiyay in la iska taageero waxa loo celinayaa qaanuunka dal walba leeyahay,
K. Luuqada heshiisku waa luuqada ingriisida, haddii luuqado kale loo
baahdo waa laggu heshiin karaa labada dhinac.
Heshiiska is fahan ee labadda dawladood wakhatiga la galayo, wakhtiga uu ku
egyahay iyo sida loo baa’bi'inayo heshiiskani waa;
a. Heshiiska
Isfahan wakhtigiisa waa 5 sano waana la cusboonaysiin karaa 5 sano oo kale haddii
labadda dhican ay u arkaan dan. Labbada dawladood mid walba wuu ka baxi karaa
heshiiskan qayb ka mid ah ama dhamaantiiba, iyada oo ogaysiin la bixinayo muddo
dhan 6 bilood ka hor ka bixitaanka heshiiska.
b. Heshiiskan
Isfahan (Memorandum of understanding) lama cusuboonaysiin karo marka la reebo
in labadda dhinacba ay saxeexaan qoraal ahaan wax ka badalka heshiiskan.
c. Heshiiskan
Isfahan (Memorandum of understanding) Waxa uu dhaqan galayaa maalinta ay
saxeexaan labada dhinacba.
Heshiiskan
Isfahan (Memorandum of understanding) ee labadda dawladeed dhanka
Somaliland waxa saxeexay Wasiirka Arimaha dibada soomaliland, dhanka
kalana waxa u saxeexay Imaraada Dubai iyada oo wakiil ka ah Dawladda Imaaraadka
Carabta (UAE). Waxa la saxeexay Heshiiskan Isfahan (Memorandum of
understanding) 9 bishii may 2016.
Guud ahaan marka la soo koobo heshiiskan isfahan waa mid aad u balaadhan kaas
oo hadda kaliya uu ka hirgalayo qodobka 6aad ee meelaha isfahan ee labada
dal[areas of cooperation} kaas oo ah Maalgalinta Dekada berbera, sidoo kale
Fulinta ama maalgalinta Dekada berbera waxay fure u tahay in la helo ganacsto
kale oo maalgashatay 7 qaybood ee kale ee lagu heshiiyay.
Fiiro gaar ah.
Ilaa hadda waxay faaqidnay waa heshiiska isfahan [MOU] kaas oo aabo u ah
heshiisyo tiro badan oo uu ka midka yahay kan Dp-world ay ku maalgalinayso
dekada berbera.
Waxa aynu Qoraale kale ku eegi doonaa heshiiska Dekada Berbera iyo ka saami
qaybsiga ee ku saabsan shirkada la samayn doono.
Abdiqani Mohamed Egeh
MA Governance and Leadership- Candidate, research fellow.
fmcige@gmail.com
00252634427711
Afeef:
Qoraalkan
koobani waa mid madax banaan, si guud iyo si gaar ahbana u qiimaynaya heshiiska
is fahan ee dhexmaray Dawladda Imaaradka Carabta iyo Dawladda Somaliland, sidoo
kale qoraalkani waxa sal u ah qoraalka soo gaadhay qaybo ka mid ah bulshada
Somaliland.[Qoraalka oo yara dheer ka raali noqo]
Hordhac:
Dekada
Magaalada Berbera waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ilaha dhaqaalaha ee
somaliland leedahay, Dekadu waxay ku taalaa goob muhiim ah marka la eego
khariiradda juquraafiyadeed ee Somaliland dhacdo, waxa intaasba ka sii
wanaagsan, Dekadu waxay wax siin kartaa dadyow badan oo geeska afrika ku nool
sida Somaliya iyo dal weynaha Itoobiya.
Fursadaha
ugu waaweyn ee Dekadu leedahay waxa ka mid ah in ay 80 milyan in ka badan ay
fursad u haysto in ay wax kala soo dagi karaan, kuwaas ay dhaqaalahoodu xawli
ku socod. Dekada waxa markii ugu horaysay dhisay Midawgii soofiyeeti, waxa isna
mar danbe balaadhiyay waddanka Maraykanka. Dekadu dhaqaalaha soomaliland wax
weyn ayay ku biirisaa.
Marka Dekada la
sheegayo wax yaabaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah qalabka yaala Dekada, Qalabka
Dekada ee qaadista kontaynarka [Handling] waana 6 ilaa 12 qaadis saacadiiba
taas oo mararka qaarna ka badata, horumarinta qalabka Dekada ee saacida
maraakiibta in si fudud oo wakti yar iyo kharash yar ku qaata in alaab badan
laga rogo waa mid soo jiidan karta maraakiib badan inay ku soo xidhaan dakada. Qaybta
qaadista kaargooga fudud{Mobile cargo) waa {10 x Mobile cargo [waa nooca 70
mitir ah] 2 x forklifts (Forklifts waa mishiinka loo isticmaalo in qalabka lagu
dalaco ama lagu riixo ama lagu jiido isna waa 32mt}. goobta kaydinta ee Dakadu
baaxadeedu waa 5760 M2 taas oo qaadi karta 120, 000 mt (qaybta furan ee
kaydinta waxay qaadi kartaa 64,000 m2) iyo waliba qayb la dhigi karo
koontaynarada.
Sanadkii 2014 ayaa
balaadhin lagu sameeyay Dekada qaybta qalalan dhul gaadhay 700m x 300m iyo qayb
la dhigi karo koontaynarada lagga soo qaaday teerminaalka koontaynarada. Dakada
waxa hadda ay dajisaa ilaa 35,000 tan oo alaab ah, balaadhinta Dekada berbera
waxa lagu qiyaasay in ay ku kacayso 65 million oo doolar, kaas oo lagu
kordhinayo 20 mitir oo biyaha badda ah kuwaas oo sahli kara in ay ku soo xidhan
karaan maraakiibta ugu waaweyn dunida sida koontaynarada ugu waaweyn, hadda
cabirka qodan ee biyaha markabku istaago waa 11.5 m (22yard).
Balaadhinta Dakada
waxa laga diyaariyay macluumaad aad u balaadhan waxaana lagu qeexay Qorashaha
horumarinta qaranka ee 2012–2016. Xaga amaanka Dekada, Ha'ayada Caalamiga ah ee
Amaanka Maraakiibta[ISPS] iyo adeega Dekadaha waxay ku qiyaastay amaanka Dekada
Berbera mid ah heerka koowaad (Level 1 Normal) kaas oo ah darajada ugu hoosaysa
ee qiimaynta caalamiga ah. Si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho Dekada waxa
aad booqtaa Macluumaad ku saabsan Dekada Berbera. http://dlca.logcluster.org/…/…/2.1.2+Somalia+Port+of+Berbera
Dekada Magaalada
Berbera maaha mid qoraalkan lagu soo koobi karo lakiin ujeedka aan halkan ugu
soo qaatay ayaa ah in aynu ogaano badeecada aynu iibinayno inta aynaan u galin
heshiiska aynu la galanay Dp-world.
Dhawaan ayay
xukuumada somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta ay gaadheen heshiish
isfahan kaas oo ay labada dhinac
iska kaashanayaan meelo badan. inta aynaan u gelin qodobada heshiiska is fahan
bal aan is yar dul taagno heshiiska. Ugu horayn Heshiisku waxa uu magac u
bixiyay cida heshiiska wada galaysa, waxaana uu yidhi “ is fahamka heshiiskani
waxuu u dhexeeyaa Dawlada Imaaraadka Carabta [United Arab Emirates] oo ay
Matalayso Imaarada Dubai iyo Dawlada soomaliland [Government of Somaliland]
kaas oo uu matalayo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland. Waa sidaas erayda u
horaysa ee heshiiska Isfahan lagu qoray.
Somaliland waxa ugu
jirta laba Faa’iido oo aad u qaali ah 1) In ay gashay heshiis caalimi ah magaca
Dawladda Somaliland kaas oo ka dhigan in Dawalda Imaaradka Carabtu ay aqoonsi
siisay Soomaliland heer kastaba ha ahaadee 2) In ay Somaliland Khayraadkii
dalkeeda ay magaceeda ku doonatay maalgalin caalami ah.
Haddaba Dawalda
Imaarada Dubai oo heshiiskan u matalaysa Midawga Imaaradaha Carabta (UAE) ayaa
iyna PCFC [port & Free zone Security Corporation] ayay u xil saartay
heshiiskan inay u sii matasho, lakiin sida qoraalka ku qoran mar walba waxa la
xusayaa Imaraada Dubai.
Isfahanka heshiisku
waxuu aqoonsanayaa muhiimada ay leedahay tixgalinta dhamaan xidhiidhkii ka
dhexeeyay labada dal ee Somaliland iyo UAE, waxa kale oo uu tilmaamay
iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo
ganacsiga. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa doonista iyo iskaashiga
dhinacyada cilmiga, Tiknoolajiyada, khibrada, macluumaadka iyo horumarinta dhan
walba ah, qaybahaas si loo gaadho iskaashi buuxa oo midho dhal ah. Waxa kale oo
isfahanka heshiis (Memorandum of Understanding) ay xustay in isfahamkani uu
maanka ku hayo dhamaan shuruucda iyo qaawaaniinta ee labada dal.
Isfahanka
heshiiskani waxa uu ka kooban yahay saddex heshiis oo isku xidhan, waana sidan:
1.
Heshiiska Isfahan (Memorandum of Understanding) -> waxa uu u dhexeeyaa
Dawlada Somaliland iyo UAE, waana heshiiska saldhiga u ah in DP-world ay soo
gasho oo maalgalin ku samayso Dekada berbera, waxa uu ka kooban 8 meelood oo
iskaashi ah oo labada dal u dhaxaysa {xaga hoose ayay ku xusan yihiin} qodobka
6aad oo ah in iskaashi laga yeesho Dekaha ayaa waxa ka farcamaya nooca
heshiiska loo yaqaan concession agreements oo ah in ay Dawlada Imaaradka siiso
shirkad macaash doon ah oo maalgalin ku samaysa Dekada kalana soo baxda
faa’iido taasna loo qaybsado saami lagu heshiiyo. { waxa aynu si fiican ugu
sharixi doonaa qormadeena labaad noocyda heshiisyadan].
2.
Concession – waxa heshiiska wadda galay Dekada berbera iyo Dawlada
Soomaliland oo dhinac ah iyo Dp-word oo dhinac kale ah, heshiiskan oo aynu
qoraalka danbe ku faahfaahin doona waxa ku jira in sameeyo shirkada gaar ah oo
maamusha Dekada berbera taas oo ay soomaliland leedahay 35% halka ay Dp-world
na ay leedahay 65%, waxa lagu cadeeyay iyana qaabka loo samayn doona, xubaneeda
iyo awoodaheeda heshiiska sadexaad ee heshiiska saami layda [share holders
agreements]
3.
Heshiiska saami layda [Share holders agreement] – waxa uu u dhexeeyaa
Dekada berbera iyo Dp-world, heshiiskani waa soo urrurinta wax yaabaha la
xidhiidha samaynta shirkada maamuli doonta Dekada berbera kuwaas oo ay wadda
leeyihiin labada dhinac.
Heshiiskan
Isfahan ee Somaliland iyo UAE ay gaadheen waxa kaliya ka suura galay waa
qodobka 6aad ee ah Dekada berbera, waan sababta uu saaxada u qabsaday in loogu
yeedho guud ahaan heshiiska inuu ku kooban yahay Dekada berbera lakiin uu dhab
ahaan uga balaadhan yahay.
Heshiiskan
oo ah mid aad u qurux badan [lucrative deal] aan bal u eegno qodob qodob,
meelaha iskaashiga ee uu xusayo heshiiskan Isfahan (Areas of Cooperation).
1. Beeraha (Agriculture) -> Imaarada Dubai waxay taageeri doontaa
xoolaha nool si kor loogu qaado noloshooda, waxay kale oo ay taageeri doontaa
kaluunka soomaliland inuu noqdo il dhaqaale oo la mid ah ka xoolaha nool oo
kale, sidoo kale waxa iyana taageero mug leh ay siin doontaa noocyada dalaga
beeraha ee ay somaliland leedahay.
2. Shaqaalaynta (Employment) -> heshiisku waxa kale oo uu tilmaamay in
shaqo la'aanta badan ee ka jirta somaliland lagu taageeri doono in la abuuro
fursado shaqo kuwaas oo dadka reer soomaliland ay uga shaqaysan karaan imaarada
Dubai.
3. Tamarta (Energy) -> kharashka badan ee ku baxa laydhka si
Tamar loo helo ayay imaarada Dubia taageeri doontaa in la dhimo lana helo ilo
kale oo Tamareed kuwaas oo ka mid ka yihiin Tamarta dabiiciga ah sida kuwa
qoraxda, dabaysha, mawjahdaha biyaha, kulka iyo Tamarta dhulka hoostiisa laga
dhaliyo.
4. Kaydinta Shiidaalka iyo Habka shidaal
shubista (Fuel Storage and Bunkering) -> dawladda imaarada dubai waxay kaloo taageeri doonta
horumarinta habka shidaal kaydinta iyo shidaal shubista ee maraakiibta iyada oo
la keeni doono qalab la mid ah ka yaala suuqa Gobalka geeska Africa sida
Jabuuti, iyo Kenya.
5. Horumarinta warshadaha (Industrial
development) -> Horuminta
adeega warshadaha somaliland waxa ugu horeeya samaynta adeega ka caagan
cashuura (Free Zone) lagana samayn doono Magaalada xeebta ah ee berbera,
adeegan ka caagan cashuurahu (Free Zone)-ku waa goobo la dhigo alaabaha
ganacsiga loogu talagay kuwaas oo dib loogu farsamayn karo ama dib la isagu
xidhxidhi karo si loogu dhoofiyo meel kala ama waddan kale, adeegani waxa uu
soo jiita in meeshu ka hir gali karto kobac dhaqaale oo warshadeed kuwaas oo
daba socda aagagan ka caagan cashuuraha. Inta badan dunida adeega freezone-ka
waxa laga sameeyaa meelaha dekadaha, gagooyinka diyaaradaha iyo meelaha
xuduudaha ah.
6. Dakadaha [ports]-> Dawladda imaarada dubia waxay taageeri
doontaa korna u qaadi doontaa shaqada dekada berbera, maalgashiga iyo
horumarinta dekada berbera iyada oo samayn doonta in loo dhiibo shirkad macaash
doon ah lana wadaagi doona faa’iidada ka soo baxda, tani waxay kor u qaadi
doontaa adeega dakada si gobalka oo dhan loogu adeego oo ay ku jirto dalalka
aan haysan badaha (sida itoopiya oo kale). Halkan ayuu soo galayaa heshiiska ay
DP world iyo Somaliland oo ay matalayso dakada berber ku galeen, qormada danbe
ayaynu ku faahfaahin doona heshiiska iyo qaabka loo galay.
7. wadooyinka ( Roads) -> dadaalka ay Dawladda somaliland ugu
jirto in la helo waddo isku xidha wajaale oo ah xadka Ethiopia iyo dekada
berbera ayay dawlada imaarada dubai ay ka gaysan doontaa taageero mug leh
waxayna dhisi doontaa jidkaas.
8. Dalxiiska (Tourism) -> dhanka dalxiiska ayay dawladda imaarada
dubai ay ka taageeri doontaa Somaliland iyada oo la dhisi doono hoteelo casri
ah lagana dhisi doono magaalooyinka hargaysa iyo berbera, waxa kale oo horumarin
lagu samayn doonaa xeebta dalxiiska ee berbera si ay u soo jiidato dalxiisayaal
badan.
Intaasi
waa qodobada ay labada dawladood iska kaashan doonaan, si loo gaadho ujeedo mid
ah. Haddaba qaabkee loo marayaa heshiiskan, waa ta aynu eegi doono hadda.
Qaabka
fulinta iskaashiga labada dawladood.
Iskaashiga
labada dawladood waxa loo fulin doonaa sidan;
- Dawladda Imaarada Dubai waxay DP-world u magacaabi doontaa inay noqto hogaamiyaha koowaad ee fulinaya heshiiskan iyada oo Tusaale wanaagsan iyo soo jiidashaba u noqonaysa Ganacsiyada kale ee ka jira Dubai,
- Iswaydaarsiga xogaha iyo siyaasadaha [information and policies exchange] ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska kaashado.
- In kor loo qaado wada hadalka iyo doodaha u dhexeeya Madaxda Dubai iyo Somaliland ee ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
- Isku duba ridka, fulinta, kala doorashada mashaariicda muhiimada ay leeyihiin awgeed, iyo ogaanshaha talaabooyinka hore loogu marinayo meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
- Maamulida si wadda jir ah hawlaha la ansixiyo ee ah in la wadda qabto ee ku saabsan meelaha lagu heshiiyay in la iska taageero.
- In la sameeyo dariiq cad oo wadda hadal iyo xidhiidho joogta kuwaas oo qayb ka ah shaqada iyo wadda hadalka socda mar walba si loo abuuro jawi lagu gaadhi karo ujeedoonka guud ee lagga midaysan yahay.
- In la waddago khibrada, khubarada iyo xogta iyada oo mid walba la isku dayayo in loo isticmaalo sida ugu wanaagsan ee suurgal ah.
Dhanka
Gacastada iyo bulshada waxay Dawlada soomaliland iyo UAE ay ku heshiiyeen in;
A. Labada dawladdoodba ay ku marti qaadaan
kuna dhiiri galiyaan urrurada ama haaydaha Ganacsi si kor loogu qaado in la
sameeyo ganacsi la wadda leeyahay oo ka dhexeeya dadka labadda dawladdood.
B. Labadda dawladdoodba waa inay ku
marti qaadaan urrurada ganacisga inay qaataan doorkooda hogaamineed si loo
abuura fikir iyo hal-abuur cusub oo ku saabsan meelaha laggu heshiiyay.
C. Labada dhinac waxay ku
heshiiyeen in arinta iskaashiga ee u dhaxaysa Ganacsatada matalaysa labada
shacab ay booqashadoodu noqto mid wakhti leh ah.
Dhinaca isku gudinta
Aqoonta (Know-how) iyo Tiknoolajiyadu waxa la isla qaatay in
D. La
dhiiri galiyo doonista ganacsiga gaarka leeyahay kaas oo ku saabsan aqoonta
(Know-how) iyo isu gudbinta Tiknoolajiyada la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay
in la iska taageero.
E. Labada
dhinacba waxay isku raaceen in la raadiyo fursado maalgashiyo oo faa’iido u
leh
F. labada
dawladood kuwaas oo la xidhiidh aqoonta (know-how) iyo Tiknoolajiyada.
G. Dhanka
horumarinta iyo cilmi baadhista waxa labada dhinaca ilsa garteen in La
sameeyo
I. cilmi baadhis wax ku ool ah oo la xidhiidha meelaha lagu heshiiyay in la
iska taageero.
Waxa kaloo lagu heshiyay in is waydaarsado xogta statistics ah ee la
xidhiidha meelaha lagu heshiyay in la iska taageero.
J. meelaha muran ka yimaado ee lagu kala duwaanaado xaga qaanuunka waxa
lagu xalinayaa wadiiqooyin diblamaasiyadeed [diplomatic channels].
H. Dhanka muranka fulinta iyo fahamka ee la xidhiidha meelaha lagu
heshiiyay in la iska taageero waxa loo celinayaa qaanuunka dal walba leeyahay,
K. Luuqada heshiisku waa luuqada ingriisida, haddii luuqado kale loo
baahdo waa laggu heshiin karaa labada dhinac.
Heshiiska is fahan ee labadda dawladood wakhatiga la galayo, wakhtiga uu ku
egyahay iyo sida loo baa’bi'inayo heshiiskani waa;
a. Heshiiska
Isfahan wakhtigiisa waa 5 sano waana la cusboonaysiin karaa 5 sano oo kale haddii
labadda dhican ay u arkaan dan. Labbada dawladood mid walba wuu ka baxi karaa
heshiiskan qayb ka mid ah ama dhamaantiiba, iyada oo ogaysiin la bixinayo muddo
dhan 6 bilood ka hor ka bixitaanka heshiiska.
b. Heshiiskan
Isfahan (Memorandum of understanding) lama cusuboonaysiin karo marka la reebo
in labadda dhinacba ay saxeexaan qoraal ahaan wax ka badalka heshiiskan.
c. Heshiiskan
Isfahan (Memorandum of understanding) Waxa uu dhaqan galayaa maalinta ay
saxeexaan labada dhinacba.
Heshiiskan
Isfahan (Memorandum of understanding) ee labadda dawladeed dhanka
Somaliland waxa saxeexay Wasiirka Arimaha dibada soomaliland, dhanka
kalana waxa u saxeexay Imaraada Dubai iyada oo wakiil ka ah Dawladda Imaaraadka
Carabta (UAE). Waxa la saxeexay Heshiiskan Isfahan (Memorandum of
understanding) 9 bishii may 2016.
Guud ahaan marka la soo koobo heshiiskan isfahan waa mid aad u balaadhan kaas
oo hadda kaliya uu ka hirgalayo qodobka 6aad ee meelaha isfahan ee labada
dal[areas of cooperation} kaas oo ah Maalgalinta Dekada berbera, sidoo kale
Fulinta ama maalgalinta Dekada berbera waxay fure u tahay in la helo ganacsto
kale oo maalgashatay 7 qaybood ee kale ee lagu heshiiyay.
Fiiro gaar ah.
Ilaa hadda waxay faaqidnay waa heshiiska isfahan [MOU] kaas oo aabo u ah
heshiisyo tiro badan oo uu ka midka yahay kan Dp-world ay ku maalgalinayso
dekada berbera.
Waxa aynu Qoraale kale ku eegi doonaa heshiiska Dekada Berbera iyo ka saami
qaybsiga ee ku saabsan shirkada la samayn doono.
Abdiqani Mohamed Egeh
MA Governance and Leadership- Candidate, research fellow.
fmcige@gmail.com
00252634427711
sumptustiapu Steve Rasmussen Download crack
ReplyDeletethefecttramma